Waa tee kooxda sugeysa in uu Ronaldo kusoo biiro ka hor dhammaadka Sanadkan?

Cristiano Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda ka dhisan dalka Sucuudiga ee Al -Nasar ayaa ku rajo weyn in uu kusoo biiro weeraryahanka 37-ka ah ee u dhashay Bortuqiiska Cristiano Ronaldo ka hor dhammaadka sanadkan.

Haddii Ronaldo uu ku biiro kooxdaas wuxuu la saeexaan karaa heshiis laba iyo bar sana ah kaasoo qiimahiisu uu ku kici karo £174m lacagta giniga ah- (Marca - in Spanish)

Weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Arsenal Gabriel Martinelli oo 21 jir ah ayaa lagu wadaa in kooxdiisa uu la galo heshiis uu toddobaadkii ku qaadanayo £200,000 gini- (Mail).

Kooxda heysta horyaalka Faransiiska Paris St-Germain ayaa dooneysaa in kooxda uu sii joogo gool-dhaliyaha u dhashay Argentina Lionel Messi, ninkan oo haatan ku guuleystay Koobka Adduunka wuxuu qaddaraaskii ku eegaa xilli ciyaareedka dambe, wuxuuna xor u yahay in uu wahadallo la yeesho kooxaha kale ee ka dhisan dibadda Meesha lagu gaaro 1-da bisha January- (Mail).

Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa baadigoobayaa Alexis Mac Allister oo haatan Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka isla markaana ka dheela khadka dhex- (AS - in Spanish).

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda Manchester United waa inay kooxda ka dhisan Bortuqiiska ee Porto siisaa lacag gaareysa £65m waa haddii ay doonayaan inay kasoo iibsadaan ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan goolhayaha kooxdaas Diogo Costa-  (Correio da Manha - in Portuguese).

Daafaca Croatia Josko Gvardiol, oo 20 jir ah ayaa u muuqdaa in xilli ciyaareedkan uu sii joogi doono kooxdiisa RB Leipzig iyadoo qiimaha lagu jebin karo qanddaraaskiisa uu kula joogo kooxdaas uu ku eg yahay 2024-ka kaasoo qiimahiisu uu gaarayo £96m lacagta giniga ah- (Sky Sports).

Arsenal waxay daneyneysaa inay lasoo wareegto Mykhaylo Mudryk, oo Ukraine garbaha ka dheela 21 jir ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, sida laga soo xigtay agaasimaha sboortiga ee kooxdiisa ee Shakhtar Donetsk-(Football 365).

Goolhayaha reer Mexico Guillermo Ochoa oo 37 jir ah ayaa lagu wadaa in si bilaash ah uu ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Talyaaniga ee Salernitana kadib uu ka dhammaaday qandaraaskii uu kula joogay Club America- (Sky Sports Italia - in Italian).

Inter Milan ayaa wadahadallo la furatay daafaca u dhashay Talyaaniga Alessandro Bastoni si uu saxeexo heshiis cusub iyadoo ay daneynayaan kooxaha Manchester City iyo Tottenham- (La Gazzetta Dello Sport - in Italian).

Ciyaaryahanka xulka qaranka Argentina Rodrigo De Paul, oo 28 jir ah ayaa qarka u saarnaa in u uku biiro Leeds ka hor inta uusan horey ugu biirin Atletico Madrid.(TalkSPORT).

Weeraryahanka kooxda Blackburn iyo xulka Chile, Ben Brereton Diaz, oo 23 jir ah ayaa u muuqdaa in uu sii joogi doono kooxda Ewood Park bisha January isla markaana uu u furan yahay dhookha ah si bilaash uu kooxda kaga tego xilli ciyaareedkan- (Football League World)

Ronaldo oo ku guuldareystay riyadiisa

Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Riyadii Koobka Adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa dhammaatay, waxaana suuragal ah in aanay jirin meel halkaas looga soo laabto.

“Ku guuleysiga Koobka Adduunka ee Portugal waxay ahayd riyada ugu weyn ee xirfadeyda. Nasiib wanaag, waxaan ku guuleystay koobab badan oo heer caalami ah, oo ay ku jiraan kuwo aan la qaaday Portugal, laakiin inaan magaca waddankeena ka dhigo heerka ugu sarreeya adduunka ayaa ahayd riyadeyda ugu weyn.”

Ronaldo oo ah qofka taageerayaasha ugu badan ku heysta barta Intstagram-ka ayaa qoraalkiisa si weyn looga fal celiyay, taas oo muujineysa in uu ahaa hadal la wada sugayay.

Hadal-heynta ku saabsan Ronaldo ayaa cirka ku shareerneyd dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, ilaa wixii ka horreeyay billowga Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar.

Wareysi uu bixiyay goor sii horreysay ayuu dhaliilo ugu jeediyay kooxda uu ka tirsanaa ee Manchester United, kaasoo horseeday in uu ka tago kooxda.

Wareysiga carada dhaliyay ee Ronaldo ayaa daba socday go'aankii uu macallinka United kursiga keydka ku fariisiyay Ronaldo oo aan raalli ka ahayn in la nasiyo.

Dhowr maalmood ka horna waxaa warbaahinta qabsaday warka ku saabsan Ronaldo ka dib markii kursiga keydka laga fariisiyay xulkiisa qaranka ee Boortaqiiska, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee ay sidaas dhacdo tan iyo sanadkii 2008.