F-35: Maxay yihiin diyaaradaha casriga ah ee uu Mareykanku ka iibinayo Sacuudiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu ansixiyay in diyaaradaha casriga ah ee F-35 laga iibiyo Sacuudi Carabiya.
Dahaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa maanta Aqalka Cad kula kulmi doona Donald Trump.
Iibka hubkan ay ku kacayso balaayiinka doollar, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha F-35, ayaa la filayaa in looga hadlo kulanka.
Haddii Madaxweyne Trump uu dhammeeyo heshiiskan uuna ansixiyo in diyaaradahan F-35 la geeyo Sacuudiga, waxay taas keeni kartaa caqabado dhanka Israa'iil ah.
Heshiiska ayaa u oggolaan doona xukuumadda Riyadh inay hesho awood dhanka hawada ah oo ay kaga horumareyso dalalka ay gobolka isaga soo horjeedaan, oo ay ka mid yihiin Iiraan, oo Gacanka Beershiya ku taalla.
Sacuudiga ayaa in muddo ah doonayay inuu helo diyaaradaha F-35 wuxuuna noqon doonaa mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee maanta looga doodi doono kulanka Mohammed bin Salman iyo Donald Trump.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu isku dayi doono inuu Sacuudiga ku qanciyo inuu ku biiro heshiiska Abraham Accords, oo ah heshiis ku saabsan in caadi laga dhigo heshiiska Israa'iil iyo dalalka Carabta.
Walaaca Israa'iil ay ka qabto heshiiskan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujin doonaa isbeddello waaweyn oo ku yimaadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, sidoo kalana wuxuu keeni karaa caqabado ku wajahan dhinaca milateriga Israa'iil.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan Sacuudiga waxaa lagu dari karaa shuruudo iyo aarrimo kale oo lagu hubinayo awoodda millateri ee Israa'iil ee gobolkaas.
Khubarradu waxay sheegayaan in Israa'iil aanay dooneyn in Maraykanku ka iibiyo Sacuudiga diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Sida ay warbaahinta Israa'il ku warrantay, heshiiskan wuxuu noqon karaa halis weyn oo amniga Israa'iil ka dhan ah mustaqbalka haddii xidhiidhkeeda dalalka kale ee Bariga Dhexe aanu ku socon sidii caadiga ahayd.
Laakiin marka laga hadlayo Sacuudiga, waxay khubarradu aaminsan yihiin inuusan doonayn inuu beddelo siyaasaddiisa iyo mas'uuliyadda kaga aaddan arrimaha dalalka Carabta waqtigan.
Arrinta ugu muhiimsan waa Falastiin, Sacuudiguna wuxuu aamminsan yahay in dal madax bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin la dhiso iyadoo la tixgelinayo xudduudihii 1967.
Tani waa shuruud aasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallo kasta ee ku aaddan mustaqbalka Bariga Dhexe.
Maxay diyaaradaha kale uga duwan tahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Uma muuqato cadowga. Markii diyaarad F-35 ah ay ka qeyb galeyso tababar, waxay mar walba iska caabisaa diyaaradaha cadowga ku ah iyadoo ku dhaafeysa 20 iyo 1.
Isla sidoo kale ayay sameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka iyo Shiinaha, sababtoo ah waxaa loo sameeyay inay dhuuqdo amaba iska celiso tamarta raadaarka, sidaas darteed wadayaasha diyaaradaha cadowga ma arki karaa kahor inta aysan weerar ku qaadin.
Waxaa intaas dheer, F-35 wuxuu leeyahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka.
Raadaarrada ayaa meel fog shey ka aqoonsan kara, balse ma baadi goobi karaan amaba ma weerari karaan F-35.
Sidoo kale, matoorka diyaaradda wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo kulka kahor inta gantaallada klka raadiya aysan weerarin.
Wey ka weyn tahay keliya diyaarad dagaal. F-35 ma aha keliya diyaarad dagaal balse sidoo kale waa mid muddo jiri karta.
Shaqooyinkeeda, waxaa ka mid ah inay awood u leedahay inay nadiifiso hawada diyaaradaha cadowga ee qalqalka gelin kara ciidamada Maryekanka.
Xog-ururinteeda

Xigashada Sawirka, AFP
Balse taasi waa uun billow. Hannaanka xog-uruurinta ee F-35 ayaa xogta sirdoonka ka uruurin karta una qeybin karta meelo kala duwan.
Awoodda ay u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.
Waxaa sii dheer wwoodda ay u leedahay in wadayaashu ay ku dejin karaan meel walba iyo qaab walba iyadoo awoodda inay qaaddo hubka nukliyeerka.













