JNIM: Sida kooxdan mitidiinta ah ay u noqdeen mid kamid ah kuwa ugu halista badan kooxaha argagixisada Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kicitaanka rabshadaha kooxaha jihaad-doonka ah ee Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo, haddii gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika ay kusii xoogaystaan, in taasi ay keeni karta in la xakameyn waayo.
Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan, laakiin yay yihiin kooxdan, maxayse doonayaan?
Maxey yihiin kooxdaan JNIM?
Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) waxa ay noqotay mid kamid ah kooxaha ugu khatarsan ee jihaad doonka Afrika
Kooxdan ayaa lagu dhisay dalka Mali, waxaana ay hadda ka howlgalaan gobolka Saaxil oo ah dhul saxara ah oo aad u ballaaran oo ay ku jiraan 10 waddan oo dhaca xeebaha Galbeed ee Afrika ee dhanka Bari ee qaaradda.
JNIM ayaa la rumeysan yahay inay mas'uul ka tahay in ka badan kala bar dhammaan rabshadihii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka bartamaha Saaxil, intii u dhexeysay Maarso 2017-kii iyo Sebtembar 2023-kii.
Sannadkii 2024, ku dhawaad 19% dhammaan weerarrada argagixisanimada ee adduunka oo dhan iyo in ka badan kala bar dhammaan dhimashada la xiriirta argaggixisannimada adduunka ayaa ka dhacday Saaxil, marka loo eego Warbixinta 2025 Global Terrorism Index (GTI) oo uu daabacay Machadka Nabadda sanadkaan 2025-ka.
Iyada oo ay adagtahay in la ogaado inta dagaal yahan ee qaybta ka ah JNIM iyo inta dhowaan la qoray, khuburada ayaa aaminsan inay yihiin ku dhowaad dhowr kun- intooda badan waa dhalinyaro ka soo jeeda gobolka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida ay ku bilaabatay JNIM iyo Waxa ay doonayaan?
JNIM waxaa la aasaasay sanadkii 2017, iyada oo ay ku biireen afar kooxood oo Islaamiyiin ah oo ka howlgala Waqooyiga Afrika iyo Saaxil kuwaasi oo kala ah: Ansar Dine, Katibat Macina, al-Mourabitoun iyo laanta Saharan ee Al-Qaacidada Maqrib Islaamiga ee (AQIM).
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdan ayaa waxaa hoggaaminaya Iyad Ag Ghali, oo horey u ahaan jiray diblumaasi u dhashay dalka Mali, kana soo jeeda qabiilka Tuareg oo ay u badan yihiin Muslimiinta qabiilka Tuareg.
Wuxuu sii waday inuu hoggaamiyo fallaagada Tuareg ee ka soo horjeeday dowladda Mali 2012, kuwaas oo doonayay in ay ka dhisaan dowlad madax banaan waqooyiga Mali.
Waxa kale oo jira hoggaamiye ku xigeenka oo lagu magacaabo, Amadou Koufa, kaas oo ka soo jeeda bulshada Fulani.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in hoggaankan sare uu gacan ka geysto hagidda laamaha maxalliga ah ee JNIM ee ku baahsan Saaxil oo ah shabakad loo yaqaan 'katibat'.
JNIM waxa ay ku daabacdaa qoraal iyo muuqaal akoonnadeeda warbaahinta bulshada ee ChirpWire iyo Telegram iyada oo adeegsanaysa warbaahin lagu magacaabo al-Zallaqa.
Hadafka kooxdu waa in lagu beddelo mas'uuliyiinta dawladda oo ay ku beddelaan turjumida ku saabsan shareecada Islaamka iyo maamulka. Waxay sidoo kale horay ugu baaqeen in ciidamada shisheeye laga saaro dalka Mali.
Weerarrada JNIM ma yihiin kuwo sii kordhaya?
In ka badan 3,000 oo weerar ayay kooxdu ka fulisay Burkina Faso, Mali iyo Niger sannadkii hore, sida laga soo xigtay (ACLED).
Ochieng waxa uu sharaxayaa in kooxuhu ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo loogu talagalay inay keenaan carqaladayn weyn. "Waxa ay ku rakibaan walxaha qarxa waddooyinka muhiimka ah, waxayna haystaan hubka riddada dheer. Waxa ay sidoo kale beegsadaan ciidamada ammaanka ee ku jira xerooyinka ciidamada, sidaas darteed hub badan ayaa ka yimaada, sidoo kale waxa ay weerareen dad rayid ah, bulshada ay u arkaan inay la shaqeeyaan dowladda," ayuu raaciyay.
Weeraradu waxay noqdeen kuwo aad u xoogan oo soo noqnoqda bilihii la soo dhaafay. Kooxda ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar culus oo bishii Juun ka dhacay magaalada Boulikessi ee dalka Maali, kaasi oo lagu dilay 30 askari, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wakaaladda ayaa xustay in ka badan 400 oo askari la rumaysan yahay in ay fallaagada ku dileen tan iyo horraantii bishii May, xeryaha milatariga iyo magaalooyinka ku kala firirsan Mali, Niger iyo Burkina Faso.
Inqilaabyo Miltari ayaa ka dhacay Niger 2023, Burkino Faso 2022 iyo Mali oo uu ka dhacay sanadkii 2020.
