Siddeed arrimood oo keeni kara in haweenku aysan gogosha ku qancin

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Fahanka uu aadanuhu ka haysto dhinaca galmada ayaa la sheegay in uu yahay mowduuc aan si wacan loo darsin, gaar ahaan dumarka. Xitaa khubarada ku xeel dheer arrimaha galmada iyo dhakhaatiirta ayaa dhibaato kala kulma fahanka arrintan.

Weli waxaa jira shaqo badan oo u baahan in la qabto si loo fahmo mowduucan, sababtoo ah dumar badan ma dareemaan raaxo galmo xataa marka ay ku jiraan xidhiidh jacayl. Qaar ka mid ah dumarka ayaa sheegaya in aanay weligood dareemin qanacsanaan galmo nolashooda oo dhan.

Warbixintan waxa ay soo koobaysaa siddeed arrimood oo ka horjoogsada dumarka in ay ku raaxaystaan galmada xilliga ay xiriirka leeyihiin, taas oo keenta in ay dareemaan qanacsanaan la'aan xitaa marka ay ku jiraan xiriir jacayl.

Taariikh-nololeed rafaad ah

Gabadh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii haweenaydu ay waayaheeda nololeed soo mareen dhacdooyin murugo ku reebay waxay saamayn ku yeelan kartaa aragtideeda iyo fahanka ay ka haysato la noolaanshaha ninkeeda. Taasina waxay dhibaato ku keeni kartaa xidhiidhkeeda dambe ee mustaqbalka.

Haweenayda ay dhacdooyinkaasi saameeyaan waxa talo ahaan loo siiyaa in ay si furan uga la hadasho ninkeeda oo ay uga warbixiso wixii soo maray ama ay la soo kulantay waayaheeda nololeed.

Si kastaba ha ahaatee, way adkaan kartaa in haweenay kastaa ay kala hadasho lammaanadeeda mawduucyada noocan ah. Xaaladdan oo kale, waxay u baahan tahay caawimaad ay khubarada ka hesho.

Dr. Héctor Gálvez, oo ah madaxa Machad ku yaalla Madrid, ayaa yidhi: "Tani aad ayay u adag tahay sababtoo ah xusuusta dhacdooyinka qadhaadh ee noocan ah waa kuwo aad u dhib badan, ka hadalka wixii hore u dhacayna waxay kordhin kartaa walbahaarka."

Daal

Dr. Gálvez wuxuu sheegay in haweenka badankoodu aanay helin qanacsanaan dhinaca galmada ah daal ay qabaan awgeed.

'Jidh kasta wuxuu u baahan yahay xorriyad iyo nasasho si uu u helo qanacsanaan galmo.'

Dr. Gálvez wuxuu yidhi haddii jidhkaagu daalan yahay, weli waad dareemi kartaa dareenno, laakiin qanacsanaan buuxda waxay u baahan tahay in jidhka iyo maskaxda ay si buuxda u deggan yihiin oo ay ka madax bannaan yihiin nooc kasta oo welwel ah.

Inta badan haweenka waxay ku daalaan shaqooyinka maalinlaha ah, guriga iyo daryeelka carruurta. Taasi waxay u keentaa daal fara badan. Waa midd dhalisa iyaga oo aan qancin in ay iska dhigaan sidii wax ku qanacsan galmada.

Dhakhaatiirta cilmi-nafsigu waxay yiraahdaan tan waa in laga fogaadaa. Waxay ku talinayaan in lamaanayaashu ay is fahamtaan oo ay wada hadlaan si ay xal ugu helaan dhibaatooyinkan.

Is fahan la'aan

Is fahan la'aan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta lagu jiro xilliga galmada, waxaa la qiyaasi karaa inuu qofku qanacsanaan dareemayo, laakiin waxaan suurtagal ahayn in si buuxda loo fahmo.

Qiyaasaha waxa laga qaadan karaa codadkooda, dhaqdhaqaaqyadooda iyo dareenkooda guud, laakiin habka ugu fiican ayaa ah inaad isku sheegtaan waxa qof walba uu dareemayo.

Khubaradu waxay sheegeen in dumar badan ay dhibaato kala kulmaan in ay u sheegaan lammaanahooda in ay beddelaan habka galmada loo samaynayo.

Khubaradu waxay sheegeen inaad u baahan tahay inaad u sheegto lammaanahaga waxaad doorbidayso iyo waxaad u baahan tahay, markaas ayaa ah xilliga keliya ee isfhan la gaari karo.

