Sidee soomaaliya ula jaanqaadday isbeddeladii dunida soo maray iyo danihii is diiddanaa 65kii sano ee ay madax banaanayd, halkeese maanta ka taagan tahay loollanka dunida

Calansaarkii Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Horndiplomat

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka ah waxaa si weyn looga xusay sanad guuradda 65-aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay xoriyadda ka qaadatay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1960-kii, markaas oo Soomaalidu ay ka mid ahayd dadyowgii Afrikaanka ahaa ee helay xoriyada ka dib Qaarada Afrika oo dabayshu gobanimo doonku si weyn uga dhacaysay dhinac walba.

26-kii Juun, gobollada Waqooyi ee British Somaliland ayaa xorriyad ka helay Boqortooyadii Ingriiska markaas oo ay 1-dii Luuliyo la midoobeen gobolladii Koonfureed, ayadoo dabadeedna la unkay dowlad Soomaaliyeed oo madax-banaan.

Dabaaldegyo qaar ayaa sidoo kale lagu qabtay dalalka dibadda ah ee ay ku nool yihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Si ka duwan sida hadda tahay Soomaaliya ayey ahayd 65-sano ka hor markaas oo ay si weyn dareen farxadeed oo dabaaldeg dhaafsiisan uu ka jiray dalka markii Calan Soomaaliyeed uu ka dul babaday ciid Soomaaliyeed oo xor ka ah gumayste muddo nus-qarni ka badan soo maamulayey.

Calansaarka

Xigashada Sawirka, X

Sidee ahaa dareenka dadka habeenkii calan saarka

Magaalada Hargeysa oo ahayd meeshii ugu horreysay ee kor loo taago calanka Soomaaliya oo baddelay kii Ingiriiska, habeenkaas waxay qofkasta oo halkaa taagnaa ay u ahayd inuu dhashay oo farxadi buuxisay qalbigiisa. Waa markii uu fagaaraha calanka Buluuga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh la suray ee kii Ingriiskana la dejiyey, markaasoo uu ka mariyey gabay taariikhi ah - "Sarreeyoow ma Nusqaamoow, aan siduu yahay eegnee kana siib kana saar" - Allaha u raxmadee Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timocadde.

Habeenkaas dadka joogay ee hadda nool waa tiro yar oo cimrigooda Alle ku sima inay 65 sanno kadib sawir iyo dareen cabir leh ka bixiyaan sida xaal ahaa habeenkaas. Dadkaas waxaa ka mid ah Aadan Axmed Meygaag, wuxuu BBC-da u sheegay in habeenkaas farxada jirtay ay ula dhigantay "in jannadii la geeyey".

"Maalinta ay Calanka qaadanayeen waxay ahayd maalin farxadeed oo dadku way wada faraxasnaayeen, maalintaas farxada jirtay lama soo koobi Karin"ayuu yiri Maygaag.

Wuxuu intaa raaciyey Aadan Maygaag in sidoo kale ay aad u sarreysay filashada ay dadku ka qabeen madaxbanaanida curatay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Isutagii markay dowladdasi dhalatay waxaa laga filanayey in wax wanaagsani ka soo baxo oo ay ummaddu ka baxdo aqoon xumadii, ka baxdo gaajadii, ka baxdo arradkii iyo darayadii ka baxdo oo hesho caafimaad iyo horumar, labada gobol ay horumaraan, saddexdii kalana la doono oo lagu soo daro, ujeedadu sidaas ayey ahayd" ayuu BBC u sheegay waayo-joog Aadan Maygaag.

Su'aasha is weydiinta mudan ee walina aan helin jawaab dhamaystiran laakiin lagu qiimeeyo cabiraado kala duwan ayaa ah, Soomaalidu ma u diyaarsanayd dowladnimo ka dib helitaankii gobonimadooda?

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah taariikhda Soomaalida si weyn u darsa ayaa BBC-da u sheegay inuu laba daraf oo kala duwan laga eegi karo dhanka kaadirkii siyaasadda, dadweynihii Soomaaliyeed iyo doonistiii gumeystihii haystay dalka.

"Dadka Soomaalida ee Isticmaarka ka soo baxay, Talyaanigii iyo Ingiriiska ka soo fakaday, isticmaarkaas joogay mudadaas siddeetan sano iyo dheeraadka ah qorshahoodu muu ahayn inay timaado dowlad Soomaaliyeed – labada gobolba – oo ismaamusha oo aqoonteedii iyo kartideeda leh, waaba lagala dagaalamay, markaa gobonimada waxaa lagu keenay dagaal cad aqoon may jirin farsamana ma jrin" ayuu yiri Samatar.

Wuxuu intaa raaciyey Borofasoor Samatar, inay jireen siyaasiyiin kooban oo markaa madax noqday oo ka kala tirsanaa SYL ama SNL ama USB oo caqiido lahaa inay xoogaa wax fahansanayeen, balse 'dadweynuhu in gumaystaha ka takhalusaan mahee waxay dowladnimadu tahay aysan fahansanayn'.

