Nin bakhtiyaa-nasiib ku guuleystay xilli uu xaalku ku cakirnaa

Bakhtiyaa-nasiib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxamed Bava waxay u ahayd daqiiqado farxadeed oo cajiib ah kaddib markii uu saaxibkii u soo sheegay war farxad weyn u sida isaga iyo qoyskiisaba.

Genesh wuxuu Maxamed uu u sheegay inuu ku guuleystay bakhtiyaa-nasiib qiimahiisu gaarayo 10 malyan oo rubi oo lcagta Hindiya ah oo u dhiganta $125,000 oo doolar.

Bakhtiyaa-nasiibkaasi ayaa ahaa mid uu sanado badan Brava ka war sugayey isla markaana rajeynayey inuu mar un uu ku guuleysto.

“Ereyada uu saaxibkey Genesh taleefanka iigu sheegay waxay ahaayeen ‘waad badbaadday, waadna guuleysatay’, ” ayuu yiri.

Arrintan ayaa dhacday 25-ka Luulyo, wixii intaa ka dambeeyeyna Maxammed wuxuu caan ka noqday magaaladii Kasargod uu degganaa oo ka tirsan gobolka Kerala.

Bakhtiyaa-nasiibka uu Brava ku guuleystay ayaa sharci darro ka ah gobolla badan oo Hindiya ka tirsan oo uu ka mid yahay gobolka Kerala uu isaguba ku nool yahay.

Hase yeeshee, waxaa loo oggol yahay shuruudo dhowr ah in la soo buuxiyo marka bakhtiyaa-nasiibkaasi la isticmaalayo.

Xilliga uu Bava ku guuleystay bakhtiyaa-nasiibkan uma eheyn xilli wanaagsan oo waxaa soo wajahday xaalad dhaqaala la’aan oo aad u adag waxaana lagu yeeshay deyn aad u badan.

Wuxuuna la kufaa kacayey sidii uu deynta faraha badan ee lagu yeeshay isaga bixin lahaa, arriintaasi oo qoyskiisa oo dhan culeys weyn ku keentay.

Boorka natiijada bakhtiyaa-nasiibka lagu shaaciyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hantida keliga ah ee uu lahaana wuxuu ahaa guri qoyskiisa uu ku nool yahay, wuxuuna go’aansaday inuu guriga iibiyo si deyntana ay uga baxdo wixii soo harana reerkiisa uu ugu maareeyo.

“Saacada kooban ka hor xilligii uu saaxiibkey Maxammed i soo wacay oo iigu bishaareynayey warka farxadda leh waxaa meel gabagabo ah noo marayey heshiis aan qof guriga iga iibsanaya la galay, waxaana ii harsaneyd oo keli ah inaan lacagta ka qaato gurigana ku wareejiyo,” ayuu yiri Maxamed Bava.

Maxamed dadkii guriga ka iibsan lahaa wuxuu ka qaatay lacag carbuun ah waxayna ballameen 5:30 galabnimo iney lacagta kala qaataan wixii sharci ahna ay kala wareejistaan.

Balse whatsApp-ka wuxuu ka helay farriin uu u soo diray saaxibkii Genesh oo uu kula wadaagay natiijada bakhtiyaa-nasiibka oo maalintaa soo baxday.

“Aad baan ugu farxay, xilli aan lacag baahi weyn u qabay ayuu bakhtiyaa-nasiibka ku soo aaday, mana qiyaasi karin farxaddeydu maalintaa sida ay ahayd,” ayuu yiri.

 “Dadkii deymaha igu lahaa oo maalin walba albaabka igu soo garaaci jiray wey kala tageen markii ay maqleen inaan bakhtiyaa-nasiib ku guuleystay. Waxaanna ogaaaday dadku marka aad wax la’aan tahay iney ku dhibayaan, hadda xaalkeyga aad ayuu u deggan yahay,” ayuu yiri Maxamed Bava oo BBC u warramay.

Waxaana Maxamed sidaa ugu badbaaday gurigii uu dhibaata haysata darteed u iibin lahaa, wuxuuna hadda sugayaa marka canshuurta laga jaro lacag dhan 6.3 malyan oo rubbi inuu gacanta ku soo dhigo.

Lacagta uu bakhtiyaa-nasiibka uu ku helay waxa uu ku sameynaya markii la weydiiyayna wuxuu sheegay deynta marka uu iska bixiyo kaddib lacagta soo harta inuu saaxibkii Gensh uu guri ugu iibinayo, wixii soo harana uu masaakiinta u qaybinayo.