Daraasad: Sidee ayaad u sameysan kartaa mustaqbal wanaagsan?

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhammaanteen waa inaan si aad ah uga fikirnaa nolosheenna mustaqbalka sida ay noqoneyso, maadaama mustaqbalkeenna uu saameyn weyn ku yeelan karo caafimaadkeenna jireed iyo kan maskaxeed, fayoobida iyo xasiloonida maaliyadeed.

Bal qiyaas sida aad u ekaan doonto 10-ka sano ee soo socda iyada oo ay ku xiran tahay hadba da’da aad maanta jirto, waxaa laga yaabaa 10 sano kaddib timaha iney cirreystaan wajigaana uu tutubto ama isbaddal muuqda uu ku yimaado.

Waxaana laga yaabaa inuu kuugu yimaaddo isbaddal dhanka maaliyadda iyo dhinac walba balse waxaa isweydiin mudan sida aad hadda u fikireyso miyaad sii ahaan doontaa, mise waad ka duwananaayesaa?

Daraasaado badan oo cilmi-nafsiga oo 10-kii sano oo la soo dhaafay la sameeyey ayaa tilmaamay jawaabaha ay dadku ka bixiyeen su’aashan iney aad ugu kala duwan yihiin, waxayna daraasaadku shaaca ka qaadeen natiijooyin la yaab leh oo muujinaya dabeecadaha dadku sida ay u kala duwan yihiin.

Dadka qaar ayaa aragti cad ka haysta mustaqbalkooda waxa uu noqonayo. Dadka noocaasi waa kuwo si wanaagsan lacagaha ay helaan u maarreeya isla-markaana xiriir wanaagsan dadka la leh waxayna ku dadaalaan sidii ay mustaqbalka nolol wanaagsan u heli lahaayeen.

Intaa waxaa dheer, iney jiraan dad badan oo aan qiyaasi karin xiriirka ka dhaxeeyo nolosha ay hadda ku nool yihiin iyo mustaqbalkooda.

Daraasaduhuna waxay tilmaamayaan dadka noocaasi iney laheen dareen mustaqbalkooda ku hagaya maaddaama ay nolosha ay hadda ku jiraanba ay daneyn, ama ay tahay mid aan mustaqbalkooda u gogol xaadheyn.

Haddaba daraasaddu waxay soo jeedineysaa siyaabo fudud oo qofka mustaqbalkiisa uu hadda ku dhisi karo kuwaasoo saameyn togan ku yeelan kara mustqbalkiisa, waxayna kala yihiin:

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Asalka falsafadda

Cilmi baadhisyada cilmu-nafsiga ee casriga oo haatan la sameeyo waxaa aasaas u ahaa falsafayahankii weynaa ee qarnigii 18-aad noolaa Joseph Bulter.

Bulter 1736-kii wuxuu qoray, “Qofka hadda sida uu yahay iyo mustaqbalka waxa uu doonayo inuu noqdo haddii ay kala duwan yihiin inuu laba qof kala noqonaya mustaqbal wanaagsanna uu gaari Karin.”

Aragtidaasi waxaa sii xoojiyey falsafahayanka reer Britain Derek Parfit, wuxuuna hoosta ka xarriiqay qofka waddada uu hadda hayo iyo mustaqbalkiisa iney isku xiran yihiin.

Sida oo kalana qofka mustaqbalka uu rabo inuu tiigsado ay saameyn weyn ku leedahay tubta uu hadda hayo oo sax ama khalad noqoto.

Waxaana arrimahaasi oo dhan lagu soo koobay qofka inuu yeesho qorshe qeexan oo isugu jira mid maaliyadeed iyo waxa uu doonayo mustaqbalka inuu gaaro.

Mustaqbalkaaga dib ugu laabo

Barafasoor Hirshfield oo cilmu-nafsiga ku takhasusay oo ka tirsan jaamacadda Los angeles daraasad uu 2018-kii sameeyey wuxuu ku sheegay mustaqbalka qofka uu doonayo inuu tiigsado iney ku xiran tahay dhaqdhaqaaqa uu qofku hadda sameynayo iyo guud ahaan caafimaadkiisa.

‘Qofku haddii uu caafimaadka maanta uu haysto uu daryeelo ayuu mustaqbalkana caafimaad oo wanaagsan uu yeelan karaa,” ayuu yiri Hirshfield.

Daraasad kale oo Hirschfield uu sameeyey 2020-ka wuxuu ku sheegay qofka mustaqbalka wanaagsan iyo farxadda intaba hanta inuu yahay qofka iska ilaaliya ficillada saameynta taban noloshiisa ku yeelanaya. Sida haddii uu arday yahay qishka iyo ku tiirsanaanta ardayada kale uu iska ilaaliyo iwm.

Mustaqbalka Lafttiisa

Dhakhaatiirta ku takhasustay caafimaadka neerfaha oo ka duulayo daraasaadka cilmu-nafisga oo horay loo sameeyey waxay billaabeen iney u kuurgalaan maskaxda sida ay u odorosto ifafaalaha mustaqbalka qofka.

Meghan Meyer oo ah kaaliye barafasoor oo ka tirsan kulliyadda Dartmouth ee New Hampshire waxay dhowaan sameysay daraasad ay dadku ku weydiineyso xiriirka ka dhaxeeya xaaladda ay hadda ku sugan yihiin iyo mustaqbalkooda waxa uu noqonayo.

"Maaddaama uu wakhtigu u socdo mustaqbalka, habka aad naftaada maanta u matasho kama duwanna sida uu mustaqbalkaaga uu noqonayo," ayey tiri Megan Mayer.

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aragti fog

Xoojinta aragtida ah in nolosheenna mustaqbalka ay u dhiganto nolosha hadda waxaa wax badan ka qaban kara xasilloonida dhaqaale, caafimaadka jireed iyo tan maskaxeed haddaba mustaqbal wanaagsan oo farxad leh si aan u tiigsanno maxaa inala gudboon?

Daraasadda Hirshfield waxay soo jeedineysaa talooyin dhowr ah oo qofku mustaqbal wanaagsan iyo faraxd uu ku dhisan karo:

  • Qofka inuu yeesho mas’uuliyad maaliyadeed uu mustaqbal ku gaaro
  • Inuu iswaafajiyo qofka hadda waxa uu ku sugan yahay iyo mustaqbalka waxa uu doonayo
  • Caafimaadkiisa maskaxeed iyo jireed inuu ilaashado maadaamaa ay mustaqbalkiisa saameyn taban ku leeyihiin
  • Qofka inuu dhaqan wanaagsan yeesho maadaamaa ay mustaqbalkiisa inuu dhismo kaalin ku yeelaneyso
  • Aragtida fog uu qofku isleeyahay mustaqbalka tiigsana inuu hadda uu billaabo inuu ka sii jawaabo uuna yeesho qorshe dhow, mid dhex iyo mid fog oo weliba qoran
  • Xiriirka uu dadka la leeyahay iyo bulshada uu la nool yahay uu wanaajiyo.