Xaawo Jookar: Gabadhii ugu horreysey ee Cadaado bajaaj ku wadday iyo caqabadihii ay kala kulantay

Cadaado

Xigashada Sawirka, Xaawo Jookar

    • Author, Liibaan Cabdi Warsame
    • Role, Wariye - BBC, Somali

Xaawo Maxamuud Faarax oo loo yaqaan Xaawo Jookar, waa hooyo da’ yar oo ku nool degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysey ee bajaaj uga shaqeysata Cadaado. Waxay BBC uga warrantay billowgii nolosheeda iyo waxa ku kallifay in ay bajaajle noqoto, caqabadihii kala soo dersay shaqada iyo sidii ay uga dabaalatay.

“Waxaan ku dhashay miyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku soo barbaaray islamarkaana wax ku soo bartay Cadaado iyo Xeraale.

Anigoo da’ yar ayaan guursaday, ka dibna waxaa la igu furay shan carruur ah oo aan lahayn cid igu biisha.

Maaddaama aan ahaa qof waxbartay, waxaan isku dayey in aan helo shaqo aan ilamaha ku korsadob. Laakiin ma fududa in shaqo laga helo deegaamadan. Qofka shaqo rabana waa in uu marka hore si mutadawacnimo ah ku shaqeeyo.

Si haddaba aan mustaqbalka fursad shaqo uga helo, waxaan si bilaash ah uga hawlgalay isbitaal ku yaal magaalada Cadaado. Muddo markii aan halkaas ka shaqeynayey ayaa waxaa la qaaday imtixaan lagu xulanayo shaqaale rasmi ah, laakiin aniga waa la iga reebay.

Cadaado

Xigashada Sawirka, Handout

Qoraalka sawirka, Xaawo oo isbitaal ka shaqeyeysa

Halgankii nolosha

Maaddaama aan haystay shan carruur ah oo la igu dayacay, islamarkaana aanan haysan dhaqaale aan ku shaqeysto, waxaan ka fikirey sidii aan ku heli lahaa shaqo aan nolasha carruuteyda ku maareeyo. Laakiin wey igu adkaatay. Markii aan ka quustay shaqooyinkii aan ku haminayey oo dhan, ayaa waxaa ii soo baxday in aan bajaaj kireysto si aan carruurta uga biisho.

Waxaan u tagey wiil bajaajyada kireeya, anigoo weydiistey bajaaj aan ku shaqeysto. Wiilkii aad ayuu iila yaabay. Cabbaar ayuu ka meermeeray codsigeygii, laakiin ugu dambeyntii wuu ogolaaday, wuxuuna igu xiray sharuud ah in aan qoyskeyga kala imaado dammaanad – malaha wuxuu ka cabsaday in loo qabsado haddii lacalla dhib i soo gaaro.

Caqabaddii ugu horreysey ee ay la kulantay

Marka la eego qaabka ay u fikiraan bulshada aan la noolahay, ragga iyo dumarku shaqooyinka wey kala leeyihiin. Waxayna aaminsan yihiin in haweenka aan loogu talogalin shaqooyinka qaar, sida wadista gaadiidka dadweynaha oo ay u yaqaannaan hawl rag. Waxa qura ee ay ku filan yihiinna ay tahay hawsha guriga. Laakiin anigu waxaan aaminsanaa in shaqo kasta oo nin qabto aan qaban karo.

Sidaas darteed, markii aan u baahday qof i damiinta, caqabaddii ugu horreysey waxaan kala kulmay qoyskeenna, ka dib markii la iga fidiyey sheekooyin been ah oo la leeyahay waxay bajaajta u rabtaa in ay ku soo caanbaxdo oo baraha bulshada laga barto, taas oo dadkii aan kaashan lahaa iga horkeentay. Tusaale ahaan, adeerkey oo aan ugu tagey in uu i damiinto wuu i soo eryey. Wuxuuna ii sheegay in aan magaalada shaqo kale ka raadso. Laakiin maaddaama aan ahay hooyo u halgameysa nolosha ubadkeeda, waan ku mitiday mowqifkeygii.

Ugu dambeyntiina wiilkii ayaa bajaajta wuu iga kireeyey, ka dib markii aan soo bartay sida loo wado. Subaxii dambe bajaajta ayaan waddada saaray anigoo aan aqoon waxaan bulshada ka fisho, laakiin isku kalsoon.

