Xafladihii aroosyada Soomaalida ee farxaddoodii ay murugo isu beddeshay

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Dalka Ciraaq waxaa maanta ka dhacday arrin argagax leh kaddib markii ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen 150 kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos.
Goobta ay arrintan ka dhacday ayaa ah magaalada ugu weyn ee ay deggan yihiin dadka Kirishtaanka ah.
Boqollaal qof ayaa ku dabaal degayay hool ku yaalla magaalada Qaraqosh ee gobolka Nineveh.
Lama oga waxa uu dabku ka dhacay balse wararka qaar ayaa sheegaya in bulalleerro ay sababeen.
Waxyaabo holaca u nugul oo goobta yaallay ayaa sii huriyay dabka.
Durba lama ogaan in lammaanihii arooska uu dhib gaaray, balse markii dambe ayaa la sheegay inay gubteen.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay arrintan oo kale dhacdo, amaba xaflad aroos oo la qabanqaabinayay ay timaaddo arrin kale oo murugo leh.
Daqiiqado yar kaddib arooskoodii ayay dhinteen

Xigashada Sawirka, HINDUSTAN TIMES
Lammaane kasoo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa bishii June ee sanadkii 2022 geeriyooday daqiiqado uun ka dib markii ay dhacday xafladdii arooskooda, sida uu tabiyay wargeyska New York Times.
Harley Morgan wali wuxuu xirnaa jaakaddii madoobeyd ee uu xafladda arooska ku tagay, sidoo kale xaaskiisa cusubeyd ee Rhiannon Boudreaux iyaduna waxay xirneyd taajkii arooska.
Lammaanahan oo isjeclaa ilaa yaraantoodii ayaa ku geeriyooday qoyskooda hortooda, ka dib markii uu gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay gaari weyn oo xowli ku socday.
Aroos uu qarax ka dhacay, warqad iyo qof aan la filayn oo laga shakiyay.
Morgan, oo ahaa 19 jir iyo Boudreaux oo ahayd 20 jir ayaa ku dhintay isla goobta uu shilku ka dhacay.
Aroosyada Soomaalida

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Bishii July ee sanadkan waxaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ka dhacday arrin si weyn baraha bulshada u qabsatay oo ku saabsan nin la aqal galayay xaaskiisii seddexaad oo tii koowaad ay weerar ku qaadday ninkeeda iyo xaaskiisa cusub xilli loo galbinayay gurigoooda cusub isla markaana gaarsiiyay dhaawacyo ay u adeegsatay toorrey.
Wararka ayaa sheegaya in falku uu dhacay markii la gaaray guriga oo gaarigii lagu gelbinayay lammaanaha ay ka degayeen.
Wiilka dhaawac ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Muuse, halka gabadhana lagu magacaabo Iqro Axmed.
Qof ka mid ah ehelada Cabdullaahi Muuse oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa xilligaasi BBC-da u sheegay in haweeneyda weerarka gaysatay ay ninka u u dhashay siddeed carruur ah.
Lammaanahaan ayaa markii ay dhaawacmeen loola cararay cusbitaalka Shifaa, ee Guriceel.
Xafladdii jawiga farxadda lahayd ku jirtay ayaa markii falkan dhacay isu beddeshay naxdin.
Wuxuu qorsheynayay xafladdii arooskiisa balse wuu geeriyooday

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii August ee sanadkan shil gaari ku dhintay Jaamac Faarax Nuur - wiil dhalinyaro ah oo u ballansanaa in uu aroos galo maalinta talaadada ee berri.
Wuxuu ka yimid magaalo xeebeedka Boosaaso oo uu ka shaqaynayey, wuxuuna ku wajahnaa degmada Dhudhub ee gobolka Bari si uu maalin kaddib ugu aqal galo.
Dadka ayaa si joogta ah ulasoo xiriirayay inta uu safarka ku jiray, qaarkood way u hambalyeynayeen halka kuwa kale ay hadiyado ka sugayeen maadaama uu yahay nin ka imanaya caasimad.
Waxaa la diyaariyey aqalkii arooska, farxad iyo raynrayn ayaa lagu sugayey, waxaana ka mid ah dadka sugayey hooyadiis, aabbihiisa iyo xaaskiisii cusbeyd.
Jaamac wuxuu dhankiisa soo iibiyey qaar ka mid ah adeeggii arooska, “nin adeeg sidabuu ahaa, alaabo dhan soo qaaday, marka hadba qofbaa soo wacayey, qof u hambalyeynaya iyo mid alaab ka sugayeyba,” ayuu yiri Cabdiqani.
Wuxuu dabcan si fiican u qorsheeyay maalinta ‘ugu farxadda badan noloshiisa’ balse qorshaha eebbe ayaa sidaas ka duwanaa. “Ninkaas qorshihiisu wuxuu ahaa in uu aroos galo, laakiin xukunka rabbi umbaa kasoo hor maray, isagoo waliba dharkii arooska soo gadtay oo adeeggii arooska soo gadtay oo waxba aan ka maqnayn… isaga umbaa la sugaayey alaabtu way diyaarsanayd oo aqalka waa la gaday, marka qorshuhu wuxuu ahaa manta inuu degmada yimaaddo, caawana adhiga la qalo beritana aroosku dhoco.” Cabdiqani ayaa sidaasi noo sheegay xilligaas.
Waxay soo marsadeen xinnhii ay xaflad aroos kaga qeybgeli lahayeen balse shil ayay ku dhinteen

Xigashada Sawirka, DAR AL FAROOQ CENTER
Bishii June ee sanadkna gabdho saaxiibbo ahaa ayaa ku dhintay shil gaari, magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Gabdhahan oo shan ahaa ayaa isku raacay meel ay wax kasoo iibsanayeen iyagoo ka yimid cillaan saar, kaddibna waxaa gaarigooda ku dhacay gaari xawaare sare ku socday, dhammaantoodna halkaas ayay ku wada geeriyoodeen.
Madaxa booliiska Minneapolis Brian O'Hara, ayaa xilligaas sheegay in nin xawaare sare gaari ku kaxaynayay uu ku dhacay gaariga gabdhahan, kadibna uu isku dayay inuu baxsado balse la qabtay.
Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.













