Sida ay Xamaas u dhistay ciidamada 3-da sano u diyaar garoobayay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado Israa'iil

Dhoolatus milatari oo wada jir ah ayaa dhex maray kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta laga bilaabo 2020 wixii ka dambeeyay

Xigashada Sawirka, TELEGRAM

Shan kooxood oo Falastiiniyiin ah ayaa ku biiray Xamaas ka hor weerarkii dadka badan ku dhinteen ee 7-dii Oktoobar lagu qaaday Israa'iil ka dib markii ay si wadajir ah ay sameeyeen dhoolatus ciidan laga soo bilaabo 2020-kii, sida ay muujineyso falanqayn ay BBC sameysay.

Kooxuhu waxay dhoolatusyo wadajir ah ka sameeyeen Qasa kuwaas oo la mid ahaa xeeladihii la isticmaalay intii lagu guda jiray weerarrada ka dhacay gudaha Israa’iil.

Dhoolatuskan waxa ay ku sameeyeen qafaalasho, weeraro iyo jabinta difaacyada Israa’iil intii lagu guda jiray, waxaana kii ugu dambeeyay la qabtay 25 maalmood ka hor weerarka.

BBC-da laanta afka Carabiga iyo BBC Verify ayaa aruuriyay cadeymo muujinaya sida Xamaas ay isugu keentay kooxaha Gaza si ay u mideeyaan qaabkooda dagaalka - ugu dambeyntiina ay duulaan ku qaadaan Israa'iil kaas oo gobolka geliyey dagaal.

'Astaanta midnimada'

Ciidamada Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

29-kii Diseembar 2020, hogaamiyaha guud ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa ku dhawaaqay dhoolatuskii ugu horeeyay ee ay sameeyeen kooxaha kaas oo loogu magac daray “tiir iyo farriin adag iyo calaamad midnimo” oo udhaxeysa kooxaha hubaysan ee kala duwan ee Gaza.

Maadaama ay tahay kooxda ugu awoodda badan kooxaha hubaysan ee Gaza, Xamaas waxay ahayd xoogga ugu sarreeya isbahaysiga taas oo isu keentay 10 kooxood oo kale oo falastiiniyiin ah.

Qaab dhismeedka waxaa la dejiyay 2018 si la iskugu duwo kooxaha hubaysan ee Gaza ee hoos yimaada taliska dhexe.

Kahor 2018, Xamaas waxay si rasmi ah ula xiriir ula sameysay kooxda Falastiin Islamic Jihad (PIJ), kooxda labaad ee ugu awoodda badan Gaza.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xamaas waxa ay weeraradii hore sidoo kale ka barbar dagaalameen kooxaha kale, laakiin dhoolatuskii 2020 waxa lagu faafiyay dacaayad taas oo caddaynaysa in kooxo badan oo kala duwan la mideeyay.

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in dhoolatuskii ugu horeeyay uu ka tarjumayo "diyaar garowga joogtada ah" ee kooxaha hubeysan.

Dhoolatuskii 2020 wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee lagu sameeyey afar tababbar oo wadajir ah oo la qabtay muddo saddex sano gudohood ah, kuwaas oo mid walba lagu sameeyay muuqaallo la qurxiyay oo la soo galiyay baraha bulshada.

BBC ayaa muuqaal ahaan ku ogaatay inay ahaayeen 10 kooxood, oo ay ku jiraan PIJ, iyagoo si gaar ah u garatay xirirahooda gaarka ah iyo astaamaha ay ku barbar taagan yihiin Xamaas intii lagu jiray tababbarka loogu magac darayTiirka adag.

Ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar, shan ka mid ah kooxaha ayaa sii daayay muuqaallo ay ku andacoonayaan inay muujinayaan inay ka qayb qaadanayaan weerarka. Saddex kale ayaa bayaan qoraal ah soo dhigay barta Telegram iyagoo sheeganaya inay ka qaybqaateen weerarkii 7-dii Octoobar.

Cadeeymo muujinaya in 5 kooxood ay ka qeyb qaateen weerarkii 7-dii Octoobar

Doorka kooxahan ayaa si weyn diiradda u saaray si ay gacanta ugu soo dhigaan tobannaan haween iyo carruur ah oo la rumeysan yahay in maxaabiis ahaan looga kaxaystay Israa'iil kuwaas oo ay kooxo kale u qaadeen Gaza 7dii Oktoobar.

Saddex kooxood oo kala ah PIJ, guutooyinka mujaahidiinta iyo guutada Al-Naasir Saalax al-Deen ayaa sheegtay in ay qabsadeen lahaysteyaal Israa’iili ah maalintaas.

