QM, oo ka digeysa macaluul ay wajahaan Qaxootiga xerada Kakuma ka dib jaritaankii gargaarkii Maraykanka

Boqollaal kun oo qof ayaa si tartiib ah ugu wajahaya macaluul xeryaha qaxootiga ee Kenya, ka dib markii Maraykanku uu jaray maalgalinta, taasi oo hoos u dhigtay qaybinta cuntada oo gaartay heerkeedii ugu hoosaysay, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.
Saamaynta ayaa si cad uga muuqata isbitaallada ku yaalla xerada qaxootiga Kakuma ee dhacada Waqooyi Galbeed ee dalk kenya. Waxa ay hooy u tahay 300,000 oo qaxooti ah oo ka soo qaxay colaadaha ka jira wadamo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe.
Carruur tabar darran ayaa buux dhaafiyay 30-ka sariirood ee isbitaalka Amusait, iyaga oo indho tabar daran ku eegaya dadka soo booqda markii laga daweynayo nafaqo-xumada aadka u daran.
Hal cunug, Hellen, si dirqi ah ayay u dhaqaaqaysaa. Qaybo ka mid ah maqaarkeeda ayaa laalaabtay oo diirmay, taasi oo muujinaysa calaamad nafaqo daro, sida ay dhakhaatiirtu u sheegeen BBC.
Waddada la sii marayo hareeraheeda waxaa yaalla ilmo sagaal bilood jira, James, oo ah cunugga siddeedaad ee Agnes Awila, oo ah qaxooti ka yimid waqooyiga Uganda.
"Cuntada naguma filna, carruurtaydu waxa ay cunaan hal mar oo keliya maalintii. Haddii aanay cunto jirin maxaad quudinaysaa?" ayay waydiisay.
James, Hellen iyo kumanaan kale oo qaxooti ah oo jooga Kaakuma ayaa ku tiirsan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP si ay u helaan masruuf muhiim ah.
Laakiin hay'addu waxa ay ahayd inay si weyn u yarayso hawlaheeda gargaarka ee dalal badan ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in la jarayo barnaamijyada gargaarka dibadda ee Maraykanka horaantii sanadkan, taas oo qayb ka ah siyaasadiisa "America First".
Maraykanku waxa uu bixiyay ku dhawaad 70% ee ah dhaqaalaha WFP ee howlgaladeeda ay ka fuliso Kenya.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
WFP waxa ay sheegtay in dhimistaasi ay keentay in hay'addu ay dhintay 30% raashiinka ay siin jireen qaxootiga ilaa 30% inta ugu yar ee lagu taliyey in qofku uu cuno si uu u noqdo qof caafimaad qaba.
"Haddii aynu hayno xaalad daba-dheeraatay oo ay tani tahay waxa aan maareyn karno, markaas asal ahaan waxaynu leenahay bulsho si tartiib ah u gaajaysan," ayuu yiri Felix Okech, madaxa hawlgallada qaxootiga ee WFP ee Kenya.
Banaanka xarunta lagu qaybiyo cuntada ee Kakuma, qoraxda ayaa ku dhacaysa dhul qalalan oo boor leh, laamaha ammaanka ayaa kala maaraynaya safafka qaxootiga.
Waxaa lagu hogaaminaya xarrunta haynta, ka dibna waxaa loo wadaa goobta kala saarida. Shaqaalaha gargaarka ayaa baaraya qaxootiga kaarkooda aqoonsida, kahor inta aan loo qaadin inay qaataan qaybaha cuntadooda.
Mukuniwa Bililo Mami oo ah hooyo haysata laba carruur ah ayaa wadata jiirigaan ay ku qaadato salliida cuntada lagu kariyo iyo sallad ay ku wado qamadi iyo barriis.
''Waxaan ku faraxsanahay [cuntadan] laakiin naguma filna,'' ayay tiri 51 sano jirkaan, oo ka timid Koonfurta Kivu 13 sano ka hor, gobol ay colaado hareeyeen oo dhaca Bariga Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.