Sidee loo maal geliyaa JNIM?
JNIM ayaa lacag ku samaysa habab kala duwan. Waagii hore, waxaa ka mid ahaa afduubka la haystayaasha ajnabiga ah oo madax furasho laga qaato iyo in lacag laga dalbado si ay uga gudbaan marinnada macdanta iyo xoolaha.
"Xatooyada lo'du waa isha ugu weyn ee dakhliga JNIM," ayuu yiri mid ka mid ah falanqeeyayaasha oo ka tirsan GI-TOC oo BBC la hadlay.
Falanqeeyaha ayaan jeclayn in magaciisa la xuso maadaama ay khatar gelin karto amnigiisa. "Mali waa dhoofiye weyn oo lo'da, sidaas darteed waa ay u fududahay inay xadaan xoolaha oo ay iibiyaan."

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa sidee dagaalka ka dhanka ah Fallaagada?
Ciidamada Faransiiska ayaa taageerayay dowladda Mali ku dhawaad toban sano, iyada oo in ka badan 4,000 oo askari la geeyay gobolka Saaxil si ay ula dagaalamaaan kooxaha ay ka midka yihiin JNIM.
In kasta oo ay guulo horudhac ah gaareen sannadihii 2013 iyo 2014, oo ay dib ugala wareegeen gacan ku haynta kooxaha jihaad doonka ah, isla markaana ay dileen dhawr taliyeyaal sarsare, haddana dedaalladan ayaa u muuqda kuwo lagu guul darraystay inay ka hortagaan koritaanka mustaqbalka ee JNIM.
"Dadaallada ka dhanka ah fallaagada ayaa guuldarreystay illaa hadda, sababta oo ah fikraddan ah in JNIM looga adkaan karo ciidan ahaan, laakiin wadahadal keliya ayaa kooxdu ku dhammaan doontaa," sida uu soo jeediyay falanqeeyaha GI-TOC.
Dhawr sano ka hor, wadamada Saaxil waxa ay isugu yimaadeen si ay u samaysteen ciidamo howleed ay ugu magac dareen G5 oo ka kooban 5,000 oo askari oo caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ka baxay, taas oo wiiqday awooddii ay uga hortgayeen falaagada.
MINUSMA, oo ah ciidamo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan - inkastoo aysan ahayn dadaal la dagaallanka argagixisada - ayaa sidoo kale Mali ku sugnaa toban sano si ay u taageeraan dadaalladaas.
MINUSMA, oo ah koox nabad ilaalin QM, inkasta oo aysan u shaqeyn la dagaalanka argagixisada Waxaa sidoo kale Mali toban sano ku dhowaad ay ka taageeraysay dadaaladaasi.
Saamayn intee le'eg ayuu afgambiga Milatari ku yeeshay JNIM?
Warbixino ayaa muujinaya dhimashada gobolka Saaxil ay saddex jibaarantay 2020, markaas oo afgambigii ugu horreeyay ee militariga gobolka uu ka dhacay Mali.
Maamul xumo hoos timaada xukunka militariga ee Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ugu dambeyntii u ogolaatay kooxaha xagjirka ah, sida JNIM, inay koraan, sida ay falanqeeyayaasha sheegeen.
Maleeshiyada ayaa si deg deg ah ugu wargalisay ciidamada Faransiiska inay isaga baxaan, iyaga oo ku bedelay taageerada Ruushka iyo ciidamo isku dhaf ah oo ay sameeyeen saddex dal oo ka tirsan gobolka Saaxil. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Wagner ee Ruushka ayaa hadda ciidamadeeda kala baxaysa dalka Mali.
Burkina Faso, ciidan loogu yeero 'ciidanka iskaa wax u qabso' ayaa loo isticmaalaa la dagaallanka xagjiriinta.
Madaxweynaha, Ibrahim Traore, ayaa sheegay inuu doonayo inuu qoro 50,000 oo dagaalyahan. Laakiin khubarada ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah mutadawiciinta ay yihiin kuwo si qasab ah loo shaqaaleysiiyo oo aan si fiican loo tababarin, taas oo la micno ah in inta badan ay la kulmaan dhaawacyo culus.
Milatariga laftigiisa ayaa sidoo kale hay'adaha xuquuqul insaanka ku eedeeyeen in ay gaysteen gabood-fallo ka dhan ah dadka rayidka ah, gaar ahaan xubnaha ka tirsan bulshada Fulani, iyaga oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha mintidka ah, sidaas darteedna ay caqabad ku yihiin dadaallada nabadda.
Intii u dhaxaysay Janaayo 2024 iyo Maarso 2025, ciidamada dawladda iyo xulafadooda Ruushka waxa ay mas'uul ka ahaayeen 1486 dhimashada dadka rayidka ah ee Mali, ku dhawaad shan jeer in ka badan tan JNIM, sida ay sheegtay GI-TOC.
Rabshadahan xad dhaafka ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ayaa sii hurisay kororka qoritaanka dagaalyahanada JNIM. Iyada oo waddamadu ay halgan ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen kacdoonka, waxaa jira walaac laga qabo in JNIM ay ku sii fido gobolka Saaxil.













