Maxay tahay sababta Maraykanka uu waddankan ay muddada dheer saarnayd cunaqabataynta uga qaaday

Qaxooti Suuriyaan ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo lagu joojinayo cunaqabatayntii Mareykanka ee saarneyd dalka Syria, taas oo Aqalka Cad uu ku sheegay in ay tahay talaabo lagu taageerayo "wadada Syria u martay xasilloonida iyo nabad".

Cunaqabatayntan – oo horay loogu soo rogay xukuumaddii Bashar al-Assad – ayaa ahayd mid ka mamnuucaysay maalgelin shisheeye, waxayna timid ka dib markii xukuumaddii Assad ay xukunka ka tuureen mucaarad hubeysan bishii Disembar.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhow ula socon doono tallaabooyinka ay qaadayaan mas'uuliyiinta dowladda cusub ee Syria, oo ay ka mid yihiin:

  • Dib u hagaajinta xidhiidhka Israel,
  • La tacaalidda argagixisada shisheeye, iyo
  • Mamnuucista kooxaha Falastiiniyiinta ee loo aqoonsaday argagixiso.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Syria, Asaad al-Shibani, ayaa sheegay in tallaabada Mareykanku qaadday ay "ka qaadayso caqabad" haysatay oo ku taagnayd dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha, isla markaana ay fureyso waddada Syria ugu biiri karto bulshada caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu weli sii hayaa cunaqabatayn gaar ah oo saaran Bashar al-Assad, xubnaha qoyskiisa, kooxaha sida Islamic State (ISIS), iyo wakiillada Iiraan ee ka hawlgala gudaha Syria.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Trump wuxuu hore u sheegay inuu doonayo in uu cunaqabataynta Syria qaado bisha May, kahor kulan uu kula yeeshay madaxweynaha cusub ee Syria – Axmed al-Sharaa, oo ah hoggaamiye hore oo mucaarad ah – magaalada Riyadh ee Sacuudi Carabiya. Warkaasi wuxuu sababay dabaaldegyo ka dhacay waddooyinka Dimishiq.

Kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) – oo uu hoggaamiyo Sharaa, isla markaana gacan ka geysatay ridayntii Assad – ayaa horay u ahayd garab ka tirsan Al-Qaacida ilaa ay xidhiidhka u jartay sanadkii 2016. Si kastaba ha ahaatee, HTS wali waxaa u aqoonsan argagixiso hay'adaha Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Amarkii madaxweyne ee Isniintii la saxiixay wuxuu amray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, inuu "dib u eego" liiska HTS ee argagixisada. Wuxuu sidoo kale xusay in Mareykanku doonayo in dowladda cusub ee Syria ay la wareegto mas'uuliyadda xeryaha xabsiyada ee waqooyi bari Syria, halkaas oo lagu hayo maxaabiista kooxda ISIS.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Horraantii sanadkan, Rubio wuxuu ku baaqay in la taageero hay'adaha kala guurka Syria, isagoo ka digay in haddii horumar dhaqaale la gaadhi waayo, uu dhici karo dagaal sokeeye oo ballaadhan.

Markii xukunkii Assad la riday kadib 13 sano oo dagaal sokeeye ah, 90% dadka Syria waxay hoos uga dhaceen xariiqda saboolnimada.

Hoggaamiyaha cusub ee Syria, Axmed al-Sharaa, ayaa ballanqaaday inuu ilaalin doono xaquuqda beelaha laga tirada badan yahay ee dalka. Hase yeeshee, dilal ballaadhan oo loo geystay boqolaal rayid ah oo kasoo jeeda beesha Calawiyiinta – ah beesha laga tirada badan yahay ee uu Assad kasoo jeeday – ayaa ka dhacay xeebaha galbeed ee dalka bishii Maarso, taas oo keentay cabsi dheeraad ah oo ku saabsan aayaha beelaha laga tirada badan yahay.

Waxaa sidoo kale jiray iska horimaadyo dhimasho sababay oo dhex maray kooxo Islaami ah, ciidamo ammaanka iyo maleeshiyaadka beesha Duruus. Bishii Juun, ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Dimishiq.

"Ammaan darro baahsan baannu dareemaynaa" – Masiixiyiinta Syria oo ka cawday weerarkii kaniisadda

Ka hor saxiixii amarka Isniintii, afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa warfidiyeenka u sheegtay in Trump uu fulinayo ballanqaadkiisii ahaa in uu Syria u horseedo nabad iyo xasillooni.

"Tani waa mid ka mid ah ballanqaadyadii madaxweynaha uu fuliyay, si uu u dhiirrigeliyo nabad iyo deganaansho gobolka ka hanaqaadda," ayay tiri.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Syria, Thomas Barrack, ayaa isna sheegay in la baabi'iyo nidaamka cunaqabataynta ay ahayd "natiijo ka dhalatay hannaan aad u adag, faahfaahsan oo murugsan oo lagu furfurayay caqabadihii keenay kal hore in la saaro."

"Syria waxay u baahan tahay in la siiyo fursad cusub – waana tan la sameeyay," ayuu ku daray.

In ka badan 600,000 qof ayaa lagu dilay halkaas, halka 12 milyan oo kale ay guryahooda ka barakaceen intii uu socday xukunkii hore ee madaxweyne Bashar al-Assad.