Diyaaradaha Tansaaniya ee ku duula shidaalka mootada

- Author, Yusuf Mazim
- Role, Wariye
- Reporting from, BBC Dar es Salaam
Garoonka yar ee Mazimbu ee ku yaalla Morogoro, waxaan goobjoog u ahaa dhacdo dad badan ay ula ekaan lahayd sheeko xariir. Halkaan, koox ka kooban 13 dhalinyaro Tanzaniyaan ah ayaa qaaday tallaabo weyn oo horumar ah, iyaga oo dhisaya diyaarad yar oo ay gacmahooda ku sameeyeen — waana tallaabo weyn oo loo qaaday xilli cusub oo duulimaadyo ah oo Afrika ka bilaabanaya.
Markii aan galay garaashkooda yar, waxaan durba maqlay dhawaqa mishiinnada goynaya biraha, dhalinyaro adkaynaya boolal, iyo kuwo kale oo si taxaddar leh u cabbiraya baalasha diyaaradda. Waxaan is iri, "Halkaan waa aduun kale," — waana meel aanan ka filayn bartamaha Morogoro.
Halkaan, waxay ku sameynayaan diyaaradaha yar-yar ee Sky Leader 500 iyo Sky Leader 600 oo ah kuwo hal matoor ku shaqeeya oo labo qof qaadi kara. Waxay gaari karaan xawaare dhan 265 kiiloo-mitir saacaddii, waxayna mari karaan masaafo dhan 1,600 kiiloo-mitiriyagoo isticmaalaya hal taangi shidaal ah, iyadoo ay u baahan yihiin keliya 120 litir oo baensiin caadi ah. Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in diyaaradahaan ay ku degi karaan jidad aad u gaaban oo dhererkoodu yahay 100 mitir — xitaa haddii uu yahay meel cows leh.
Paul Ihuya, oo ah wiilka dhalinyarada ah ee ugu horreeyay ee bilaabay mashruucan, ayaa iiga warramay isagoo wajigiisa laga dareemayo farxad iyo xamaasad:
"Farxaddii aan dareemay maalintii aan arkay diyaaraddii aan gacmahayga ku sameeyay oo si nabad ah u duushay... ma jiro eray aan ku cabbiro."
Badbaadada iyo tayada waa mudnaantooda koowaad

Su'aasha dad badan is weydiiyaan waa: "Diyaaradahaani ma yihiin kuwo si dhab ah ammaankoodu u suganyahay?" Injineer Lilian Jackson, oo ah farsamayaqaan tayo hubin ah, waxay adkaynaysaa in wax walba loo maray habraacyada caalamiga ah.
"Diyaaraddu waa waxa kaliya ee boqolkiiba boqol lagu kalsoonaan karo marka la eego amniga, sidaas darteed waxaan hubinaa in diyaaradaha aanu samaynay yihiin kuwo leh tayo la isku halleyn karo si loo sugo badbaadada loogana hortago shilalka," ayay tiri Lilian.
Markii ugu horreysay ee aan raacay diyaaradahan waxaan dareemay cabsi weyn. Gudaha diyaaradda waxaa yaalla kuraas raaxo leh, meel lugaha lagu fidsado, iyo saqafka kore oo galaas ah oo furmaya si aad si cad u aragto cirka. Waxaan fadhiyey anigoo daawanaya duuliyaha Engelbert Sengati oo diyaar garoobaya duulimaad uu igu wareejin doona cirka Morogoro. Wuxuu i siiyey wacyigelintii badbaadada ee caadiga ahayd.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ugu horreysay ee aan duulnay, kuna jirnay hawada nus saac, jirkeyga oo dhan wuu gariiray. Ma ahayn wax sahlan. Laakiin markii waqti aan soconay , waxaan arkay in aysan jirin wax farqi weyn ah oo u dhexeeya diyaaradahaan iyo diyaaradaha yaryar ee aan horay u raacay. Waa mid degan, ammaan ah, oo fulisa amar kasta oo uu duuliyuhu bixiyo.
Markii aan degay ayaan mar labaad raacay. Markan waxaan is arkay anigoo aad u xiiseynaya… waxaan bilaabay inaan sawiro qaato, duuliyaha la sheekeysto, su'aalo badanna weydiiyo. Wuxuu ii xaqiijiyey in diyaaradahaani ay mareen qiimeyn rasmi ah oo ay ansixiyeen hay'adaha ku shaqada leh, sidoo kalena ay leeyihiin shahaadooyin tayo iyo badbaado.
Markaas ayaan si buuxda uga gudbay cabsidii. Waxa ii haray kaliya waa hal dareen oo weyn — waddaniyad. Waxaan iri: "Wooo… tani waa diyaarad Tanzaniyaan ah. Waxaa sameeyey dhalinyaradeena reer Tanzania. Waxaa lagu sameeyey Afrika."
Runtii, waxaa I qaaday dareen farxadeed— anoo ku faanaya inaan ahay Tanzaniyaan, xitaa intaa ka sii badan, sharaf aan ku faano inaan Afrikaan ahay.