Muuqaal laga soo duubay dhoolatuskii ugu horeeyay ayaa muujinaya taliyayaal wejiyada soo duubtay oo ku jira meel kayn ah oo u muuqda in ay samaynayaan tababarka, waxayna ku bilaabmayaan weerarka gantaal.

U sheegidda aduunka

Muuqaal tababar ah oo la dabaacay 2022

Tababarka dhoolatuskii labaad ee “tiirarka adag” ayaa la qabtay ku dhawaad hal sano ka dib.

Ayman Nofal, oo ah taliyaha guutada Izzedine al-Qassam - magaca rasmiga ah ee garabka hubaysan ee Xamaas - ayaa sheegay in ujeedada tababarkii 26-ka Diseembar 2021 ay tahay "in la xaqiijiyo midnimada kooxaha wax iska caabinta".

Waxa uu sheegay in dhoolatusku "uu cadowga u sheegayo in gidaarada iyo tillaabooyinka injineerada ee xuduudaha Gaza aysan celin karin".

Bayaan kale oo ay Xamaas soo saartay ayaa lagu sheegay in "dhaqdhaqaaqyada militari ee wadajirka ah" loo qorsheeyay in " loo adeegsado xoreynta degsiimooyinka u dhow Gaza" - taas oo ah sida ay kooxdu ula jeedo bulshooyinka Israa'iil.

Ka dhabeynta tababarka dhoolatuska

Muuqaal tababar oo la daabacay 2020-kii

Xamaas waxay aad ugu dheeraatay sidii ay u hubin lahayd in dhoolatusku uu ahaado mid xaqiiqo ah.

Sannadkii 2022, dagaalyahannada ayaa weeraray saldhig milatari oo Israa'iil ay leedahay kaas oo laga dhisay meel 2.6 kiilomitir kaliya u jirta isgoyska Erez, marin u dhexeeya Gaza iyo Israa'iil oo ay maamulaan ciidamada Difaaca Israa’iil ee IDF.

BBC Verify ayaa tilmaamtay goobta oo ku taal waqooyiga fog ee Gaza, oo 800m u jirta xayndaabka, iyada oo isbarbardhigeysa muuqaalada juqraafi ee lagu arkay muuqaalka tababarka iyo sawirrada hawada ee aagga. Laga bilaabo Noofambar 2023, goobta ayaa wali ka muuqanaysay Khariidadaha Bing.

Dhulka, badda iyo hawada

Fiidiyowga xayeesinta ah ayaa muujinaya rag hubeysan oo si jees-jees ah u weeraraya dhismayaal

Xigashada Sawirka, TELEGRAM

10-kii Sebtembar 2023, qol lagu sheegay qolka guddiga wadajirka ah ee barta Telegram ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya rag ku labisan dareeska milatariga oo basaasaya ilaalada qalabka militariga ee ku teedsan xayndaabka Gaza.

Laba maalmood ka dib, waxaa la sameeyay dhoolatuskii afraad ee “tiirarka adag”, kaas oo lagu sameeyay dhammaan tabaha loo adeegsan doono weerarkii 7dii Oktoobar ee aan horay loo arag.

Dagaalyahannada ayaa laga duubay muuqaal iyagoo wata baabuur cad oo ah nooca Toyota pickup kuwaas oo la arkay iyaga oo dhex mushaaxaya koonfurta Israa’iil bishii xigtay.

Fiidiyowga xayeesinta ah ayaa muujinaya rag hubeysan oo si jees-jees ah u weeraraya dhismayaal, isla markaana rasaas ku ridaya bar-tilmaameedyo yar-yar, iyo sidoo kale tababar ay ku sameeynayaan xeebta iyagoo isticmaalaya doon iyo quusayaasha biyaha hoostooda. Israa'iil ayaa sheegtay in ay iska caabisay isku day ay Xamaas ku dooneysay inay doon kaga soo degaan xeebeheeda 7-dii Oktoobar.

Hase yeeshee, Xamaas ayaanan shaacin tababarkeeda mootooyinka iyo kuwa dabaasha, taas oo qayb ka ahayd xayeesinta dhoolatuska loogu magacdaray Tiirka adag.

Muuqaal tabobar ah oo ay Xamaas soo bandhigtay saddex maalmood kadib 7dii Oktoobar ayaa muujinaya xayndaabyo la duminayo si ay mootooyinka u dhex maraan, taas oo ah xeelad ay ku gaari kareen koonfurta Israa'iil. Ma aanan aqoonsan muuqaalo hore oo la mid ah kuwaas oo lagu sameeyay tabobarka.