Aroos dad badan ka yaabiyay oo ka dhacay mid ka mid ah dalalka Afrika

Yusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero

Xigashada Sawirka, @Wraith_studios

Qoraalka sawirka, Yusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero

Wiilka madaxweyne Buhari ayaa guursaday gabadh uu dhalay hoggaamiye diimeed reer Nigeria.

Diyaarado khaas ah ayaa buuxiyay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria iyadoo xubno ka tirsan madaxda dalka Nigeria iyo kuwa Galbeedka Afrika ay u duuleen arooska wiilka madaxweynaha iyo gabadha hoggaamiye diineed iyo dhaqan caan ah.

arooskaYusuf Buhari iyo Zahra Nasir Bayero ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waawayn ee sanadkan ka dhacay Nigeria.

Mid ka mid ah taariikhyahannada ayaa BBC -da u sheegay in aroos u dhexeeya qoyka madaxweynaha iyo qoysaska boqortooyada uu ahaa mid aan horay uga dhicin Nigeria.

Lamaanahan ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Jaamacadda Surrey ee UK.

Damaashaadka ayaa sii socday ilaa Sabtidii, markii aabaha dhalay gabadha Nasir Ado Bayero si rasmi ah loogu caleemo saaray Amiirka Bichi.

Walaalkiis waa Amiirka Kano, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Islaamka ee ugu caansan Nigeria.

Amiirka Bichi
Qoraalka sawirka, Amiirka Bichi

Lamaanaha is -guursaday ayaan ka soo qeybgalin xafladdaas.

Yusuf Buhari

Xigashada Sawirka, @Wraith_studios

Qoraalka sawirka, Yusuf Buhari

Qoyska Caruuska ayaa bixiyay lacag gabaati ah oo dhan 500,000 naira oo u dhiganta ($ 1,200, taasi oo ah ​​10 jibaar ah celceliska lacagta caadiyan la bixiyo waqooyiga Nigeria.

Weriyaha BBC ee Nigeria Isxaaq Khaalid ayaa sheegaya in sawirrada arooska ka hor ay buuq ka dhex dhaliyeen baraha bulshada, iyadoo qaarkood ay dharkeeda ku tilmaameen mid anshax darro ah, maxaa yeelay garbiheeda oo qaawanaa, halka kuwo kalena ay difaaceen.

1px transparent line

In kasta oo ay jiraan warar sheegaya in 100 diyaaradood oo gaar ah ah ay dadka u daabulayeen munaasabadda, ayaa hadana sarkaal ka tirsan garoonka waxaa uu BBC -da u sheegay in dhab ahaantii ay ka yaraayeen 50.

Si kastaba haahaatee, dadka ka qeyb galaya xafladaha ayaa tiradooda hoos loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.

Madaxwayne Muhammadu Buhari iyo wiilkiisa Yusuf

Xigashada Sawirka, Femi Adesina

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Muhammadu Buhari iyo wiilkiisa Yusuf

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay ka dhaceysay xafladda arooska, iyadoo boolis iyo askar milateri ah ay ilaalinayeen qasriga .

Qasriga qowmiyadda Bichi
Qoraalka sawirka, Qasriga qowmiyadda Bichi
Amiirka Bichi iyo madaxwayne Buhari

Xigashada Sawirka, Buhari Sallau

Qoraalka sawirka, Amiirka Bichi iyo madaxwayne Buhari
Dad badan oo u gacan haadinaya Madaxweyne Buhari

Xigashada Sawirka, Femi Adesina

Qoraalka sawirka, Dad badan oo u gacan haadinaya Madaxweyne Buhari

Siyaasiyiin sarsare iyo salaadiin dhaqameed ka kala yimid dalka oo dhan ayaa u soo duulay goobtii uu arooska ka dhacayay. Waxaa ka mid ahaa madaxweyne Muhammadu Buhari, iyo madaxwaynihii hore Goodluck Jonathan.

Marwada koowaad ee Gambia Fatoumata Bah Barrow iyo madaxweynihii hore ee dalka deriska la ah Niger, Muhammadu Issoufu, ayaa ka mid ahaa martida ajnabiga ah.

Aisha Buhari (dhexda midig) ayaa soo dhaweysay dhigeeda Gambia Fatoumata Bah Barrow (bidix dhexe)

Xigashada Sawirka, Aisha Buhari

Qoraalka sawirka, Aisha Buhari (dhexda midig) ayaa soo dhaweysay dhigeeda Gambia Fatoumata Bah Barrow (bidix dhexe)

.