Trump oo dib u kiciyay rajada sii deynta Marwan Barghouti oo loo yaqaanno 'Mandela-ha Falastiin'

Xigashada Sawirka, TAL COHEN/AFP via Getty Images
- Author, Kasra Naji
- Role, Special correspondent, BBC News Persian
Tuulada Kobar ee ku taal Daanta Galbeed, oo qiyaastii 15km dhanka waqooyi ka xigta Ramallah, ayaa dadku waxay durba qorsheynayaan sidii ay ugu dabaal degi lahaayeen sii deynta Marwan Barghouti oo muddo dheer xirnaa.
Waxay ku tilmaameen inuu yahay Nelson Mandela ree Falastiin, islamarkana ah mid wax mideeya.
Isagoo ka hadlayay bannaanka masaajidka tuulada ka dib salaadii jimcaha, ina-adeerkiis Mohammad Barghouti wuxuu ii sheegay "inuu hubo 80%" Marwan in dhawaan la sii dayn doono. Niman dhallinyaro ah oo nagu xeernaa aya siodo kale isku raacay.
Waxa sare u kiciyey niyadda dadka tuulada iyo qoyska dhexdiisa waa dadaallada nabadeed ee Gaza iyo hadal uu dhawaan sheegay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Wareysi uu siiyay majaladda Time oo la daabacay todobaadkii hore ayuu Trump ku sheegay inuu ka fiirsanayo inuu Israa'iil ka codsado inay sii deyso Barghouti si uu u hoggaamiyo maamulka Gaza.
Magaca Barghouti ayaa ahaa meesha ugu sareysa liiska toddobo maxbuus oo magac sare leh oo Xamaas sii dayntooda ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan 20 maxaabiis oo Israa'iili ah oo ay kooxdu ku haysay Qaza – balse Israa'iil ayaa diiday in ay ku darto.
Astaan diidmo iyo midnimo

Xigashada Sawirka, Scott Peterson/Getty Images
Guriga qoyskan oo laba dabaq ka kooban oo uu ku dhashay Marwan Barghouti kuna noolaa ilaa uu xabsiga ka galayay sannadkii 1978-kii, sawir weyn ayaa kud hagan darbiga kaasi oo soo koobaya dareenka. Waxay muujinaysaa Marwaan oo gacmaha katiinadaysan kor u qaadaya si qayaxan islamarkana xabsiga loo sii wado.
Walaalkiis, Moghbel Barghouti, ayaa sheegay in Marwan uu yahay kan keliya ee isu keeni kara Falastiiniyiinta iyo Israa'iil: "Wuxuu midayn karayey Falastiiniyiinta taasi oo uusan qof kale awoodin."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Moghbel waxa uu ka tirsan yahay maamulka falastiiniyiinta, waxa uu xubin ka ahaa guddiga maxaabiista, waxa uuna si firfircoon uga dhex muuqday tuuladiisa.
Marka loo eego ra'yi ururin soo noqnoqatay, Marwan, oo 66 jir ah, ayaa ilaa hadda ah siyaasiga ugu caansan falastiiniyiinta.
Waxa uu dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed bilaabay isaga oo 15 jir ah ururka Fatax oo uu markaas hogaaminayay hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiin Yaasir Carafaat, isaga oo u ololaynayay qadiyada falastiiniyiinta iyo xalka labada dawladood.
Waxa uu caan ku noqday hogaamiye Intifada labaad (kacdoonkii falastiiniyiinta horraantii 2000) wuxuuna in ka badan labaatan sano ku qaatay xabsiyada Israel.
Barghouti waxaa lagu xiray Hawlgalka Difaaca Israel 2002-dii, markaasoo Israel ay ku eedeysay inuu aasaasay Guutada Shuhadada ee al-Aqsa, eedeymahaas oo Barghouti uu beeniyay.
Guutada Shuhadada ee Al-Aqsa ayaa qaaday weeraro dhowr ah oo lagu hoobtay, kuwaasoo lagu dilay askar iyo dad rayid ah oo Israa'iiliyiin ah.
Sannadkii 2004-tii, Barghouti waxa lagu xukumay shan xabsi daa'in ah, marka lagu daro 40-sano oo xarig ah, waxaa lagu soo oogay qayb ka mid ah weerarradaas, oo ay ku heshay maxkamad Israa'iili ah.
Xaaskiisa Fadwa, oo ah qareen Falastiini ah, ayaa BBC-da u sheegtay sannadkii hore in ninkeeda "aan lagu soo oogin dacwad ah inuu ku kacay falalkan oo gacmihiisa ku sameeyay balse eedo ay ahayd inuu ahaa hoggaamiye", inkastoo ay intaas ku dartay in Barghouti uu beeniyay eedeymaha ah "asaasidda guutooyinka Shuhadada Al-Aqsa".
Xukunka Barghouti ayaa noqday mid laga hadal hayay guryo badan, waxaana loo arkaa inuu yahay shaqsiga ugu cadcad ee xilka kala wareegi kara Maxamuud Cabaas oo ah madaxweynaha maamulka Falastiin.
Waxa uu sheegay in uu taageersan yahay nabad lala gaaro Israa'iil iyo in la helo xal laba dowladood ah oo ku saleysan xuduudihii ka horreeyay 1967-kii.
In kasta oo dad badan oo Israa'iiliyiin ahi ay diideen fikradda ah in la sii daayo, sababtoo ah waxa lagu xukumay shan dil iyo oo uu yahay "gacan ku dhiigle", qaar kalena waxay rumaysan yihiin in siidayntiisu ay noqon doonto hab lagu gaaro heshiis dhexmara Falastiiniyiinta, midaynta kooxaha iska soo horjeeda iyo bixinta rajada ugu wanaagsan ee nabadda.
Ololaha qoyskiisa

Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Carab Barghouti, ayaa sheegay in aabihiis uu yahay siyaasi, ee uusan ahayn nin milatari oo laga yaabo in uu ku lug lahaa dilka Israa'iiliyiinta. Carab oo 30 jir ah ayaa ah nin aad firfircoon oo si cad ugu dooda qadiyadda Aabihii.
Isaga oo ku hadlaya af Ingiriisi isaga oo ku sugan goob maqaaxi ah oo Ramallah oo ku taalla, Carab waxa uu ii sheegay in qoysku maqleen in Marwan la garaacay uuna miyir daboolmay xabsiga gudihiisa14-kii Septembar falkaasi oo ay geysteen siddeed ilaalo ah.
Mar wax laga waydiiyay dhacdadan,Laanta Xabsiyada Israa'iil ayaa u sheegay BBC horaantii bishan: "Kuwani waa eedeymo been abuur ah .
Warkan ayaa soo baxay xilli ay soo baxayeen warar xan ah oo sheegaya in laga yaabo in Barghouti la sii daayo, taasoo qayb ka ah heshiiska xabbad-joojin ah ee Gaza oo la siku dhaafsanayo maxaabiista Falastiiniyiinta oo lagu beddelanayo la haystayaal Israa'iil ah.
"Waxaa Israa'iil ku sugan wasiirro midig-fog ah oo sida iska cad aan danaynayn nabadda, kuwaas oo si cad ugu baaqaya isir-tirka dadka reer Falastiin," ayuu yiri Carab.
"Oo waxaan filayaa inay aabbahay u arkaan khatar siyaasadeed, weligood uma arkin inuu khatar ku yahay ammaanka, sababtoo ah weligii ma ahayn nin ciidan ah ama Jeneraal ama wax la mid ah. Waligiis wuxuu ahaa siyaasi, xildhibaan, xubin Golaha Dhexe ee Fatax [dhaqdhaqaaqa ka taliya maamulka Falastiiniyiinta] iyo wixii la mid ah."
Fariin ku socota Washington

Xigashada Sawirka, ABBAS MOMANI/AFP via Getty Images
Fadwa Barghouti ayaa fariin u dirtay madaxweyne Trump, iyadoo sheegtay in ninkeeda uu ka caawin karo inuu gaaro hadafkiisa ah nabad ku soo dabaalida gobolka.
"Mudane Madaxweyne, saaxiib dhab ah ayaa ku sugaya, kaasoo gacan ka geysan kara fulinta riyada aan wadaagno ee ah nabad waarta oo ka dhalata gobolka," ayay ku tiri wareysi ay siisay Times usbuucii hore.
"Si loo helo xorriyadda dadka Falastiiniyiinta iyo nabadda dhammaan jiilalka mustaqbalka, gacan ka geyso sii deynta Marwan Barghouti."
Carab waxa uu aaminsan yahay in aabbihiis uu si weyn wax ugu biirin karo isagoo mideynaya muuqaalka siyaasadeed ee Falastiin ee jabay.
"Midnimada Falastiin waxay si weyn uga qayb qaadan kartaa xasilloonida gobolka. Aabahay wuxuu aaminsan yahay xalalka siyaasadeed, wuxuuna ahaa nin aad ugu dooda geeddi-socodka nabadda ee 90-meeyadii."
Daanta Galbeed, waxa ka jira dareen yididiilo leh oo aan muddo aad u dheer laga dareemin dhulka la haysto.
Xabad-joojinta Gaza iyo dhammaan caqabadaha iyo dadaallada dib-u-cusboonaysiinta ee Maraykanku uu ku doonayo in nabad loogu soo dabaalo Gaza iyo guud ahaan gobolka ayaa dhalisay rajo .
Tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ay Xamaas ku qaadday Israa'iil, Daanta Galbeed waxaa ka socday dagaal balse qabow, oo waxaa hareeysay colaadda Gaza.
Nabada u dhaxaysa Israa'iil iyo Falastiin si ay u helaan fursad wanaagsan oo guul ah, hoggaamiyeyaal aragti leh ayaa looga baahan yahay labada dhinac.
Xitaa haddii Marwan Barghouti laga sii daayo xabsiga si uu u caawiyo nabadda Gaza, gobolka weli wuxuu u baahan yahay hogaamiye dhinaca Israel ah oo leh aragti nabad ku wada noolaanshaha.
Carab Barghouti ayaa weli rajo leh: "Waxaan u maleynayaa in tani ay noqon karto bilowga hab cusub oo looga fikiro gobolka iyo qadiyadda Falastiin. Waxaan runtii rajeynayaa in aan gaarno heerkaas.













