Sida nin cabsan uu Raysal wasaaraha UK ugu khasbay inuu iscasilo

Raysal Wasaaraha UK Borris Johnson

Xigashada Sawirka, EPA

Boris Johnson ayaa iska casilay xilka hoggaanka xisbigiisa iyo tan ra'iisul wasaaraha UK kadib markii uu caddaadis xooggan kala kulmay xukumaddiisa.

Qalalaasaha siyaasadeed ee bilooyinka taagnaa waxaa cirka ku sii shareeray marki ay Talaadadii iscasileen xoghayaha caafimaadka iyo xubin kale oo golahiisa wasiirrada ka tirsan, sababo la xiriira sida uu Ra'iisul Wasaaraha u maareeyay eedeymaha anshax-xumada galmo ee ka dhanka ah xildhibaan sare oo baarlamaanka ka tirsan.

Arrintan ayaa dhalisay is casilaad iyo waraaqoo ay kalsoonida kagala noqonayaan ra’isal wasaaraha oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno iyo wasiirro.

Arbacadina dhowr wasiirro ah ayaa aaday aqalka Downing Street ee looga arrimiya Ingiriiska si ay Raysal wasaaraha ugu qanciyaan inuu iscasilo.

Mr Johnson ayaa markii hore go’aaankiisa ku adkeystay, fiidnimadii Arbacadana waxa uu sheegay inuu wax niyad ah u heynin inuu iscasilo marka loo eego "kalsoonida weyn" ee uu ka helay cod-bixiyayaasha doorashada 2019-kii dhacday.

Jacob Rees-Mogg oo Raysal wasaaraha xulafa dhaw yihiin ayaa ku gacan seydhay ololaha ka dhanka ah e lagu doonayo inuu iscasilo, isaga oo weliba ku tilmaamay ‘kacdoon’.

Laakiin subaxnimadii Khamiista in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan dowladda ayaa shaqada ka tagay, oo ay ku jirto Xoghayihii Waxbarashada Michelle Donelan oo habeenimadii Talaadada xilka loo magacaabay iyadoo Mr Johnson waxaa lagu qasabay go’aan lagu dirqiyey inuu qaato.

Hadal kooban oo uu soo saaray hoggaamiyaha mucaaradka Sir Keir Starmer waxa uu ku sheegay in iscasilaada Mr Johnson ay “war wanaagsan u tahay dalka” waxa uuna sheegay in uu mas’uul uu ka yahay beenta, fadeexada iyo wax isdaba marinta.

Sunak

Xigashada Sawirka, Reuters

Habeenkii sakhraanka ee ka dhacay Westminster

Khamiistii hore wariye 24 jir ah oo 4 maalmood keli ah u shaqeeya wargeyska ‘Sun’, ayaa shaaciyey warka sheegaya xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative inuu xilkii iska casilay.

Warqadddiisa iscasilaadda, Chris Pincher wuxuu ku sheegay ra'iisul wasaaraha inuu "si xad dhaaf ah u cabbay" "isaga iyo dadkii kale ee la joogayba uu ceebeeyey.”

Warqadda xildhibaankaa kaddib laba arrimoodd ayaa dhacay. Dowladda ayaa warbahinta u sheegtay Mr Pincher inuu garwaaqsaday inuu si xun u dhaqmay, sidaa darteedna uu shaqadiisa sii wato oo uusan wajihi doonin tallaabbo kale.

Balse arrintaa waxaa aad uga carooday qaar ka mid ah xildhibannada muxaafidka.

Dominic Raab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaaladdu wey isa sii baddashay

Sheekadu waxay markaas noqotay inla isweydiiyo waxa Boris Johnson uu arrinta Mr Pincher ka ogaa iyo xilliga uu ogaadayba in la isweydiiyo.

Maalma dhowr ah wasiirro iyo afhayeenka Mr Johnson ayaa difaacayey inuu raysal wasaaruhu uusan ka warqabin eedeymaha gaarka ah ee ka dhanka ah Mr Pincher markii uu u magacaabayey ku xigeenka madaxa horjoogaha xildhibaannada mucaaradka.

Talaadadina waxaa dhacday arrin la yaab leh taasoo ahayd in xafiiska Raysalw asaaraha uu warfidiyeennada la wadaagtay Mr Johnson inuu eedda ninkaasi loo soo jeediyey uu wax ka ogaa balse uu illaaway.

Isla maalintaa Mr Johnson wuxuu aqbalay “inuu khaldweyn ahayd” Mr Pincher inuu xil u magacaabo.

Waxaa markale sii xoogeystay caddaadiska Raysal wasaare Borris Johnson lagu saarayo inuu xilka banneeyo.