Ma laga yaabaa in Masar iyo Israa'iil ay gacanta iskula tagaan

Xigashada Sawirka, Anadolu
Dowladda Masar ayaa si weyn u beddeshay mowqifkeeda ku aaddan Israa'iil maalmahan, taasoo dhalisay su'aalo badan oo ku saabsan in ay tani muujinayso suuragalnimada isku dhacyo militari oo u dhexeeya labada dal.
Shir degdeg ah oo ay yeesheen dalalka Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay magaalada Doha 15-kii Sebtembar, loona qabtay si looga jawaabo weerarrada Israa'iil ku qaaday hoggaanka Xamaas, ayaa Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, markii ugu horreysay tan iyo markii uu xukunka la wareegay 2014, ugu yeeray Israa'iil inay tahay "cadow".
Kacsanaanta aan horay loo arag ee ka dhalatay tallaabooyinka militari ee Israa'iil ka waddo Qasa iyo guud ahaan gobolka waxay halis gelinaysaa heshiiska nabadeed ee labada dal horey u wada saxiixdeen.
Warbaahinta qaar iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digay in haddii xaaladdu sidaas ku sii socoto, ay horseedi karto isku dhac militari oo dhab ah.
Dhowr maalmood uun kadib hadalkii Sisi, militariga Israa'iil ayaa sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn, qaar hubeysan, ay kasoo gudbeen xadka Masar. Warbaahinnada Carabta qaarkood sheegay in dhacdadan ay astaan u noqon karto weerar horudhac ah oo Israa'iil ku qaaddo Masar.
Masar waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee aqoonsada Israa'iil; ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee Anwar Saadaat uu ku tagay Israa'iil iyo khudbaddii uu ka jeediyey baarlamaanka Israa'iil bishii Nofeembar sanadkii Sababaha loo leeyahay mowqif ka duwan1977, labada dal waxay saxiixeen heshiiskii Camp David Sebtembar 1978, waxaana heshiis nabadeed si rasmi ah loo saxiixay 1979.
Sababaha looga qabo aragtiyo kala duwan
Qaahira, oo dooratay waddada diblumaasiyadda ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa'iil 7-dii Oktoobar, ayaa door muhiim ah ka qaadatay sidii loo gaari lahaa xabbad-joojin ka dhacda Qasa, iyada oo ahayd mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa'iil.
Waxay sidoo kale muujisay samir iyo is-xakameyn iyadoo ay jireen daan-daansiyo iyo doco-doceyn badan oo ka imaaneysay Israa'iil, sida duqeymaha soo noqnoqday ee laga fuliyay xuduudka Rafax ee u dhexeeya Masar, joogitaanka ciidanka Israa'iil ee marinka Filadelfia, qabsashada aagga Morag, iyo go'doominta magaalada Rafax.
Laakiin hab-dhaqankan si weyn ayuu isu beddelay ka dib weerarradii Israa'iil ay ku qaaday magaalada Doha, kuwaasoo sababay in Madaxweyne Sisi iyo Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Aal Thaani, ay ku baaqaan in la abuuro "Ciidan Militari" oo difaaca amniga qarannimo ee waddamada Carabta.
Warbaahinta Carabta ayaa weerarkan aan horay loo arag ee lagu qaaday Doha ku tilmaantay in Israa'iil ay ku tallaabsatay "khad cas oo cusub" oo gobolka ah, taasoo keentay walaac iyo tuhun ah in Israa'iil ay weerar kale ku qaadi karto waddan Carbeed oo kale.
Muxuu weerarkii Qasa u sababay isbeddel?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isbeddelka codka Masar ayaa si muuqata u soo baxay kadib markii ciidanka Israa'iil ay ku dhawaaqeen bilaabista duullaan dhulka ah oo lagu qaadayo magaalada Qasa, Sebtembar 15-keeda, iyagoo sidoo kale bixiyay amar ah in la daadgureeyo boqolaal kun oo rayid Falastiini ah oo ku sugan Koonfurta Marinka Qasa.
Hawlgalkaasi wuxuu soo cusboonaysiiyay cabsi hore oo qoto dheer oo ay Qaahira qabtay, taasoo ah in Falastiiniyiinta si qasbi ah looga raro Qasa loona wareejiyo dhulka buuraleyda ah ee Sinai, arrin ay Masar si joogto ah u galisay 'xariiq cas' (xuduud aan la dhaafi karin) isla markaana khatar ku ah amniga qaranka ee dalkaasi.
Maalmo ka hor weerarkan, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo war ku baahiyay Telegram-ka Abu Ali Express, wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in Falastiiniyiinta laga daadgureeyo Marinka Qasa, isagoo eedeeyay Masar in ay "si qasab ah u haysato dadka reer Qasa ee doonaya inay ka baxaan goobaha dagaalku ka socda."
Dhacdadan waxay sidoo kale dhacday kadib hadallo uu Netanyahu ka jeediyay aragtida ku saabsan "Israa'iil Weyn"; wareysi uu siiyay shabakadda Israa'iil ee i24 ayuu ku sheegay inuu dareemayo inuu fulinayo "hawl taariikhi ah oo ruuxi ah."
Calaamadaha xiisadda sii kordheysa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaca madaxweynaha Masar uu Israa'iil ugu yeeray "cadow" shirkii ka dhacay Doha ayaa loo arkay calaamad muhiim ah oo muujinaysa xiisad sii kordheysa iyo in dulqaadkii Qaahira uu gabaabsi ku dhow yahay xadgudubyada Israa'iil darted.
