Stinger: Gantaalka difaaca Mareykanka ee soo rida diyaaradaha Drons-ka iyo kuwa qumaatiga u kaca

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ogolaatay qorshahan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ogolaatay qorshahan

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay in 600 oo gantaalada difaaca cirka iyo gantaalaha Stinger la geeyo Morocco, heshiiskaas oo ku kacaya 825 milyan oo doolar.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ogolaatay qorshahan, waxayna sugaysaa ansixinta kama dambaysta ah ee Congress-ka si loo bilaabo in gantaallada loo diro Morocco.

Hay'adda difaaca iyo iskaashiga amniga ee Maraykanka oo qayb ka ah wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa bayaan ay ka soo saartay barnaamijkan ku sheegtay in hubkani uu ka caawin doono Morocco sidii ay u horumarin lahayd awoodeeda iyo "balaarinta awoodeeda difaaca hawada".

Bayaanka ayaa lagu macneeyay in tani ay siin doonto xukuumadda Rabat awood uu kula tacaalo "khatarta hadda jirta iyo mustaqbalka", gaar ahaan maadaama nidaamkan uu caan ku yahay waxtarka uu u leeyahay beegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, helikabtarrada iyo diyaaradaha joog hoose ku duulaya.

Marka laga soo tago xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Morocco iyo dhiggooda Mareykanka iyo xulafadooda; Militariga Morocco, oo ku tiirsan hubka Mareykanka, heshiisku wuxuu ka dhigan yahay sii wadida xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Morocco, ka dib markii Washington ay dib u aqoonsatay madaxbanaanida Morocco ee Galbeedka Saxaraha.

Gantaalada Stinger

Gantaalka Stinger ayaa dhererkiisu yahay 1.52 mitir. Halka culeyskiisu dhan yahay 10.1 kiiloogaraam.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaalka Stinger ayaa dhererkiisu yahay 1.52 mitir. Halka culeyskiisu dhan yahay 10.1 kiiloogaraam.

Milatariga Morocco ayaa codsaday 600 oo gantaal oo ah kuwa FIM-92K Stinger Block I, oo ay la socdaan taageero farsamo, saadka, iyo injineernimada dawladda Maraykanka iyo qandaraaslayaasha, iyo sidoo kale taageero kale oo ah qalabka difaaca casriga ah iyo software.

Gantaaladani waa noocii ugu dambeeyay ee nidaamka Stinger. Sidoo kale waxaa laga ganaa garabka. Waa gantaal riddo gaaban, oo cirka isku shareeraya si uu hawada uga difaaco diyaaradaha, helikabtarrada, iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Marxaladahii ugu horreeyay ee soo-saaridda gantaaladan waxa ay bilowdeen 1960-meeyadii waxaana samaysay shirkadda Maraykanka ah ee General Dynamics.

Sannadkii 1972-kiina waxa bilaabmay heerar kala duwan oo horumarin ah oo lagu sameeyay gantaalka Stinger. Waxaa si rasmi ah wax loo soo saaray sanadkii 1978-kii, waxaana ciidamada Mareykanka uu ay gaaray 1981-kii. Ganataalkan waxaa isticmaala ciidamada Mareykanka iyo 29 dal oo kale.

Gantaalka Stinger ayaa dhererkiisu yahay 1.52 mitir. Halka culeyskiisu dhan yahay 10.1 kiiloogaraam. Laakiin gantaalka iyo habka ridista ayaa marka la isku daro miisaankoodu yahay 15.2 kiiloogaraam.

Gantaalkan ayaa wuxuu karaa ilaa 4,800 oo mitir, askartu waxay gantaalka ka ridi karaan meel kasta, ha ahaato gaadiidka dagaalka iyo haddii ay tahay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hawada ku jira. Waxa uu ku socdaa xawaare gaaraya ilaa 750 mitir ilbiriqsigii.

Gantaalka Stinger ee Ukraine

Stinger waa gantaalka difaaca hawada ee biniadamka qaadi karaan, kaas oo siinaya millatariga awoodda ilaalinta khataraha hawada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Stinger waa gantaalka difaaca hawada ee biniadamka qaadi karaan, kaas oo siinaya millatariga awoodda ilaalinta khataraha hawada.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gantaaladan ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine. Ukraine ayaa si weyn u isticmaashay si ay uga hortagto weerarada cirka ee Ruushka, gaar ahaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Tani waxay keentay in wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Jarmalka, Nederland, iyo Talyaaniga, ay dalbadaan shixnad badan oo gantaalladan ah 2023, heshiis ku kacaya 780 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

12-kii bishii Maarso 2024, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay 300 milyan oo doolar oo dheeri ah oo gargaar ah oo la siinayo Ukraine, oo ay ku jiraan hubka degdegga ah ee loo baahan yahay, iyo gantaalada difaaca hawada ee Stinger.

Gantaalaha Ukraine la siiyay ee Stinger waa la horumariyay, taasoo u sahlaysa inay ilaashadaan oo la socdaan xaaladaha taagan. Taasina waxay wax ka tareysaa awoodda iyo dhaq-dhaqaaqa bartilmaameedyada.

Stinger waa gantaalka difaaca hawada ee biniadamka qaadi karaan, kaas oo siinaya millatariga awoodda ilaalinta khataraha hawada.