Ma rumaysan karin in Tanzaniyiintu ay diyaarad samayn karaan
Dadka caadiga ah ee shacabka ah, riyadan weli waa mid la yaab leh. John oo deggan magaalada Tanga ayaa yiri:
"Wax yar ayaan la yaabay markii aan maqlay in Tanzaniyiintu ay diyaarad gacmahooda ku sameeyeen. Markii hore ma aan rumaysan. Waxaan moodayay in qalabkii diyaaradda la keenay oo kaliya la isugu xidhay. Laakiin markii aan daawaday muuqaalkii, waan rumaystay — waxaanan arkay in hadda aan halkii saxda ahayd gaarnay."
Laakiin weli waxaa jira dad aaney ka dhaadhicin. Safi Ruda oo ka timid magaalada Dar es Salaam ayaa si la yaab leh u tiri:
"Tanzaniyiintu diyaarado ma sameyaan? Diyaaradahaas cirka sare u duula? Maya, taas ma rumaysan karo."
Hadalladan waxaad ka dareemaysaa sida uu safarku yahay. Waa sheeko ay ka buuxaan yaab, shaki, laakiin sidoo kale rajo cusub iyo qab.
Tanzaniya, xarunta soo saarista diyaaradaha ee Afrika

Dhallinyaradan, oo aan kaliya tababar gudaha dalkooda ku qaadan balse fursad u helay inay muddo kooban u safraan dalka Czech Republic si ay uga bartaan farsamada gacanta ee dhismaha diyaaradaha, ayaa durba dhisay 9 diyaaradood, shan ka mid ahna si buuxda ayay u shaqeeyaan.
Waxay sheegayaan in haddii ay heli lahaayeen dhammaan qalabkii iyo agabkii loo baahnaa, ay diyaar u ahaan lahaayeen inay hal diyaarad sameeyaan bil kasta, iyaga oo adeegsanaya shirkaddooda yar ee la yiraahdo Airplanes Africa. Paul Ihuya ayaa sharraxaya hammigooda mustaqbalka:
"Waxaan rabnaa inaan meel dheer gaarno. Ma rabno oo kaliya in nala yaqaan in diyaarado yar yar dhisno. Hadafkeennu waa inaan dhisno diyaarado rakaab oo waaweyn, si aan u muujinno in Tanzania ay noqon karto xarunta diyaaradaha ee Afrika."
Iyadoo adduunka intiisa badani maanta ka hadlayo doorka dhallinyarada iyo hal-abuurka ee Afrika, sheekada Mazimbu waxay iftiiminaysaa suurtagalnimada haddii fursad la helo in wax badan la smaeyn karo.
Runtii, Mazimbu oo ku taal gobolka Morogoro, waxaad oran kartaa waa halka ay riyooyinka 13-kan dhallinyaro ahi cirka ku bexeen. Tani ma aha oo keliya sheeko diyaaradeed — waa sheekada jiil cusub oo aaminsan in wax walba suurta gal yihiin.
Waa aqoon cusub oo cirka la xiriirta oo dhalatay, xilli safarkii riyooyinkuna uu weli bilow yahay.