Mami ayaa sheegtay Qaxootigu ay si wanaagsan wax u cunni jireen, gaar ahaan saddex jeer maalintii. Laakiin hadda qaybta cuntada ay u helaan ayaa ah 30% intii ay horay u heli jireen, cuntada la siiyay ayaan ku filnayn oo kuma dhamaan karto hal bil, iskaba dhaaf labada kale ee iyada ku tiirsan.
Waxa kale oo saameeyay khasaare kale oo ah dhimista - xawilaadaha lacagta caddaanka ah.
Ilaa sanadkan, QM waxa ay si toos ah u siin jirtay ku dhawaad $4m (£3m) oo kaash ah qaxootiga ku jira xeryaha Kenya bil kasta, taas oo loogu talagalay in qoysaska loogu ogolaado inay iibsadaan sahayda aasaasiga ah.
Mami oo qabta xanuunka macaanka, ayaa lacagtaas ku iibsan jirtay cunto sida khudaarta oo kale, kuwaasi oo ku habboon cunto ahaan, marka loo eego badarka lagu qaybiyo xarunta qaxootiga.
Hadda waxa ay ku khasaban tahay inay cunto wax walba oo ay heli karto.
Waxa kale oo ay lacagta u isticmaali jirtay inay ku bilowdo beer khudaar iyo xanaanaynta digaaga iyo shimbiraha oo ay ka sii iibin jirtay qaxootiga kale, iyada oo gaynaysa suuqa.
Sii socosho la'aanta lacagta xawilaada kaashka ah ee ''Bamba Chakula'', ayaa la micno ah ah suuqa oo wajahayo burbur.
Ganacsatada sida Badaba Ibrahim oo ka soo jeeda Buuraha Nuba ee Sudan ayaan hadda awooddin inuu sii wado siinta daynta ee qaxootiga isaga la midka ah.
Waxa uu 42 jirkan uu dukaan tafaariiqda ah ku leeyahay xarunta dhexe ee dukaamaysiga deegaanka. Waxa uu sheegay in macaamiishiisa oo aan hadda awoodin inay iibsadaan cunto, mararka qaarkoodna ay ku xareeyaan dukaankiisa maalintii oo dhan, iyagoo ka codsanaya gargaar.
"Waxa ay kuu sheegi doonaan, 'Caruurtaydu maalin dhan waxba ma cunin," ayuu yiri Ibraahim.
Meel kale oo ku taal xerada Kakuma, Agnes Livio oo 28 jir ah waxa ay cunto ku siisaa shan wiil oo ay dhashay.
Livio waxa ay cuntada ku bixisaa hal saxan oo weyn si ay dhammaan u wadaagaan. Waa cuntadii ugu horreysay ee qoyska ee maalinta saacada 1400.
"Waxaan heli jirnay boorash aan quraacda ku cuni jirnay, laakiin hadda ma helin. Marka, carruurtu waa inay sugaan ilaa galabtii si ay u cunaan cunnadooda ugu horreysa," ayay tiri marwo Livio, oo ka soo qaxday Koonfurta Suudaan.
Aynu ku laabano cisbitaalka Amusait, dhakhaatiirtu waxa ay quudinayaan tiro dhallaan ah oo nafaqo-xumo hayso iyaga oo isticmaalaya tubooyinka.
Saddex ilmood ee socod baradka ah iyo hooyooyinkood ayaa laga saarayaa iyada oo dib loogu celiyay bulshada halkaas oo cunto yari ay ka jirto xaaladduna ay ka sii darayso.
Rajada laga qabo in dhaqaale dheeraad ah la helona ma ahan mid rajo leh, haddii aysan arrimuhu is beddelin labada bilood ee soo socota, qaxootigu waxa ay eegayaan macluul bisha Agoosto.
"Runtii waa xaalad aad u xun," ayuu yiri Okech.
"Waxaan haynaa calaamado mid ama laba deeq-bixiyeyaal ah oo ku saabsan taageerada qaybtaasi lacagta caddaanka ah.
"Laakin xusuusnow, Mareykanka aadka u naxariista iyo deeqsinimada lahaa waxa uu bixinayay in ka badan 70% - marka haddii ay weli ka maqan tahay 70%… rajadaas ma wanaagsana." ayuu yiri.













