Sida loo xakameeyo khatarta dhiig karka?

Cabirka Dhiig karka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hubinta cadaadiska dhiigaaga ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee aad ku ogaan karto haddii aad qabto dhiig-kar, sababta oo ah dadka intooda badan ma dareemaan calaamadaha lagu garto.

Ku dhowaad kala bar 1.3 bilyan oo qof oo la nool dhiig karka ayaan ka warqabin xaaladooda.

Afrika ayaa leh heerka ugu sarreeya ee dhiig-karka (27%) halka Ameerika ay leedahay heerka ugu hooseeya ee dhiig-karka oo ah (18%), sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah ayaa lagu arkay tirada ugu badan ee dadka waaweyn ee qaba hypertension sababtuna ay tahay kor u kaca arrimaha dhaliya khatarta dhiig-karka.

Dhiig-karka aan la daweyn ayaa si weyn u kordhiya khatarta dhibaatooyin caafimaad oo halis ah sida cudurrada wadnaha, istaroogga, iyo kelyaha oo hawlgab noqda — kuwaas oo badankoodu keeni karo dhimasho degdeg ah, sida ay qabto WHO.

Kormeer joogto ah ayaa lagama maarmaan u ah ogaanshaha wakhtiga hore iyo maaraynta waxtarka leh ee dhiig karka. Qalabkani ayaa loo sameeyay inuu kaa caawiyo inaad fahamto hab akhrinta dhiigkarkaaga, iyada oo lagu salaynayo tilmaamaha WHO, iyo inuu kugu hago tallaabooyinka xiga ee aad u qaadi karto caafimaadkaaga.

Fadlan cusboonaysii browserkaaga

Fadlan cusboonaysii browserkaaga