Ciidamada badda Midowga Yurub oo la wareegay doon ay burcad badeed afduub u adeegsanayeen

Burcad badeed

Xigashada Sawirka, AFP

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub iyo kuwa Hindiya ayaa la wareegay markab ay burcad badeeddu u adeegsadeen xeebaha Soomaaliya si ay ugu afduubtaan markab sitay calanka calanka Malta, sida ay Arbacadii sheegeen ciidamada Midowga Yurub.

Markabka Kalluumeysiga oo laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Issamohamadi ayaa ku go'doonsanaa xeebaha Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore loo adeegsaday qabsashada markabka Hellas Aphrodite, kaasi oo shixnad shidaal kasoo qaaday dalka Hindiya kuna sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Burcad-badeeddu waxay u isticmaaleen Issamohamadi, oo ah nooc ka mid ah markab qadiimi ah oo looga yaqaan Gacanka Persia doon ama "markabka-hooyada" weerarro xiriir ah oo ay u isticmaaleen in ay ku qabsadaan markabka.

Koox ka socota markabka ESPS Victoria, oo ah markab Isbaanish ah, ayaa fuulay doonta waxayna sheegeen in shaqaalihii asalka ahaa ee Issamohamadi ay ku sugan yihiin "xaalad wanaagsan oo ay nabad qabaan ayan xor yihiin" Iran ma aysan qiran qabsashada markabka.

Kooxda burcad-badeedda "ee ka shaqaynaysay aaggaas ayaa dhab ahaantii laga hortagay," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidammada badda ee Midowga Yurub ee hawlgalka Atalanta.

Ciidamada Midowga Yurub "waxay ururiyeen caddaymo iyo sirdoon ku aadan dhacdadan oo ay weheliso caddaymaha laga ururiyey markabka Merchant Tanker Hellas Aphrodite, kuwaas oo la gudbin doono si ay u taageeraan sidii loo maxkamdeyn lahaa dambiilayaasha."

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa halkii ugu saraysay gaartay sannadkii 2011-kii, markaas oo lasoo sheegay 237 weerar.

Burcad-badeedda Soomaalida ee gobolka sannadkaas waxa uu dhaqaalaha adduunka ugu kacay ilaa $7 bilyan, iyada oo 160 milyan oo doollar lagu bixiyey madax-furasho, sida ay sheegtay kooxda kormeerka ee Oceans Beyond Piracy.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khatarta waxaa hoos u dhigay markii kor loo qaaday ilaalada caalamiga ah ee badda, taageerada dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadaallo kale.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa sannadkii hore si xawli ah u billaabmay, taasoo qayb ka ah ammaan-darrada ay geysteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen oo weerarro ku qaaday marinka Badda Cas sababo la xiriira dagaalka Israa'iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Xuutiyiinta ayaa ka dhawaajiyay inay joojiyeen weeraradooda inta ay xabad joojitu ka socoto Qasa.

Sannadkii 2024-kii, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay toddobo dhacdo, sida uu sheegay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha. Ilaa sanadkan, doomo badan oo kalluumeysi ayaa waxaa gacanta ku dhigay burcad badeedda Soomaalida.

Markabka Hellas Aphrodite waxa uu ka dhigan yahay markabkii ganacsi ee ugu horreeyay oo ay burcad-badeeddu ku qabtaan xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii May 2024-kii.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa markii ugu horeysay muddo 18 bilood ah afduubtay markabkan ganacsi, waxaana taasi ay keentay cabsi laga qabo weeraro hubeysan oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Burad badeedka wax weeraray ayaa furay qoryaha darandooriga u dhaca iyo baasuukayaasha kuwaas oo fuulay markabka shidaalka siday xeebaha Soomaaliya, mas'uuliyiinta ayaa sheegay, inay u badan tahay in uu yahay weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen burcadbadeedda Soomaalida ee gobolka ka soo cusboonaatay.

Weeraro isxigxigay oo dhawaanahan loo aaneeyay burcad badeedda Soomaalida ayaa Khalkhal galiyay maraakiibta, xitaa ka hor inta aan la qabsan khamiistii markabka Hellas Aphrodite oo uu ka babanaayay calanka Malta. Qabashada markabkan ayaa waxa ay ka dhigan tahay markii ugu horeeyay ee ay burcad badeeddu ka kaxeeystaan xeebaha Soomaaliya muddo sanad ah, waxana ay sare u qaaday cabsida laga qabo in weeraro kale ay dhacaan.