Gabar Soomaali ah oo la guday 16 sano ka hor oo hadda muran ka taagan tahay

Aamina

Aamina Nuur oo ah gabar Soomaaliyeed oo 39 jir ah ayaa lagu xukumay gudaha Ingiriiska kadib markii lagu eedeeyay inay ka qayb qaadatay gudniinka FGM oo lagu sameeyay gabar yar oo Soomaali-Ingiriis ah. Gudniinka ayaa la sameeyay sanadkii 2006 dii, kaas oo ka dhacay meel ka baxsan gudaha Ingiriiska.

Danbiga ay gashay gabadhaan ayaa ciqaabtiisu noqon kartaa 14 sano oo xabsi ah.

Aamino oo degan Harrow ayaa shaaca ka qaaday inta ay socotay dacwadda loo haystay in ay ka cabsatay ‘in la dayriyo ama qof habaaran looga arko bulshada dhexdeeda’, hadii ay diidi leheed inay wax ka fududeyso gudniinka.

Kenya ayaa la geeyay Aamin iyaa oo sided jir ah, kadib dagalaadii sokeeye ee ka dhacay dalkeeda Soomaaliya, balse markii ay gaartay 16 sano, ayaa loo waday dalka Ingiriiska, halkaas ayayna ku heshay sharci iyo baasaboor.

Falkaan lagu qabsaday ee gudniinka gabadha yar ayay ku sheegtay mid sune [diin] iyo dhaqan ah, sanado badan soo jireen ka dhex ahaa bulashada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 94% haweenka Soomalaiyeed ee ku nool Kenya in lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Gudniin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dacwad ooge sare oo lagu magacaabo Patricia Strobino ayaa ku amaantay Aamina qirashada danbigeeda, iyada oo tiri: “Kiiskaan wuxuu ku dhiiri galinayaa dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday gudniinka fircooniga ah inay banaanka is keenaan, badbaadaana iyaga oo og la gaarab taagan yahay, la aaminayo, sidoo kalana ay u suura galeyso in ay runta ka sheegaan sida ay wax ugu dhaceen”.

“Sidoo kale waxay farriin cad u direysaa eedeysanayaasha mustaqbalka soo ifbixi doona, ama kuwa doonaya inay iska sii wataan falkooda sida inaysan mecno lahayn inay sii wataan iyo inay joojiyaan gudaha iyo Ingiriiska iyo banaankaba, waxay u badan taha in la soo eedeyn doono.”

Waxay intaas ku dartay: “Caqabadaha keena inay dhacaan ficiladaan ayaa waxaa kamid ah in ficilada nuucaan ah ay u dhacaan qaab qarsoodi ah.

“Bulshooyin qaas oo degen gudaha Ingiriiska – inkasta oo arrinkaani yahay mid si balaaran u jira – ayay dhib tahay in la helo dad banaanka yimaada oo sharraxa dhibaatada ku dhacday sababtoo ah waxaa jira cabsi ay ka qabaan inay laga takooro bulshada inteeda kale ama toosh gooni ah lagu ifiyo.”

Goor sii horeysay ayaa dacwad ooge Deanna Heer waxay sheegtay in Aamino ay u safartay dalka Kenya iyada oo ay la socoto gabadhu sanadkii 2006 dii, iyada gabadha gaysay guri qaas ah si loogu sameeyo gudniinka fircooniga ah.

Arrintaan ayaa laga war helay kadib markii gabadha yar ay soo gaartay da’da 16 sano ayna u sheegtay macalimadeeda af Ingiriiska.

Baaritaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eedeysanaha ayaa sheegtay in ay u mooday in waxa gabadha lagu sameynayo uu yahay cirbad lagu durayo oo kaliya, kadiba ay gabadho “farxi doonto meelaha isaga ciyaari doonto”.

Dhanka kale intii ay socotay dacwaddu ayaa diiradda la saaray sida uu ahaa dhaqanka eedeysanaha intii uu socday falka gudniinka fircooniga ah ee gabadha lagula kacay.

Tusaale ahaan ma aysan waydiin dadka falka sameynayay inay dhaqaatiir ahaayeen iyo in kale ama xitaa aysan dalban inay la joogto gabadha inta lagu sameynayo gudniinka.

Mar lagu sameeyay baaritaan gabadha sanadkii 2019 kii, ayay la ogaaday in kintirka oo dhan laga jaray.

Dacwad ooge Heer ayaa tiri: “87% haweenka lagu sameeyo gudnniinka fircooniga ee dalka Kenya ayaa laga jaraa xubinta taranka iyada oo la raaciyo cadad hilib ah oo ka agdhaw xubinta.