Maxaa ku dhacay Jaajumoow markii uu is yiri u hiili nin ajnabi ah oo askar ku dhaganayd balse uu ku tilmaamay 'xafaayadiisa'?

Mid kamid ah dhacdooyinka ka qosliya Jaajumoow ee soo maray sanadaha uu ku soo qaatay Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhibaatooyinka dagaalada sokeeye iyo qaxa ay badeen shacabka Soomaaliyeed ayaa qof waliba si gooni u cabiray isago kaa shanay khibradiisa shaqsiga ah.

Nin kamid ah dadka Soomaaliyeed ee khibradooda la wadaagay BBC ayaa ah jilaa caan ah oo ka tirsanaa hoboladii Waaberi ee Soomaaliya, waana Abdirahman Jama Maxamed oo ku magac dheer Jaajuumow .

Jaajumow ku dhawaad 30 sano ayuu wuxuu haatan ku nool yahay gobol aysan Soomaalidu u badneen oo Maraykanaka ku yaal.

Waxaa jirtay marar badan oo uu is fahmi waa soo kala dhex galay isaga iyo bulshadii ay wada noolaayeen - luuqada ayaa ahyd caqabadda ugu wayn.

Jaajumow

Xigashada Sawirka, Google

Qisadii dhexmartay isaga iyo nin Madow ah ee sababtay in ninkii laga celceliyo

Mid kamid ah dhacdooyinka ka qosliya Jaajumoow ee soo maray sanadaha uu ku soo qaatay Maraykanka ayaa waxaa kamid ah, markii uu isku dayay inuu kala dhexdhexaadiyo nin ay daris ahaayeen oo ah madow iyo askari Maraykan ah.

“Anigoo isku dayaya inaan xal raadiyo ayaa waxaan ku iri maxaa dhacay?, Markaas buu askarigii igu yiri ma taqaanaa? Haa, baan ugu jawaabay anigoo raba inaan irahado waa deriskayga (He is may Neighbour) ayaan waxaan ku iri He is my diaper oo micneheedu yahay waa xafaayadeyda ama suufka caruurta iyo dadka da’ada ah looga celiyo kaadida iyo saxarada, markaa ayuu askarigii qosol la dhacay ninkii madowga ahaana igu soo fakaday oo naftayda ayaaba khatar gashay.”

“Markii aan cuqudadda iska qaaday”

Abdirahman Jama Maxamed Jaajuumow ayaa waxa uu sidoo kale BBC-da u sheegay in caqabadaha kale ee u ku wajahay qurbaha ay ka mid tahay markii uu waayay magicii uu ku lahaa Soomaaliya iyo dad yaqaana.

“Awal waxaan ahaa nin farxaan ah oo xafiiska uu galo loo istaagayo oo la qiimeynayo, laakiin halkan markaan imid waxaan waayay wax isalaamaya oo I yaqaano xitaa kuwa Soomaalida ee jooga isma naqaano,"

"Tsaale ahaan qof baa dhahaya war ninkan miyaadan aqoon waa ninkii Jaajumoow ahaa ee fanaanka ahaaye, markaas ayuu leehaya ‘heeskee ayuu qaadi jiray, muxuu ahaa?’ marka waxaaban noqday qof xirxiran, dabeecaddii ka luntay, nolol kale oo adag dhex galay, wax yaqaana aysan jirin cuqdad baaban qaaday,” ayuu BbC u sheegay Jaajumoow.

Soomaali badan oo ku nool magaalada Atlanta ayay xitaa markii is fahmi waayeen

Xigashada Sawirka, Google

Markii lagu yiri bisadda canshuur celin lagu qaataa ee bisad xaafadda iska keensaday

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fannaan Jaaumow oo ka sheekeeyay qisada bisadda ayaa waxa uu sheegay inuu markii uu tagayay uu keligii tagay isaga oo aan wax qoys ah la socon.

“Dadku canshuur celin ayay sameyaan si lacag uga helaan dowladda marka maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin igu yiri 'Aniga bisadda ayaa waxaan ku qaataa canshuur celin' anigana maaddaamaa aan keligay ahaay waxaan go’aansaday inaan bisad keensado guriga,"

"Waxaana keensaday bisad oo aan bilaabay inaan koriyo, waan koriyay laakiin nasiib darro waxaa igu dhacaday anigoo xaafadda ka maqan oo shaqo jira ayaa waxaa yimid kuwa bisadaha uruuriya oo ay shabaq ku qaateen.” ayuu yiri Jaajmoow oo siiqoslaya.

“Ka dib markii aan ka imid shaqada ayaa waxaan iri 'Inaan u dacwoodo baan rabaaye meesha yaa yaqaano oo ii tilmaami kara?' markaas baa la igu yiri 'Bisadda lambar diiwaan gashan makuu lahayd?' 'Maya' baan ku iri. Marka ha isku aadin baa la igu yiri maaddaamaa aysan lambarkaas lahayn iyaga iska leh. Sidaas ayayna bisaddii aan doonayay inaan canshuur celin ku helo igu dhaaftay,” ayuu yiri Jaajumow.

Abdiraxman Jaamac Maxamed Jaajuumow waa jilaa caan ah oo hoboladii Waabari ka tirsanaa waxa uuna qurbaha tagay gaar ahaan Mareykanka oo muddo ka badan 30 ku noolaa.

Hadda waxa uu nool yahay magaalada Atlanta oo weli kaalin ka qaataa jiritaanka dhaqanka Soomaalida si jiilka yar-yar ay hadda soo koraya ee weligood arkin dhulkooda hooyo wax badan uga ogaadaan dhaqankooda.