Arooska ay ku baxday malaayiinka doollar ee ay isugu yimaadeen dad caan ka ah adduunka

Hindiya
Qoraalka sawirka, Qoyska Ambani oo ku sugan nikaaxa Radhika Merchant, 2023

Qaar ka mid ah dadka ugu saameynta badan adduunka ayaa kusii qulqulaya gobolka Gujarat ee Hindiya si ay uga qeyb galaan xaflad aroos oo uu ku casuumay ninka ugu taajirsan qaaradda Aasiya.

Mark Zuckerberg, Rihanna iyo Bill Gates ayaa ka mid ah martida xafladda ka horreysa maalinta arooska taasoo uu martigelinayo madaxa shirkadda Reliance Industries, Mukesh Ambani oo uu wiilkiisu aroosanayo.

Anant Ambani, oo 28 jir ah, ayaa lagu wadaa inay is guursadaan Radhika Merchant bisha July.

Xiddigaha Bollywood oo ay ka mid yihiin Shah Rukh Khan iyo Amitabh Bachchan ayaa sidoo kale ku sugan munaasabaddan socon doonta saddex maalmood kana dhacaysa magaalada Jamnagar.

Mukesh Ambani, oo 66 jir ah, ayaa haatan ah ninka 10aad ee dunida ugu taajirsan iyadoo hantidiisu ay gaareyso $115bn, sida lagu daabacay barta Forbes. Reliance Industries, oo uu aasaasay aabbihiis sanadkii 1966, waa shirkad weyn oo arrimaha dhaqaalaha iyo isgaarsiinta ka shaqeysa.

Anant Ambani waa wiilka ugu yar carruurtiisa saddexda ah, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan madaxda Reliance Industries. Ninkan 28 jirka ah ayaa ku lug leh ganacsiyada tamarta ee Reliance wuxuuna ku jiraa guddiga Reliance Foundation.

Xafladdan aroos ee kharashka badani ku baxayo ayaa ka mid ah xafladaha qaaliga ah ee lagu yaqaanno qoyska Ambani marka ay qabaan aroos.

Sanadkii 2018, fannaanadda Beyoncé ayaa heeso ka qaadday xafladihii ka horreeyay munaasabadda arooska gabadha Mr Ambani ee Isha Ambani oo ka dhacay magaalada Udaipur. Xoghayeyaashii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton iyo John Kerry ayaa ka mid ahaa martidii arooska joogtay.

Warbixin lagu daabacay barta Bloomberg xilligaas ayaa soo xigtay ilo ku qiimeeyay Isha inuu ku baxay adduun dhan $100m – tan waxaa beeniyay "qof u dhow qoyska" oo sheegay in kharashku uu ahaa ilaa $15m.

Munaasabadaha ayaa billowday horraantii toddobaadkan iyadoo lagu bilaabay xaflad ay qoyska Ambani cunno ugu qeybinayaan dadka ku nool magaalada Jamnagar.

Hindiya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilaa 1,200 oo marti ah ayaa ka qeyb galaya xafladda ka horreysa arooska, taasoo lagu qabanayo magaalada Jamnagar oo u dhow xarunta shidaal sifeynta ee ugu weyn ee shirkadda Reliance.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in liiska martida ay ku jiraan bilyaneerrada Hindiya Gautam Adani iyo Kumar Mangalam Birla. Madaxa Disney Bob Iger ayaa sidoo kale la dilayaa inuu ka qeybgalo xafladda, tanoo imaaneysa maalmo kadib markii shirkaddiisa ay ku dhawaaqday in hantideeda gudaha Hindiya lagu daro kuwa Reliance.

Zuckerberg, oo safar mashquul wata ku maraya Aasiya, ayaa shalay gaaray Jamnagar. Bill Gates, oo labo maalin kahor gaaray Hindiya, ayaa hore baraha bulshada usoo dhigay muuqaalka isagoo cabaya shaah uu kariyay nin dadka deegaanka ah – muuqaalkaasoo markii dambe qabsaday internet-ka.

Martida kale ee maanta tagaya dalkaas waxaa ka mid ah cayaaryahannada Mahendra Singh Dhoni iyo Dwayne Bravo, iyo BP CEO Murray Auchincloss.

Kuwa kale ee la dilayo inay ka qeybgalaan xafladda qoyska Ambani waxaa ka mid ah aasaasaha BlackRock Larry Fink, madaxa Alphabet Sundar Pichai, xildhibaan hore oo Canadian ah Stephen Harper, xildhibaan hore oo Australia ah Kevin Rudd iyo Ivanka Trump.

Hindiya

"Liiska martida wuxuu u muuqdaa mid ay ku badan yihiin kuwa ka socda caalamka marka la eego xafladihii aroos ee labada carruur ee waaweyn ee Mr Ambani oo kala qabsoomay sanadihii 2018 iyo 2019," ayaa lagu qoray Bloomberg.

Madadaalada meesha lagu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah bandhigyada Rihanna iyo ninka indho-sarcaadka sameeya David Blaine.

Martida ayaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan xarun ku taalla bartamaha Jamnagar, oo hoy u ah in ka badan 2,000 oo xayawaanno ah. Sida ku xusan dukumentiga qorsheynta arooska ee ay heshay Reuters, dharka loo xiranayo arooska uu yahay "cagaar".