Maxaa dhalinyarada Afrika ku kalifa inay ku biraan kooxaha xaqjirka?

Qoraalka Codka, Maxaa dhalinyarada Afrika ku kalifa inay ku biraan kooxaha xaqjirka?

Maxay yihiin sababaha ay dhalinyarada Afrika ugu biiraan ururada xagjirka ah sida Boko Xaraam iyo Al-Shabaab?

Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan hormarinta ee UNDP ayaa soo saaray daraasad uu ku tilmaamay tii ugu horaysay ee uu sababahaasi ku eegayo.

Daraasadan oo socotay muddo ka badan laba sano ayaa waxaa lagu xog waraystay boqolaal dhalinyaro ah oo iskood ugu biiray ururadaasi.

Haddaba waxa uu yahay nuxurka daraasadan iyo su'aallo kale ayuu weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato weydiiyay Cabdicasiis Axmed Cali oo ka faalooda arimaha ammaanka. Khadka telefoonka ee Muqdisho ayuu ugu warramay.