Safiirka xuquuqda aadanaha u qaabilsan UK oo ka hadashay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA
Danjiraha dawladda Ingiriiska ugu qaybsan arrimaha xuquuqda aadanaha, Eleanor Sanders oo safarku tagtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay geeddi-socodka dhismaha guddiga xuquuqal insaanka Soomaaliya iyo sida lagu gaadhi karo hannaan caddaaladeed oo hufan.
Sanders ayaa dhawaan waxay hadal jeedisay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee Geneva, halkaas oo UK ay soo bandhigtay qaraar ku saabsan Soomaaliya kaasi oo lagu ansixiyay heshiis wadajir ah. Warasyi siisay laanta af-ka Soomaaliga ee BBC-da ayay kaga warrantay arrimahaasi.
"Waxaan u malaynaa in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin wanaagsan oo xagga xuquuqda aadanaha ah, laakiin weli waxay ku jirtaa safarka dhisidda nabadda iyo dawladanimada. Waxaana muuqata in ay ay shaqo badan hadhsan tahay, " ayay tidhi.
Kala madaxbaannaanta dawladda iyo guddiga xuquuqal-insaanka
Dhawaan ayay ahayd markii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraar Soomaaliya ay iyada ku maamulaneyso arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha taas oo markii hore khabiir ka socday golaha uu maamulayay. Khabiir madax-bannaan ayaa howsha xuquuqul insaanka maareynayay laga soo bilaabo sanadkii 1993-dii markaas oo arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya la hoos geeyay Qaramada Midoobay.
Kulan loogu codeeyay in Soomaaliya in ay la wareegto howlaha xuquuqda aadanaha ee dalkeeda oo ka dhacay magaalada Geneva ee Switzerland ayaa lagu go'aamiyay in meesha laga saaro khabiirka madaxa-bannaan ee qaabilsanaa xuquuqda aadanaha Soomaaliya kaas oo Qaramada Midoobay u soo diri jirtay labadii sano mar.
Arintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay Soomaaliya dib ugu soo ceshaneysay howlo dibadda laga maamulayay.
Sanders ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay mid dhinaca wanaagsan loo qaaday.
"Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay tallaabo aad u wanaagsan in Soomaaliya ay sharcigaasi meelmariso. Guddigan madax bannaan ee xuquuqda aadanaha waxa leh dalal badan, inskasta oo ay waddamada ku kala duwan yihiin noocyada guddiyada. Mar walaba ma fududa in isla maalinta kowaad la helo nooca guddi ee ugu habboon. Xitaa Ingiriisku muddo ayuu la daalaadhacayay arrintan. Waa in la doortaa shakhsiyaad madax-bannaan oo tayo leh. Weli ma arko sida ay taasi ku higeli karto laakiin furaddu way taallaa mar walba, haddii ay Soomaaliya rabto in ay ka faa'iidaysato," ayay tidhi.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
BBC-da ayaa mar kale weyddiisay waxa uu yahay mowqifka Ingiriiska ee ku aaddan baadhitaannada hawlagallada ka socda Soomaaliya ka socda ee mararka qaybtood laga yaabo in ay waxyeello ka soo gaadho dadka shacabka ah, haddii ay noqdaan al-Shabaab, ciidanka dawladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.
"Waa su'aal wanaagsan. Tani runtii waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya la tacaalayso. Dhawaan waxa aan la kulmay Kornayl Iimaan iyo saraakiil ka tirsan gaashaandhigga Soomaaliya. Waxa ii caddaatay, in ay si adag diiradda u saareen arrimaha caddaaladda, isla xisaabtanka iyo sidii loo abuuri lahaa xaalado ka waanaagsan sidii hore. Weli safar dheer ayaa sugaya. Waxaan yeelannay wadahadal ku saabsan tallabooyinka ay qaadayaan si horumar loo sameeyo. Annau si la mid ah xubnaha kale ee beesha caalamka waxaan rabnaa sidii aan dhinacayaga taageero uga gaysan lahayn," ayay hadalkeeda raacisay.
Maxay ka dhigan tahay 30 sano kaddib Soomaaliya oo miiska arrimaha xuquuqul insaanka ku soo biirtay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In Soomaaliya ay howlaha xuquuqul Insaanka dalkeeda iyada la socoto ayaa uga dhigan in loola dhaqmayo sida dalalka kale ee adduunka.
"Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul weyn, in aad gudato waajibaadkaaga caalamiga waxay u dhigan tahay in dowladnimadaada iyo hay'adahaaga ay xoogeysteen ama aan la mid nahay adduunaydii kale," ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Maxamed Bashiir Cusmaan ayaa BBC-da waraysi siiyay.
Qaraarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya hore u qaaday. Muddo dheer ayuu khabiir madax-bannaan howshan kala shaqeynayay xafiiska xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay.
Sida ay sheegtay wakiilka xuquuqul insaanka UK u fadhiya Geneva, Eleanor Sanders in tani ay ka turjumeyso horumarka iyo awooda hay'adaha Soomaaliya ee sii kordheysa. Waxayna sheegtay in ay u baahan yihiin in ay iskaashi la yeeshaan caalamka.
"Waxaan si gaar ah u soo dhaweyneynaa sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in la dhiso guddi qaran ee xuquuqul insaan oo madaxbannaan kaas oo muhiim ah u ah ilaalinta xuquuqaha, horumarinta, isla-xisaabtanka iyo in ay matalaan Soomaaliya oo dhan" ayey tiri Eleanor Sanders.