Wargeyska garabka midig ee Israel Hayom ayaa qoray in tallaabadan aysan ahayn oo keliya canaan, balse ay tahay "aqoonsi dadweyne oo muujinaya in Qaahira ay si rasmi ah u qaaday waddadii iska horimaadka," isagoo intaas ku daray: "Qaahira waxay si buuxda u soo dhaweysay is-mariwaaga kala dhexeeya Israa'iil."
Kadib weerarkii Doha, warar ayaa sheegaya in Masar ay si toos ah ugu digtay Israa'iil, iyada oo sii marisay Mareykanka, in bartilmaameedsiga hoggaamiyeyaasha Xamaas ee dhulka Masar uu yeelan doono "cawaaqib halis ah."
Bogga Middle East Eye ayaa sidoo kale warbixin gaar ah ku qoray in Masar horay loo ogeysiiyay qorshe Israa'iil ay ku dooneysay in ay ku disho hoggaamiyeyaal Xamaas ah gudaha Qaahira, balse Masar ay fashilisay isku daygaas.
Waxaa sidoo kale jiray calaamado muujinaya xiisado diblomaasiyadeed oo soo kordhayay bilihii u dambeeyay, sida dib u dhaca magacaabista safiirka cusub ee Masar u fadhin lahaa Israa'iil iyo dib u dhigista oggolaanshaha waraaqaha aqoonsiga ee Uri Rotman, safiirka cusub ee Israa'iil ee Qaahira.
Suurtagalnimada isku dhac ciidan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muuqaalka ugu weyn ee xiisaddan ayaa ah joogitaanka ciidamada milateriga Masar ee gacanka Sinai. Bishii Maarso ee lasoo dhaafay, mas'uuliyiin Israa'iili ah ayaa ka digay "joogitaanka ciidan" oo ka jira Sinai, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay jebin heshiiskii nabadeed ee 1979-kii.
Warbixin uu daabacay Axios, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrinta, ayaa sheegtay in Netanyahu uu Maraykanka ka codsaday inuu cadaadis saaro Masar si ay u dhinto joogitaanka ciidan ee gacanka Sinai. Joogitaankaas ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay xarumo ciidan oo "loo adeegsan karo weerarro."
Si kastaba ha ahaatee, Qaahira waxay ku andacooneysaa in joogitaanka ciidanka ee Sinai uu yahay "si loo xaqiijiyo amniga xuduudaha lagana hortago dhammaan khataraha." Bishii hore, ilo ciidan oo sarsare ayaa u sheegay Middle East Eye in Masar ay u dirtay ilaa 40,000 oo askari Waqooyiga Sinai – taas oo ku dhowaad labanlaab ah inta uu oggol yahay heshiiskii nabadeed.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Masar ay ku rakibtay nidaamyada difaaca hawada ee fog – nooca Chinese-ka ah ee HQ-9B – meelo istiraatiiji ah oo ku yaalla Sinai.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay website-ka Imaaraadka ee The National in kumannaan ka mid ah qabaa'ilka Sinai – kuwaas oo horey u dagaalamay kooxaha xagjirka ah – ay diyaar u yihiin inay taageeraan ciidamada haddii uu dagaal dhaco.
Si kastaba ha ahaatee, isla ilahaas ayaa xusay in tallaabooyinkani yihiin kuwa looga hortagayo khatar, ayna "yar tahay suurtagalnimada dagaal toos ah oo dhex mara Masar iyo Israa'iil."
Axmed Yuusuf, oo ah bare culuuma siyaasadda, ayaa aaminsan in "haddii Israa'iil weerar sameyso, Masar ay khasab ku tahay inay isdifaacdo."
Dhanka kale, Cali Al-Hanafi, oo ka tirsan Golaha Arrimaha Dibedda ee Masar, ayaa sheegay in suurtagalnimada dagaal ciidan ay "ku xiran tahay dhanka Israa'iil iyo heerka damaceeda fidinta iyo hammigeeda gobolka."
Saameynta gobolka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kacsanaanta sii kordheysa ee u dhaxeysa Masar iyo Israa'iil waxay keeni kartaa saameyn weyn oo gobolka ka dhacda, taasoo laga yaabo inay horseedo sameynta iskaashi siyaasadeed, ciidan iyo difaac oo cusub.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Pakistan ayaa heshiis difaac kala saxiixday 17-kii Sebtembar, kaasoo dhigaya in "weerar lagu qaado midkood loo tixgeliyo weerar lagu qaaday labadooda."
Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sidoo kale sheegay 18-kii Sebtembar in waddamo kale oo Carbeed ay ku biiri karaan heshiiskaas.
Dhanka kale, Masar ayaa muujineysa inay raadineyso xulufo cusub iyo sameynta isbahaysi cusub.
Waxay wadaan tababar dhanka badda ah oo ay la sameynayaan Turkiga markii ugu horreysay muddo 13 sano ah, kaasoo loogu magac daray "Saaxiibtinimada Badda" islamarkaana ka dhacaya badda Mediterranean-ka bari laga bilaabo 22 ilaa 26-ka Sebtembar.
Cahed Tuz, oo horey la-taliye uga ahaan jiray dowladda Turkiga, ayaa ku tilmaamay tababarkan fariin toos ah oo loo dirayo Israa'iil si looga jawaabo "halista ka jirta guud ahaan gobolka."
Sidoo kale, Qaahira waxay xoojisay dadaalladeeda diblumaasiyadeed si ay uga hortagto weerarada Israa'iil ee Magaalada Qasa, iyadoo wadahadallo la yeelatay Sacuudi Carabiya, Qadar iyo Iiraan — kuwaasoo soo jeediyay in la dhiso isbahaysi ciidan oo gobolka ah oo la mid ah NATO.













