Xog cusub: Suuriya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay hoggaamiyaha Daacish

Xigashada Sawirka, Alikhbariah
Maamulka Suuriya ayaa ku dhawaaqay, aroortii Khamiista in ay gacanta ku dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Daacish oo laga qabtay deegaannada miyiga ah ee Damaashiq. Talaabadan ayay sheegeen in ay daba socotay howlgalo "amniga la qorsheeyey" oo lala kaashaday Isbahaysiga Caalamiga ah.
Taliyaha amniga gudaha ee gobolkaasi, Gaashaanle Sare Axmed Daalati, ayaa ku yidhi bayaan uu daabacday Wasaaradda Arrimaha Gudaha: "Unugyadeenna khaaska ah oo iskaashanaysa Hay'adda Sirdoonka Guud iyo Ciidamada Isbahaysiga Caalamiga ah, waxay fuliyeen howlgallo amni oo si taxaddar leh loo qorsheeyey."
Sida loo qabtay hoggaamiyahan
Daalati wuxuu intaa ku daray in howlgalku uu sababay in "gacanta lagu dhigo hogaamiye ka tirsan ururkaasi oo u qaabilsanaa Damaashiq… oo lagu naanayso Abo Cumar Tibiya iyo qaar ka mid ah kaaliyayaashiisa, islamarkaana waxa lala qabtay suun qarax ah iyo qalab kale oo dagaal oo uu watay."
Maamulka Suuriya ayaa marar kala duwan ku dhawaaqay fulinta howlgallo amni oo ka dhan ah unugyo ka tirsan ururka Daacish, kii ugu dambeeyayna wuxuu dhacay 13-kii Diiseembar, agagaarka magaalada Tadmor, iyada oo lala kaashanayo Isbahaysiga Caalamiga ah, waxaana ay ka dambaysay markii saddex Maraykan ah laba askari iyo turjubaan lagu dilay weerar ay Damaashiq iyo Washington u aaneeyeen ururka.
Daalati wuxuu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Al-Mu'adhmiyah oo u dhow Dimishiq, "la fuliyay markii la sameeyey kormeel si taxaddar leh looga fiirsaday iyada oo la adeegsanayo sirdoon xooggan."

Xigashada Sawirka, Alikhbariah
20-kii Diseembar, Taliska Dhexe ee Maraykanka ee CENTCOM ayaa bayaan ku sheegay in ay "beegsadeen in ka badan 70 bartilmaameed oo ku kala yaalla badhtamaha Suuriya", iyaga oo adeegsanaya diyaarado dagaal iyo diyaarado qumaatiga u kaca, toddobaad kaddib weerarkii Tadmor.
Duqeymahaas ayaa sababay dhimashada shan ka mid ah xubnaha Ururka Daacish, sida uu xilligaas sheegay Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya.
Suuriya: Sannad ka dib dhicitaankii Assad
Syria waxay u dabaaldegeysaa sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Syria Bashar Al-Assad. Xukunkii adkaa ee Asad kaddib dalka waxa uu galay halgan uu ku raadinayo xasilooni iyo in uu ka soo kabto dagaallo sanado socday.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dabaaldeg rasmi ah ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco fagaaraha Umayyad ee bartamaha Dimishiq kaas oo ay soo buuxiyeen dad faraxsan ka hor inta uusan barnaamijka bilaaban. Sidoo kale waxaa laysugu soo baxay qeybaha kale ee dalka. Militeriga ayaa ka qeybgalaya munaasabada lagu xusayo ridistii Bashar Al-assad.
Sanad ka hor ayuu Assad Syria ka cararay isagoo aaday Ruushka kaddib markii falaagada uu hoggaaminayay madaxweynaha cusub ee dalka, Ahmed al-Sharaa, ay qabsadeen Dimishiiq taas oo soo afjartay xukunkiisa iyo dagaalka socday in ka badan 13 sano ee ka soo bilowday kacdoon looga horjeeday dowladiisa.
Sharaa wuxuu ku xusay maalintaa isagoo saladda subax ku tukaday masjidka Umayyad ee Dimishiq sida ay sheegtay wakaalada wararka SANA. Wuxuu xirnaa dharka militeriga.
Sharaa wuxuu ballanqaaday in uu dhisayo Syria xoog badan.
"Laga bilaabo koonfur ilaa iyo waqooyi, bari iyo galbeed, hadii Alle idmo, dib ayaan u dhiseynaa Syria xoog badan oo leh dhismo ku haboon oo ka turjumaya kii hore iyo mustaqbalka" ayuu yiri Sharaa sida ay warisay wakaaladda wararka SANA.
Sharaa, oo hore u soo noqday taliye ururka Al-qaacidda ah, ayaa sameeyay isbaddel weyn oo dib u qaabeeyay siyaasadda dibadda Syria. Wuxuu xiriir la sameeyay Mareykanka, wuxuu ku guuleystay taageerada dowladaha khaliijka iyo Turkiga iyo sidoo kale wuxuu dhabarka xajiyay saaxiibadi Assad ee Iran iyo Ruushka. Cunaqabateynta reer galbeedka saareen dalkiisa ayaa inta badan la qaaday.













