"Gabbaatigeygu waa Pakistan oo dhan; Guurkana Diyaar ayaan u ahay"

Xigashada Sawirka, @rajnathsingh
Hadalkii dhawaan uu jeediyay Wasiirka Difaaca ee Hindiya, Rajnath Singh, ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada. Hadalkan wuxuu la xiriiray dhacdo uu Rajnath Singh ku sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii dhalashada Ra'iisul Wasaarihii hore ee Hindiya, Atal Bihari Vajpayee, oo ku beegnayd 25-ka December. Munaasabaddaas oo ka dhacday magaalada Lucknow, Rajnath Singh wuxuu ku amaanay Vajpayee shakhsiyaddiisa, gabayadiisa, iyo kaftankiisa furfuran ee gaarka ah.
Rajnath Singh wuxuu sheegay sheeko la xiriirta booqasho uu Vajpayee mar ku tagay Pakistan, halkaas oo haweeney ay si kaftan ah ugu soo bandhigtay guur, balse shuruud uga dhigtay in Kashmir la siiyo. Sida uu sheegay Singh, Vajpayee wuxuu ugu jawaabay si kaftan ah isagoo leh isaguna wuu oggol yahay guurka, balse Pakistan oo dhan ayuu rabaa inay noqoto Gabbaatigeyga ama Sooryadeyda.
Ujeeddada Rajnath Singh ka lahayd xuska sheekadan waxay ahayd inuu muujiyo caqliga iyo kaftanka degdegga ah ee Vajpayee, balse hadalkaas wuxuu dhaliyay muran ballaaran.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku dhaliilay hadalka, iyagoo sheegay inuu dhiirrigelinayo dhaqanka meherka, isla markaana aysan habboonayn in mas'uul sare uu ka sheekeeyo arrin noocaas ah. Qaar kale waxay ku tilmaameen mid muujinaya mas'uuliyad-darro, gaar ahaan xilli dunidu la tacaalayso faafinta wararka aan la hubin. dad badan oo ah kuw aisticmaala baraha bulshada ayaa xusay in sheekadaasi aysan ahayn dhacdo taariikhi ah oo la xaqiijiyay.
Doodda sii hurisay muranka ayaa ahayd in sheekadan ay si muuqata ugu jirtay filim Hindi ah oo la sameeyay dhowaan, kaas oo ka hadlayay nolosha Atal Bihari Vajpayee. Filimkaas oo lagu magacaabo "Main Atal Hoon", soo-na baxay Janaayo 2024, waxaa ku jiray muuqaal ay haweeney u eg wariye, kuna labisan dhar Pakistani ah, ay Vajpayee ugu soo jeedinayso guur ay ku xiran tahay Kashmir. Jawaabta Vajpayee ee filimka ayaa ahayd mid la mid ah tan uu Rajnath Singh ka sheegay khudbaddiisa. Taas ayaana keentay in dad badan ay yiraahdaan hadalka Rajnath Singh uu yahay hadal filim laga soo qaatay, balse aan ahayn xaqiiqo dhab ah.
Dad kale oo baraha bulshada ku doodaya ayaa sheegay in BJP ay u adeegsanayso sheekooyinka noocan ah si ay dareenka shacabka uga weeciso arrimaha waaweyn sida shaqo la'aanta, horumarka, iyo dib-u-habaynta nidaamka dowladeed, gaar ahaan marka ay soo dhow yihiin doorashooyin.
Marka laga yimaado muranka hadalka, Rajnath Singh wuxuu khudbaddiisa ku faahfaahiyay nolosha iyo doorkii siyaasadeed ee Atal Bihari Vajpayee. Vajpayee wuxuu dhashay 1924, wuxuuna noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee xisbiga BJP. Wuxuu xilka Ra'iisul Wasaaraha qabtay saddex jeer, waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa hoggaamiye leh cod khudbad oo gaar ah, edeb hadal, iyo maskax furan.
Vajpayee wuxuu caan ku ahaa gabayada, wuxuuna xitaa xilliyada mashquulka ah ku gudbin jiray farriimo siyaasadeed iyo kuwo anshaxeed isagoo adeegsanaya suugaan. Wuxuu ahaa hoggaamiye aan si fudud u quusan, kana doorbidayay hadal edeb leh halkii uu dagaal ka abuuri lahaa xaaladaha adag.

Xigashada Sawirka, AFP
Intii uu xilka hayay, wuxuu isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka Hindiya iyo Pakistan, isagoo xitaa bas u raacay Lahore. Si kastaba ha ahaatee, xilligiisa waxaa dhacay dagaalkii Kargil, weerarkii baarlamaanka Hindiya, iyo afduubkii diyaarad Hindi ah oo laga kaxeeyay Kabul, taas oo keentay in maxaabiis la sii daayo. Sidoo kale, xilligiisa ayay Hindiya samaysay tijaabooyin nukliyeer ah, taas oo dunida ku dhalisay cunaqabatayn, Pakistan-na ay iyaduna ku jawaabtay tijaabooyin la mid ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo aragtiyo kala duwan laga qabo inuu ahaa hoggaamiye adag oo Hindutva ah ama mid dhexdhexaad ah, haddana lama inkiri karo in Atal Bihari Vajpayee uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa Hindiya ka dib xornimada, laguna xusuusto edebtiisa, khudbadihiisa, iyo shakhsiyaddiisa gaarka ah.













