Daraasad: "Ugxanta taranka oo laga sameeyay unugyo lab ah"

dhaqtar muunado haya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cilmi-baare u dhashay dalka Japan ayaa shir wayn oo ku saabsan dhanka hidde-sidaha ayaa sheegay in uu ukunta taranka ka sameeyay unugyada jiir lab ah.

Cilmi-baadhista oo weli ku jirta heerarkeedii hore, waxay ku lug lahayd in koromosoomyada galmada ee XY saynisku u yaqaanno ee labka loo beddelo kuwa dheddigga ah amaba ukunta taranka ee dheddigga.

Barfasoore Katsuhiko Hayashi oo ka tirsan jaamacadda Osaka ayaa ka shaqaynaya horumarinta daawaynta bacriminta.

Xogtan oo uu u soo gudbiyay daabacaadda joornaalka sayniska ee Nature, ayaa kor u qaadaya rajada ah in "ragga lammaanaha" ah ee ka tirsan bulshada la isku yiraahdo LGBTQ ay caruur yeeshaan.

Prof. George Daley oo ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee Harvard, oo aan ku lug lahayn cilmi-baadhistan, ayaa sheegay in ay weli jirto waddo dheer oo ka horraysa in bulshadu la kulanto go’aankan noocan oo kale.

"Shaqada Hayashi waa mid aan la daabicin laakiin soo jiidasho leh. Way ka adkaan doontaa in [Bini-aadmiga lagu sameeyo ] sida jiirka oo kale," ayuu yidhi. Wali ma aynaan fahmin wax badan oo ku saabsan bayolojiga gaarka ah ee unugyada aadanaha (samaynta unugyada taranka) si loo soo saaro shaqada Hayashi ee jiirarka''.

Faahfaahinta ayaa lagu soo bandhigay shir-madaxeedka tifaftirka hidda-sidaha aadanaha ee Machadka Crick ee London.

Prof Xayaashi oo ah khabiir si weyn looga ixtiraamo caalamka ayaa u sheegay ergada shirka ka soo qeyb gashay in shaqadu ay mareyso heer aad u horeeysa. Ukumaha ayuu sheegay in ay tayadoodu liidato, farsamadana aan si badbaado leh loogu isticmaali karin bini'aadamka xilligan hadda la joogo.

Balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu arki karo in dhibaatooyinka hadda jira looga gudbi karo toban sano gudahood uuna jeclaan lahaa in uu u arko iyada oo lagu daweynayo dhibaatooyinka taranka ee ragga iyo dumarkaba haddii la caddeeyo in si bed qab ah loo isticmaali karo.

"Haddii dadku rabaan iyo haddii bulshadu aqbasho tignoolajiyada noocaas ah markaa haa, waan taageersanahay".

Barfasoore Katsuhiko Hayashi

Xigashada Sawirka, BBC NEWS

Qoraalka sawirka, Barfasoore Katsuhiko Hayashi ayaa ku dhawaaqay in uu ukunta taranka ka sameeyay unugyada jiir lab ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Farsamada waxaa ka mid ah in marka hore unug maqaarka laga soo qaado jiirka labka ah dibna loo rogo unuggaas asliga ah – unug isu beddeli kara noocyo kale oo unugyo ah.

Unugyadu waa rag sidaas darteed waxay leeyihiin koromosoomyada XY. Kooxda Prof Katsuhiko ayaa markaa tirtirta koromosoomka Y, waxay nuqul ka dhigtaa X koromosoomka ka dibna waxay isku isku daraan labada X. Farsamadani waxay u oggolaanaysaa unugga asliga ah in loo habeeyo si uu ukunta taranka u noqdo.

Farsamadan waxaa loo isticmaali karaa in lagu caawiyo lamaanaha aan dhaleynin marka haweeneydu aysan awoodin inay soo saarto ukumo iyada u gaar ah. Waxa uuse carabka ku adkeeyay in aan kow la joogin si loogu adeegsado daawaynta taranka.

Barfasoor Amander Clark oo ah saynisyahan ku takhasustay unugyada kana tirsan jaamacadda California, ee Los Angeles ayaa sheegtay in bulshada LBGTQ+ loo yaqaan loo bahanyahay in fikirkooda ka dhahaan isticmaalka teknoolajiyaddan.

“Bulshada LBGTQ+ waxay leeyihiin baahin gaar ah marka laga hadlayo sameysashada qoys. Waxay suurta gal u tahay lamaanaha isku jinsiga ah in ay taran sameeyaan mustaqbalka iyada oo teknoolajiyadan la isticmaalayo.

"Xitaa dhanka jiirka waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ku saabsan tayada ukunta. Markaa ka hor inta aanan u malayn in ay tahay daaweynta taranka waa in aan ka gudubnaa dhibaatooyinkan, kuwaas oo qaadan kara waqti dheer," ayuu yidhi.

Prof Xayaashi waxa uu sheegay in aanu raalli ka ahayn in uu nin u isticmaalo shahwadiisa si ukumo macmal ah loo sameeyo.

"Farsamo ahaan tani waa suurtagal, ma hubo in qaabkan uu yahay mid ammaan ah ama bulshadu aqbali karto".

"Si kastaba ha ahaatee, maanta tignoolajiyaddan looma heli karo isticmaalka bini'aadamka, badbaadada iyo waxtarkeeda lama xaqiijin, mana cadda inta ay tignoolajiyada ku qaadan doonto rugta caafimaadka. Weli waxaa jira waxyaabo badan oo laga baran karo khadka jeermiska aadanaha, daldaloollada ka jira aasaaska aqoontuna waxay caqabad ku yihiin in cilmi-baadhistan loo turjumo qaab aadanaha waxtar u leh ."