Falcelintii bulshada

Xaawo

Xigashada Sawirka, Social/Xaawo

Qoraalka sawirka, Xaawo oo bajaaj ku joogta haddana macmiil la hadlaysa

Maaddaama aan ahaa gabdhii ugu horreysey ee bajaaj ku dhex wadda magaalada Cadaado, bulshadu siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen. Walow dadka intiisa badan ay ila yaabeen, haddana waxaa badnaa inta i soo dhaweysey oo igu dhiirrigelisey.

Nasiib wanaag dadka dib ii taageeray waxaa ka mid ahaa adeerkeygii markaan hawsha billaabayey i tuuryeeyey. Waxaana yeeshay taageereyaal badan. Maalintii waxaan bixin jirey $7 oo kiro ah. Inta kalena nolosha carruurteyda wey iigu filnaatay.

Markii aan muddo sanad iyo bar ah ku shaqeysanayey bajaajtii kirada ahayd oo la ogaadey in aan naag shaqeysaneysa ahay ayaa ciddeydu lacag isugu key dareen, waxaana ku gatay bajaaj aan anigu iska leeyahay.

Halista ku gedaaman hawsha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markaad tahay qof dumar ah oo bajaaj wadda waxaad u nugushahay handadaad iyo halis badan oo kaaga imaaneysa dhinacyo badan. Tusaale ahaan, waxaa tunjileec ku bidi kara burcad, dad cabsan iyo kuwo ka xun horumarkaaga.

Sidaas darteed, inkasta oo meeshan la is wada yaqaan oo aan la isku dhuuman karin, haddana waxaan shaqeysan jirey anigoo feejigan. Inta badanna waxaan iska ilaalin jirey in aan habeen shaqeeyo ama aan meel magaalada ka baxsan aado.

Mar waxaa jirtey niman ka shaqeeya kaawo dhagax guryaha lagu dhiso laga bixiyo ay yiraahdeen meel magaalada ka baxsan nagee. Intii la sii socdey waxaan nimanka ka eegayey muraayad haadka. Ka dibna waxaan arkay iyaga oo war isku xadxadaya, dabadeedna waan ka shakiyey. Anigoo sidii u shakisan ayey meel dhexe igu joojiyeen. Labo nin ayaa degey oo hareeraha iga istaagey, halka midna Bajaajka ku dhex haray, isagoo leh lambarkaaga sheeg aan lacagta kuu tuuree. Markaas ayaan fahmay in la ii tashaday. Ka dibna si halhaleel ah ayaan mootada uga boodey.

Nasiib wanaag waxaan sitey bastoolad qarsoon wiil aan ilmo adeer nahay ii dhiibey si aan isugu ilaaliyo. Marka intaan la soo baxay ayaan hal xabbo kor ugu ridey anoo leh dhan isugu bayra. Sidaas ayaana uga bedbaadey dhagartoodi.

Saameynta caafimaad

Xaawo

Xigashada Sawirka, Handout/Xaawo

Qoraalka sawirka, Xaawo oo daruufo caafimaad uga fariisatay shaqadii bajaajta

In muddo ah markii aan bajaajtii ku wadey ayaa waxaa igu dhacay kelyo xanuun ka dhashay jugjugta mootada ku socota jidadka kalakeeshinka ah. Ka dibna mootadii waan iska iibiyey. Waxaana lacagtii iyo mid la iigu daray aan ku iibsaday gaari yar oo taxi ahaan u shaqeeya oo loo yaqaan Dhaweeye.

Ugu dambeyntiina gaarigii waan sii iibiyey, waxaana lacagtii aan ka bixiyey qayb ku gatay dhul, qaybta kalena waxaan ku gatay bir yar oo gododka dhagaxa ah, sida musqulaha lagu qodo oo loo yaqaan Trabulo. Waxaana u dhiibey wiil aan ku heshiinney in lacagta ka soo baxda aan labo u qaybsano.

Xirfadaha lama kala xigo

Horta shaqo kasta oo nimanku qabtaan dumarku wey qaban karaan. Taas anaa soo ogaadey. Sidaas darteed, haweenka waxaan ku guubaabinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo shaqeystaan. Waayo xirfadaha shaqada lama kala xigo." Ayay tiri Xaawo Jookar.