Kabahaaga masoo uraan? Rag baa xal u helay abaal-marinna ku muteystay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhowaad guri kastaa wuxuu leeyahay ugu yaraan hal kabo oo leh ur aan la iska indho tiri karin.
Haddii aad isku darto kabaha dhammaan xubnaha qoyska, kuna ururiso meel kabo la dhigto, waxaa ku heysata dhibaato naqshadeed oo guriga ah
Labo cilmi-baare oo Hindi ah ayaa go'aansaday in arrintani aysan ahayn oo keliya ur — balse ay tahay mid sayniseed.
Waxay go'aansadeen inay daraasad ka sameeyaan sida kabaha urta xun leh u saameeyaan waayo-aragnimadeenna isticmaalka kabo saarka, taasoo ku hoggaamisay inay galaan goobo sharaf leh iyaga oo intaas samaynaya, waxay si lama filaan ah uga dhex muuqdeen hoolalka sharafta leh — isla markaana qosolka leh — ee abaalmarinta Ig Nobel lagu bixiyo, taasoo la siiyo dadka sameeya cilmi-baarisyo doqonnimo u muuqda balse hal-abuur leh.
Vikash Kumar, 42 jir, kaaliye-bare sare ka ah cilmiga naqshadeynta jaamacadda Shiv Nadar ee ku taalla bannaanka Delhi, ayaa wax soo baray Sarthak Mittal, oo 29 jir ah, xilligii uu dhiganaayey heerka koowaad ee jaamacadda.
Waxay ahayd isla jaamacaddaas markii ay markii ugu horreysay ku fekereen in ay daraasad ka sameeyaan kabaha uraya.
Mr. Mittal wuxuu sheegay in uu marar badan arkay dariiqyada meelaha ay deggan yihiin ardayda oo ay safan yihiin kabo, kuwaas oo badanaa bannaanka looga tago qolalka laba-qof-wada-deggan yihiin.
Fikraddii hore waxay ahayd mid sahlan: maxaa loo naqshadayn waayay kabo saar qurux badan oo ardaydu isticmaalaan?
Laakiin markii ay si qoto dheer u baareen arrinta, dambiilaha dhabta ah ayaa soo baxay — ma ahayn isku dhex yaac, balse urta daran ayaa ahayd sababta kabaha loogu saarayay bannaanka.
"Ma ahayn wax ku saabsan meel bannaan ama kabo saar la'aan. Waxa jiray qolol badan. Dhibaatadu waxay ahayd dhidid joogto ah iyo isticmaalka joogtada ah ee kabaha, taasoo keentay in ur badan"ayuu yiri Mittal oo hadda ka shaqeeya shirkad software-kaah.
Markaas labaduba waxay bilaabeen sahamin ku saabsan deggaanada ardayda ee jaamacadda, iyaga oo weydiinaya su'aal aadaninimo oo muhiim ah:
Haddii kabaheennu ay ur daran leeyihiin, miyay taas baabi'inaysaa dhammaan raaxada isticmaalka cago saar?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sahan ay ku sameeyeen 149 arday oo jaamacadeed - 80% oo rag ah - ayaa xaqiijiyay waxa inteenna badankii aynu hore u naqaannay laakiin ay yar tahay in aan qiranno: in ka badan kala bar ayaa dareema xishoodka kabohooda ama ur qof kale, ku dhawaad dhammaan waxay ku hayn jireen kabahooda rafaad guriga, qofna ma maqlin alaabta carfisooyinka ah ama xeeladdo guriga lagu sameeyo oo ay ka mid yihiin isticmaalka caleenta shaaha oo kabaha la galiyo, maadada baking soda, ama ku shubid diyoondarado— wax badan kama qaban urta.
Labada cilmi-baare waxay markaas u jeesteen cilmiga Sayniska. Dembiilaha, sida ay ka ogaadeen cilmi-baaris hore, wuxuu ahaa Kytococcus sedentarius, nooc bakteeriya ah oo ku tarma kabaha dhididka leh. Tijaabooyinkooduna waxay muujiyeen in iftiin gaaban oo oo la yiraahdo "ultraviolet" uu dilo bakteeriyadaas isla markaana meesha ka saaro urta.
