Muxuu yahay habka cusub ee kuu ballan qaadaya luminta miisaanka jirka 16 bilood gudahood

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Fergus Walsh
- Role, Health Affairs Editor
Iskudayada maalinlaha ah ee kiniinka cayilka ayaa muujiyay inay caawin karto bukaanada inay lumiyaan ku dhowaad 12 boqolkiiba ee miisaanka jirkooda muddo ilaa 72 asbuuc ah.
Waxa ay sheegtay shirkada samaysay dawooyinka ee aan weli la meel marin, inay diyaar ahaan doonto sannadka soo socda.
Dawada maalin laha ah ayaa lagu magacaabaa Orforglipron, taasi oo beddelaysa baahida aad dareemayso, waxaana ay kaa dhigaysaa qof dareemaya inuu dhargan yahay.
Natiijooyinka iskudayada horudhaca ah ayaa muujinaya kuwa qaatay tirada ugu badan ee dawada ay lumiyeen celcelis ahaan 12 kilogram in ka badan 16 bilood, laakiin ku dhowaad tobankiiba hal ayaa joojiyay dawooyinka sabab la xiriirta inay leeyihiin waxyeelo barbar socota oo ay ku jiraan matag iyo wareer.
Waxaa intaasi dheer luminta miisaanka, iyada oo ka qayb galayaasha ka faa'iideen yaraanta kalastaroolka, dhiiga dufanka iyo heerarka caddaadiska dhiiga.
Dr. Kenneth Koster ee shirkada Eli Lilly ayaa sheegay qorshayaasha shirkadooda ee gudbinta codsiga ogolaansha dawada kahor dhammaadka sannadka ay diyaar u tahay ‚'furitaanka caalamiga ah ee ka hadalka baahida caafimaadka dadweynaha ee degdega ah."
Ma yahay kiniinigan luminta miisaanka mid ku haboon suuqa ay haystaan dawooyinka la isku duro ee dawooyinka la isku duro sida Mounjaro, Wegovy iyo Ozempic?
Kiniinigan ayaa noqnaya mid ka saamayn yar dawooyinka la isku duro.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Boqolkiiba 12 oo luminta miisaanka ayay gaareen kuwa qaata Orforgliprone marka loo barbar dhigo kuwa 22 boqolkiiba ee bukaanada helaya Mounjaro ee u qaadanaya duritaanka si todobaadla ah. Labada dawo ayaa ah kuwa ay soo saartay shirkada Eli Lilly.
In kasta oo ay yartahay saamaynteeda, waxaa suurtagal ah inay hesho suuq ballaaran oo kiniiniyada luminta miisaanka, gaar ahaana hoos u dhigida cayilka.
Khuburada cayilka ayaa rajayanaya dawooyinka afka laga qaato inay aad uga raqiisnaan doonaan dawooyinka haatan la isku duro, suurtagalna ay tahay inay diyaar u ahaato tiro badan oo bukaano ah.
Natiijooyinka dhamayska tiran ee isku dayada ayaa lagu soo bandhigi doonaan bisha soo socota kulanka sannadlaha ah ee ururada Yurub ee daraasaadka cudurka sonkorta ee uu daabacay joornaalka cilmiga ka hadla.
Tan tartanka kula jirta Novo Nordisk ayaa sidoo kale ah qayb afka ah ee dawada la isku duro ee Wegovy, waxayna durba loo gudbiyay ansixinteeda gudaha Maraykanka.
Iskudayada ayaa muujinaya bukaanada qaatay tirada ugu badan ee Novo Nordisk ay lumiyeen ku dhowaad 15 boqolkiiba miisaankooda ka dib 64 asbuuc.