Hase ahaatee Aadan Axmed Maygaag ayaa isna qaba in marka maanta meesha la taagan yahay uu eego ay la tahay inaysan ahayn in Soomaalida xilligaas la siiyo xornimo isagoo intaa raaciyey inay wanaagsanayd in ilaa toddobaataneeyadii la soo gaarsiiyo si iyagoo u bisil ay gobanimo u helaan.

Dowladdii Rayidka 1960 - 1969kii

Sida uu BBC-da sheegay Borofisoor Cabdi Ismaaciil Samatar, dhowr tiir oo taariikh gal ah ayaa u qabsoomay dowladdii rayidka ahayd ee dalka maamulaysay muddo sagaal sanadood ah.

Arrinta ugu muhiimsan ayuu Cabdi, ku sheegay inay ahayd "Walaalnimo iyo wax wada yeelasho".

- Dastuur lagu heshiisyo oo afti la sameeyo oo dadku u coddeeyaan.

- In madaxdii ugu horreysay ee ay fahmeen inay xilka wareejiyaan si nabad galyo.

- In Soomaalidu fahansan tahay in qaranimadu muqadas tahay oo la wada ilaashado.

Maxaa laga gaabiyey

Borofasoor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa qaba in inkastoo ay jirtay aqoon yari iyo hanti la'aan haddana laga gaabiyey in.

- Aqoonta dadka oo meeshii la rabay aan la gaarsiin.

- In qabyaaladda ay soo bilaabanaysay, inkastoo lala dagaalamay laakiin haddana laga badiyey kuwii qaranimada rabay.

Dadka kale ee darsa arrimaha taariikhda Soomaalida ayaa iyaguna qaba inay jireen musuq maasuq, ku shubasho doorasho iyo qabyaaladda oo sii faafaysay.

Is-hardigii quwadihii adduunka iyo sidii ay ula tacaamushay dawladdii Rayidka

Markaas dowladda Soomaaliyeed curatay caalamka waxaa ka taagna siyaasaddo si diidan oo kala tabacsan quwadihii Bariga ee Ruushku waayeelka u ahaa iyo kuwii Reer Galbeedka, waxaase xusid mudnayd sidii madaxdii dowladdii cusbayd ay u maareeyeen hardankaas halista lahaa.

Sida uu BBC-da u sheegay Borofisoor Cabdi Ismaaciil Samatar, dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan waxay istaageen door dhexe iyagoo iska ilaaliyey inay ku milmaan dhinacna ka noqdaan quwadihii bariga ama Galbeedka, taasina ay muujisay in ka nabad galaan dhibaato.

Walow Ruushku uu dhanka dhismaha ciidamada ka caawinayey Soomaalida, haddana wali madaxdii dowladdaas rayidka waxay ahaayeen kuwa aan sidaasi dhinac ugu janjeerin.

Si kastoo oo ay ahayd dowladdi Rayidka ayaa meesha ka baxday sanadkii 1969 markii militarigu afgambi xukunka kula wareegeen ka dib dhimashadii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

5tii golaha sare

Xigashada Sawirka, X

Kacaankii 1969

Markii militarigu xukunka la wareegeen sanadkii 1969-kii, waxaa meesha ka baxay xukunkii rayidka ahaa waxkasta oo ka horeeyeyna kacaankii dhashay waa uu baddeley, waxaana durbadiiba la soo saaray 26 qodob oo dalka lagu maamulayey.

Dowladdii kacaanka ee saraakiishu hoggaaminayeen waxay ahayd tii ugu mudda dheerayd Soomaaliya iyadoo dalka maamulaysay 21 sanadood. Wixii muddaaas u hirgalay kacaankii iyo wixii uu seegay ama aan u hirgelin waxaa BBC-da ugu warantay Maryan Xaaji Cilmi oo muddaas si dhow ula soo shaqaysan dowladdii kacaanka ee madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Maryan waxay xustay in kacaanku wax ka qabtay oo hormariyey tiirar waaweyn oo ilaa hadda raadadkoodu muuqdaan kuwaas oo kala ah

- In bilaash laga dhigay waxbarashadii iyo caafimaadkii

- Qoristii Af-Soomaaliga

- Horumarintii Beeraha

- Kaabayaasha dhaqaalaha

- Dhismihii ciidan ka mida kuwa ugu awoodda badan Afrika.

Maryan Xaaji Cilmi

Xigashada Sawirka, Ha noolaato

Wixii uu seegay kacaanka ama aan u hirgelin

Maryan Xaaji Cilmi waxay BBC-da u sheegay in inkastoo dowlad walba ay qalad lahayd haddana khaladaadkii dowladdii kacaanka ay ka mid ahaayen

- Dastuurkii oo la laalay.

- Sharci dajintii oo la baabi'iyey oo wareegto wax lagu soo saareyey.

- In dhexdoodii ay ka tafay saraakiishii oo qaar la toogtay.