"Hindiya, ku dhawaad guri kastaa wuxuu leeyahay kabo saar nooc ama mid kale, iyo haysashada rafcaan ka dhigaya kabaha urta xorta ah waxay siin doontaa khibrad weyn," ayay qorayaashu ku xuseen warqadooda.
"Hindiya, ku dhawaad guri kasta wuxuu leeyahay kabo saar noocyo kala duwan leh, lahaanshaha kabo saar kabaha ur la'aan ka dhigaya waxay siinaysaa waayo-aragnimo weyn," ayay qoraayaashu ku xuseen warqaddooda cilmi-baarista.
Waxay u arkeen "kabaha uraya fursad dib loogu naqshadeyn karo kaba saar dhaqameed inay u wanaagsan taay waayo-aragnimada isticmaalah."
Natiijada? Ma aha warqad caadi ah oo ku saabsan ergonomics — waa fikrad layaab leh oo gaar ah: tusaale naqshadeed oo ah kabo saar leh iftiinka UVC ah, kaas oo kaliya an kabaha lagu kaydinayn basle sidoo kale nadiifiya kabaha. (UV waa qayb ka mid ah iftiinka, laakiin kaliya qaybta C ayaa leh awoodda bakteeriyada dilidda.)
Tijaabada, cilmi-baarayaashu waxay isticmaaleen kabo ay xirteen ciyaartoyda jaamacadda, kuwaas oo lahaa ur xoog leh. Sababtoo ah bakteeriyada ugu badan waxay ku uruurtaa agagaarka faraha, iftiinka UVC-ga ayaa halkaas lagu bartilmaameedsaday.
Daraasadda waxay cabirtay heerarka urta iyadoo la barbardhigayo waqtiga iftiinka UVC lagu hayo, waxayna ogaatay in kaliya 2–3 daqiiqo oo daaweyn UVC ah ay ku filan tahay in bakteeriyada la dilo oo urta xun meesha laga saaro. Ma aysan ahayn mid sahlan: iftiin badan ayaa keenay kulayl badan oo ugu dambeyn gubay suunka kabaha.
Cilmi-baareyaashu ma aysan kaliya iftiinka UVC-ga ku iftiimin kabaha iyaga oo rajeynaya natiijo wanaagsan — waxay cabbireen ur walba si taxaddar leh.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty Images
Billowgii, urta waxaa lagu tilmaamay inay ahayd "ur xooggan oo la mid ah farmaajo duugoobay." Labo daqiiqo kadib, urta waxay hoos ugu dhacday "heer aad u hooseeya, ur fudud oo caag gubtay la mid ah." Afar daqiiqo kadib, urta xun way baaba'd, waxaana beddelay ur caadi ah.
Lix daqiiqo kadib, kabuhu waxay ahaayeen kuwo ur la'aan ah oo si raaxo leh u qabow. Laakiin haddii la dhaafo — 10 ilaa 15 daqiiqo — urta waxay isu beddeshay "ur xooggan oo caag gubtay"ah halka kabuhu kulayl noqdeen .
Ugu dambayn labada cilmi baare waxay soo jeediyeen in kabo saarku noqdo mid leh iftiinka UVC. Waxayna cilmi baaristan ku heleen abaalmarinta Ig Nobelka ee Maraykanka.
Waxaa abaabulay joornaalka Annals of Improbable Research oo ay iska kaashanayaan kooxaha Harvard-Radcliffe, abaalmarinta Ig Nobel oo jirta 34 sano waxay sannad walba bixisaa 10 abaalmarin, iyada oo ujeedadeedu tahay "in dadka dhiiri geliyaan, ka dibna ay ka fikiraan... u dabaal-degaan waxyaabaha aan caadiga ahayn, laguna sharfo hal-abuurka."













