Weerar Ukarine ku qaadday Moscow oo sababay in howlihii garoomada magaaladaas la joojiyo

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Weerarro isdaba joog ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen gudaha Ruushka ayaa sababay in garoomada diyaaradaha waaweyn ee Moscow si ku-meelgaar ah loo xiro, iyadoo la baajiyay ugu yaraan 140 duulimaad, sida ay sheegeen masuuliyiinta.
Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in in ka badan 230 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah laga soo riday gudaha Ruushka tan iyo Sabtida – 27 ka mid ahna lagu soo riday caasimadda Moscow.
Hay'adda duulista hawada ee Ruushka ayaa sheegtay in afarta garoon diyaaradeed ee waaweyn ee u adeega caasimadda ay saameyn ku yeesheen weerarradu, iyadoo in ka badan 130 duulimaadna dib loo dhigay. Garoomadu waxay hadda dib u bilaabeen howlahoodii caadiga ahaa.
Dhanka kale, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay weerarro cirka ah oo Ruushku ku qaaday gudaha Ukraine habeenimadii xalay, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobollada.
Ururka Dalxiiska Ruushka (ATOR) ayaa Axaddii sheegay in garoomada Moscow la xiray 10 jeer muddo 24 saacadood gudahood ah sababo la xiriira weerarrada.
Gobalka Kaluga oo ku yaalla koonfur-galbeed Moscow ayaa isna saameyn weyn ku yeelatay arrintaan. Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in 45 diyaaradood lagu soo riday halkaa, taas oo keentay in Garoonka Caalamiga ah ee Kaluga si ku-meelgaar ah loo xiro.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in diyaarado kale lagu soo riday gobollo ku dhow xadka Ukraine sida Rostov iyo Bryansk, iyo sidoo kale badda Madow. Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay keenaan carqalad dhinaca socdaalka ah gudaha Ruushka. Bishii May, ugu yaraan 60,000 rakaab ah ayaa ku xayirmay garoomo kala duwan oo dalka ku yaalla kaddib markii Kyiv ay hawada sare u dirtay in ka badan 500 oo ah ahaa diyaaradah aan duuliyaha laheyn muddo 24 saacadood gudaheed ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

Xigashada Sawirka, Donetsk Regional State Administration
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mas'uuliyiinta gobollada ee Ukraine ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen kaddib duqeymo cirka ah oo ay Ruushku ka geysteen qaybo kala duwan oo ka tirsan Donetsk, halka haweeney 78 jir ah ay nafteda ku waysay guryo shacabku dagganaa oo gubtay magaalada Sumy.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 18 ka mid ah 57 diyaarado-drones ah oo Ruushku diray habeenimadii Axadda, iyadoo 7 kale-na ay lummeen kaddib markii raadaarradooda la jabsaday.
Marka laga soo tago Sumy iyo Donetsk, goobaha kale ee dagaalka sida Kharkiv, Dnipropetrovsk iyo Zaporizhzhia ayaa sidoo kale la beegsaday.
Weerarradan ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, uu sheegay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu diyaar u yahay heshiis nabadeed oo lala gaaro Ukraine, balse mudnaanta Moscow ay tahay "inay gaaraan yoolalkooda."
"Madaxweyne Putin wuxuu si joogto ah u muujiyay rabitaankiisa ah in si nabad ah lagu soo afjaro arrinta Ukraine sida ugu dhaqsaha badan. Waa geeddi-socod dheer, wuxuu u baahan yahay dadaal, mana aha mid sahlan," ayuu yiri isagoo la hadlayay telefishinka dalkiisa.
Waxaa hadda laga joogaa ku dhowaad saddex sano iyo bar tan iyo markii Moscow ay qaaday duullaankeeda buuxa ee Ukraine.
Sabtidii, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo jeediyay wareeg cusub oo wadahadallo ah oo lala furo Moscow, si dib loogu bilaabo wadahadalladii hakaday bishii hore.
Isku dayo hore oo Ruushka iyo Ukraine ay ku doonayeen in lagu soo afjaro dagaalka lama gaarin xabbad-joojin rasmi ah, balse waxaa laga gaaray is dhaafsiyo maxaabiis ah.
Zelensky wuxuu sidoo kale mar kale muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu si toos ah ula kulmo Madaxweyne Putin, isagoo yiri: "Kulan heer hoggaan ah ayaa loo baahan yahay si si dhab ah loogu xaqiijiyo nabadda."
Toddobaadkan Ukraine waxay heshay dhiirrigelin cusub kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump — oo marar badan taageero iyo amaan u jeediyay hogaamiyaha Ruushka — uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu siin doono Ukraine "hubka ugu casrisan" isagoo sii marinaya waddamada NATO.
Trump wuxuu sidoo kale ku hanjabay inuu saari doono Ruushka cashuur aad u culus haddii aan heshiis lagu soo afjaro dagaalka laga gaarin 50 maalmood gudahood, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu "ka niyad-jabay Putin balse weli aaney rajadu dhammayn."
Afhayeenka Kremlin-ka Peskov, oo wareysi uu bixiyay Axaddii la baahiyay, wuxuu yiri: "Dadku hadda waxay la qabsadeen hadallada adag oo tooska ah ee Trump.
"Si kastaba, wuxuu mar kale xaqiijiyay inuu doonayo inuu dadaal walba ku bixiyo sidii loo heli lahaa xal nabadeed."













