Fanaan uu codka ka lumay in yar ka hor inta uusan heesin

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa baaqday bandhig faneed uu fanaan caan ah ku qabanayay fagaare ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, kaddib markii fanaankii heesaha ka qaadi lahaa xafladda uu codkii kasoo bixi waayay ka hor inta uusan heesin.
Taageerayaasha fanaan Bono oo u dhashay Ireland ayaa niyad jab kaga soo laabtay munaasabadda. Bono ayaa tageerayaashiisa ka raaligeliyay in uusan heesi Karin maadama uu codkiisa lumiyay.
Qaar kamid ah taagerayaasha ayaa sheegay in fanaan Bono uu qiiq ku baxay islamarkaasna uu saamayn ku yeeshay codkiisa.
Bayaan kasoo baxay kooxdii maamulaysay bandhig faneedka ayaa lagu sheegay in fanaan Bono uu leeyahay cod macaan, markii uu heeso yar ka qaaday goobta uu codkiisa ka lumay balse ay qorsheynayaan in habeen kale ay Berlin ku qaban doonaan munaasabad.
Bono wuxuu yiri " Ma garan karno waxaa dhacay balse waxaan raacaynaa tallooyin caafimaad"
Muuqaal ay baraha bulshada soo geliyeen tageerayaasha fanaankan aya u muuqday isagoo qufacaya oo dadkii goobta joogay ku leh 'Raali ahaada'
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Wuxuu yiri " Arrintani ma ahaan dhibaato wayn, balse waan la tacaali doonaa, haddii aad doonaysaan inaad guryaha aadan, waad fasaxantihiin, bandhigeed faneed kale ayaan heeso kusoo bandhigi doonaa"
Majaajilaystaha Mareykanka u dhalatay Ashley Judd oo ku sugnayd bandhig faneedka ayaa sheegtay in dadka ay u naxeen fanaanka islamarkaasna uu ahaa qof dhibtoon oo aanan awood lahayn.










