Maxaa xalay dhexmaray Israa'iil iyo Xamaas kadib markii la jaray isgaarsiinta oo idil?

Taangi

Xigashada Sawirka, AP

Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah,halkaas oo dhinacyadu wali adeegsanayaan awoodahoda.

Xalay ayaa ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in weerarka dhinac dhulka ah oo ku bilowday taangiyadoodu ay ku qaadaan Qasa, iayga oo sheegay inay ka gudbeen xadka Qasa. Weerarka ayay bilaabeen Israa’iil iyadoo digniino ka imaanaya xulufadeedu ay tilmaamayaan inaysan ku deg degin.

"Ciidankeena iyo taangiyadayadu waxay ku sugan yihiin gudaha marinka Qasa sidoo kalana shalay waan joognay halkaas ” ayuu u sheegay wargayska New York Times afhayeen u hadlay ciidamada Israa'iil.

Balse garabka militariga ee Xamaas ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay iska caabin xoog leh kala hortageen ciidamada Israel, dagaal ka dhacay laba aag oo ka tirsan waqooyiga Qasa ayay sheegeen inay ku hor istaageen ciidanka Israa'iil.

Israsaaseyn muddo socotay ayaa sidoo kale la soo weriyay inay dhexmartay garabka milatariga ee Xamaas iyo Israa'iil. Ururka Xisbullaah iyo Israa'iil ayaa iyana xalay israsaaseyn dhexmartay.

Israa’iil ayaan si rasmi ah u sheegin inay bilowday duulaankii dhulka ee ciidamadeeda qorshaynayeen, laakiin dhaqaaqa ayaa ah mid u eg diyaargaroow.

BBC-da ayaa waydiisay afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy in waxa xalay ka dhacay Qasa ay tahay bilowga duullaanka dhulka ee Israa’iil ku mudo qorsheynaysay inay ku gasho marinka Gaza, wuxuuna ku jawaabay: “Israa’iil waxa ay balaadhinaysaa hawlgalkeeda dhulka ee marinka Qaza.

Qasa

Digniinaha Maraykanka ee muwaadiniintiisa

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay ka baxaan dalka, "xaalad amni oo aan la saadaalin karin awgeed", ilaa iyo inta ay jiraan duulimaadyada ganacsiga ee wali la heli karo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay cirka isku sii shareereyso is-rasaaseynta ay isweydaarsanayaan ciidamada Israa’iil oo dhinac ah iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan oo dhinaca kale ah.

Israa’iil ayaa ciidamo iyo gawaari gaashaaman soo dhoobtay xudduudda ay la wadaagto Lubnaan, waxayna sameysay qorshe ay ku daad gureysay tobanaan kun oo rayid ah oo ku sugnaa deegaannada u dhow.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadinintooda ku sugan Lubnaan ay ka soo baxaan dalkaa inta aysan joogsan duulimaadyada caadiga.

Bayaanka oo lagu soo qoray barta X ee horey loo oran jiray twiter ayaa u qornaa si adag.

‘’Dowladda Mareykanka ma dammaanad qaadi karto inay daad gureyso muwaadiniinteeda iyo xubnaha qoyskooda haddii ay dhacdo dhibaato. Iyadoo xustay in waqtiga ugu wanaagsan ee la bixi karo ay tahay haatan." Qoraalka ayaa sidaa lagu yiri.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian ayaa sheegay in Tehran ay taageerayso xal kasta oo siyaasadeed oo horseedi kara in si degdeg ah loo joojiyo waxa uu ugu yeeray danbiya ka dhanka ah bini'aadantinimada iyo xasuuqa Qasa.

Gaza

Xigashada Sawirka, AFP

Qaraarka Qaramada midoobay ee xabad joojinta

Israa’iil ayaa si caro leh u diiday qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ku baaqayay “xabad joojin bini’aadannimo” oo laga sameeyo Gaza, iyadoo wacad ku martay inay sii wadi doonto isdifaaca.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah oo bini'aadantinimo oo dhexmarta Israa'iil iyo Xamaas.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan hadda haynin "xitaa hal nuqul oo sharci ah ama muhiimad leh".

Qaraarka oo ay soo bandhigtay Urdun oo ka wakiil ah wadamada carabta, waxa uu sidoo kale dhaleeceynayaa dhammaan falalka rabshadaha wata ee ka dhaka ah Falastiiniyiinta iyo rayidka Israa’iil.

Safiirka Israa'iil, Erdan ayaa tilmaamay "inay maalin madow u tahay Qaramada Midoobay iyo bani'aadamka," isagoo wacad ku maray in dalkiisu uu u adeegsan doono "qaab kasta" oo uu kula dagaallamo Xamaas.

Afhayeenka amniga qaranka Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in Mareykanka uu taageeri doono joojinta dagaalka si loo caawiyo la haystayaasha iyo in loo ogolaado gargaar dheeraad ah.

Aqalka Cad ayaan wax hadal ah ka soo saarin warka kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil ee ku aadan in Israa’iil ay ballaarinayso howlgalkeeda dhulka ee Gaza.

Qasa

Xigashada Sawirka, AP

Haya’ddaha Xaquuqda aadanaha oo ka digaya dhibaato hor leh

Amnesty International iyo hay'ado kale oo badan ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee Qasa ay la kulmayaan khatar aan horay loo arag ka dib markii Israa'iil ay jartay dhammaan hababka isgaarsiinta, marka loo eego xoojinta duqeymaha iyo ballaarinta hawlgallada milatari.

Amnesty International ayaa ugu baaqday Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso weerarada aan loo meel dayin ee sababay dhimashada iyo dhaawaca kumanaan rayid ah, oo ay ku jiraan in ka badan 3,000 oo carruur ah.

Ururka xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale ku baaqay baahida loo qabo in si degdeg ah dib loogu soo celiyo internetka iyo kaabayaasha isgaarsiinta, si kooxaha samatabbixintu ay u daaweeyaan oo ay u daabulaan kuwa dhaawaca ah.