- Sharcigii qoyska ee wadaaddadii ka hor yimid la toogtay.

- In awooddii oo dhan gacanta u gashay gal qof oo madaxweynaha ah.

- Samayntii maxkamadii Badbaadada oo milaterigu samaysteen.

- In la xiro qofkii wax ka sheega dowladda.

Dowladdii kacaanka iyo sidii ay ula falgashay Isbaddeladii dunida ka taagnaa

Sida uu BBC-da u sheegay Borofisoor Cabdi Ismaaciil Samatar, hal sano ka dib markii milatarigu xukunka la wareegeen waxay si deg deg ah u raaceen dhankii Ruushka iyo Midowgii Sofiyeeti, iyadoo taasi caddaysay in la noqday ama la qaatay hantiwadaag, ayna ka dhalatay in Reer Galbeedkii ay hilfaha u qaadeen oo cadaawad weyn u qaadeen dowladdii Kacaanka.

Wuxuu intaa raaciyey in taasina ay qayb ka ahayd wixii keenay 'jabkii dhacay'.

Dowladdii kacaanka ayaa dabayaaqadii siddeetameeyadii ay ku kaceen jabhado hubaysan ka dib markii sida dad badani qabaan ay dhaceen tacadiyo aadanaha ka dhan ah,sida duqaymihii Hargeysa ay Militarigii ka geysteen, iyo gabood fallo kale sida ay shegeen hay'addaha xaquuqda aadanaha u dooda.

Hay'adda Amnesty international ayaa warbixin ay kaga hadlaysay tacaddiyo ka dhacay waqooyi galbeed Soomaaliya (Jamhuuriyadda gooni isu taagga ku dhawaaqday ee Somaliland) ku sheegtay in xukuumaddii kacaanku ay mas'uul ka ahayd "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan wax ku dhow xasuuq ay ciidanku ka gaysteen waqooyi galbeed, ayadoo taana ay keentay in Hargaysa la bam gareeyo 1998; Jirdil abaabulan oo loo gaystay maxaabiistii siyaasadda u xirnaa oo nabadsugiddu ay gaysatay, xarig bilaa maxkamad ah, iyo xabsi dheer oo loo gaystay maxaabiista loo xiro waxa ay aaminsan yihiin".

Shirkii Carta

Xigashada Sawirka, Youtube

Buburkii 1990kii iyo heshiiskii Carta ilaa maanta

Jabhadihii oo xoogaystay ayaa sababay inay meesha ka saaraan xukuumadii Kacaanka sanadkii 1990kii,

Dagaalo sokeeye, qax iyo burbur baahsan, xukuumad la'aan ka dib shirkii dibu heshiisiinta ayaa ka qabsoomay dalka Jabuuti halkaas oo ay ka unkatay dowladdii saddexaad ee dalka Soomaaliya, walow Somaliland ay ku dhawaaqday 1991-kii jamhuuriyad iskeed isku maamusha.

Dowladda Soomaaliya ayaana soo kabasho, dibu dhis iyo horumar samaynaysay muddadaas walow kooxo xagjir ah ay muddo dhowr iyo toban sano ay wali dagaalo kula jirto.

Kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ku soo noqoshada fagaarayaasha dunida sida kuwa gobolka ayaa horumaro laga sameeyey, iyadoo hadda dowladda Soomaaliya ay fadhido kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Isbaddelada heer gobol iyo mid caalami iyo la falgalka dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaalya ayaa 65-sano ka dib wali ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin isbeddelada Juquraafi siyaasaddeed ee gobolka, dunida Muslimka iyo inta kale ee caalamka.

Borofisoor Samatar oo BBC-du waydiisay sida uu arko in xilligan qaabka loogu diyaarsan yahay jihooyinkaas is hardiyey ayaa sheegay inaysan muuqan in fahan badan laga haysto sida loola falgalayo isbaddelada ka socda caalamka.

Halkee loo socdaa 65 sano ka dib

Inkasta oo soo kabasho wanaagsan ay Soomaaliya samaynayso sida ay qabaan dadka wax indha indheeya, haddana xeeldheerayaasha ayaa qaba in wali loo baahan yahay in odoros dheer lagu eego 65 sano ka dib jihada dalku aadayo marka la eego sida adduunku isku beddelayo sanadba kan ka sii dambeeya.

Sida uu qabo Borofisoor Samatar halka shay ee hayaanka socdaa ku furi karo meel horseedda barwaaaqo ayaa ah "wadajir iyo Soomaalinmo oo loo soo noqdo" balse aysan muuqan in siyaasiyiinta maanta ay fahan badan ka haystaan isbeddelada dunida ka taagan.

Dadka qaar sida Maryan Xaaji Cilmi oo ah aqoonyahad waayo aragnimo badan u leh siyaasadda ayaa qabta in ilaa laga gudbo isku sidkanaanta siyaasadda iyo habqaysiga 4.5 oo ay u muuqato inaan halkaas laga dhaqaaqi karin.