Galmada ka hor

Dr. Kingwan wuxuu sheegay in sannadihii la soo dhaafay ay dadku u bateen inay waqti badan ku bixiyaan horudhaca ka horreeya galmada.

Horudhac waxaa loola jeedaa ficil dareen, mid jireed, ama maskaxeed oo la sameeyo ka hor galmada, iyadoo ujeedadu tahay in qof walba uu isku diyaariyo galmo iyo in la abuuro isku dhowaansho.

Dhibaatadu ma ha keliya wakhtiga ay hawhaasi soconayso, laakiin sidoo kale waxa la sameeyo iyo sida loo sameeyo ayaa ah qodob muhiim ah.

Hoos-u-dhac ku yimaadda rabitaanka galmada

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee Ingiriiska, dumarku waxay la kulmi karaan diiqad marxaladaha kala duwan ee noloshooda, sida xilliga uurka, dhalmada ka dib ama xilliga caado istaagga.

Diiqadda, welwelka, saameynta xun ee daawooyinka, ama isbeddellada hormoonnada ayaa sidoo kale sababi kara hoos u dhac ku yimaada rabitaanka galmada ee haweenka. Dhammaan arrimahani waxay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan sida haweenay ay u dareemeyso xiriirkeeda jacayl.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka, marka jidhka haweenayda uu soo saaro testosterone yar, tani waxay sababi kartaa hoos u dhac ku yimaada rabitaanka galmada. Waxaanay sidoo kale noqon kartaa dhibaato hormoonnada la xiriirta.

Xaaladdan oo kale, khubaradu waxay ku talinayaan in si degdeg ah loola xiriiro dhakhtar.

In qofku rabitaankiisa ku qasbo kan kale

Khubaradu waxay sheegeen in markii Machadka Mindfulness uu qiimeeyay xidhiidhka qaar ka mid ah lamaanayaasha ka cabanaya qancin la'aanta galmada ay soo baxday in dadka qaar ay rabitaankooda ku qasbaan lammaanahooda ama ay ku qasbaan inay sameeyaan waxa ay iyagu jecel yihiin.

Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in jidhka iyo maskaxda ay had iyo jeer xor ahaadaan oo deggan yihiin oo aan la isku dayin in rabitaankaaga la isku qasbo.

Xanuun yimaadda inta lagu jiro galmada

Gabadh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sabab kale oo haweenku aanay u helin qanaaco galmo ayaa ah xanuun daran oo ku dhaca inta lagu jiro galmada.

Xaaladdan waxaa loo yaqaan 'vaginismus', taas oo ah marka murqaha xubinta taranka ee haweenayda ay adkaadaan. Muruqyada oo si aan loo baahnayn u kulmaa waxay sababaan xanuun daran inta lagu jiro galmada.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee Ingiriiska, xaaladdan awgeed, haweenka ay saameysay xaaladda noocan ah waxay dareemi karaan rabitaan yar oo ay u qabaan inay galmo sameeyaan.

Dr. Gálvez wuxuu yiri, "Tani waxay sidoo kale dhici kartaa marka haweenku ay qabaan dareenno taban oo ku saabsan galmada ama ay la kulmaan naxdin inta lagu jiro dhalmada ama qalliinka."

Haddii xubinta taranku ay tahay mid qallalan ama uu ku jiro caabuq, waxaa lagula taliyaa qofka in uu la tashado dhakhtar.

Khilaafka lammaanaha

Sida ay khubaradu sheegeen, dhibaato kale oo weyn oo keenta in haweenku yeeshaan rabitaan la'aan galmo oo hooseeya waa muranka iyo khilaafaadka ka jira xiriirka guurka.

Dr. Kelvan wuxuu leeyahay, "Mararka qaar dadku waxay noo yimaadaan iyagoo ka cabanaya in aysan helin qanacsanaan galmo, laakiin markaan si qoto dheer u baarno arrinta, waxaan ogaaneynaa in dhibaatadu dhab ahaantii ay ka jirto xiriirkooda lammaanaha."

Wuxuu talo ahaan ku bixinayaa in haddii ay sidaas tahay, ay aad muhiim u tahay in la aqoonsado khaladaadka isfaham la'aanta iyo waxa sababay isku dhaca lammaanaha, lana xalliyo si loo hagaajiyo xiriirka.