Daraasad lagu ogaaday sida ugu fiican ee loo aamusiin karo cunug oynaya

Cunug oynaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Seynisyahanno ayaa sheegay in ay heleen jawaabta ugu habboon ee ay ku raadinayeen cilmi-baaris lagu ogaanayay sida ugu fiican ee loo aamusiiyo ilmaha marka ay oynayaan.

Tijaabooyin qeyb ka ahaa daraasadda oo laga sameeyay dalalka Japan iyo Talyaaniga ayaa lagu soo bandhigay Majalladda “Current Biology”.

Waxaa daraasaddan lagu ogaaday in sida ugu habboon ee loo aamusiin karo cunug oynaya ay tahay in laabta la geliyo oo lala socdo muddo shan daqiiqo ah, kaddibna lala fariisto oo isla qaabkaas loo hayo shan ilaa siddeed daqiiqo oo kale.

Khubaradu waxa ay ku taliyeen in markaas kaddib cunugga dib loogu celiyo meeshii laga qaaday markii ugu horreysay.

Qoraaga hoggaamineysay cilmi-baaristan, Kumi Kuroda, oo ka tirsan Xarunta Seyniska ee Japan, ayaa sheegtay in iyadoo xitaa soo korisay afar carruur ah aysan waligeed waxba ka ogeyn habkan, sidoo kalena aysan fileyn natiijadan.

Sidee loo sameeyay daraasadda?

Kooxda seynisyahannada ah ayaa markii hore sameeyay cilmi-baaris ay u ugu kuur galeen habka nolosha ee eeyaha, daanyeerrada iyo jiirarka.

Waxaa la xaqiijiyay in xayawaankan dhammaantood ay ilmahooda xasilaan marka ay la socdaan iyagoo xambaarsan, mar walba oo ay sidaas sameeyaanna garaaca wadnaha cunugga hoos u dhaco ama gaabiyo.

Daraasadda lagu sameeyay bani’aadanka ayaa loo adeegsaday 21 hooyo.

Hooyooyinka heystay carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 0 ilaa 7 bilood ayaa lagu tijaabiyay afar xaaladood: in la xambaaro oo lala socdo, in dhabta la saaro hooyada oo fadhisa, in la geliyo sariir aan dhaqdhaqaaqeyn iyo in la saaro sariir ruxeysa.

Daraasadda ayaa lagu sameeyay 21 hooyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Natiijada ayaa muujisay in sida ugu fiican ee uu cunugga oynaya ku aamusi karo ay tahay in la qaado oo lala soc-socdo cabbaar.

Marka sidaas la sameeyo, waxay u badan tahay in cunugga u uku aamuso ilaa 30 ilbiriqsi, islamarkiina uu garaaca wadnihiisa xasilo.

Waxaa daraasaddan lagu ogaaday in arrintan ay ka fiican tahay sidii la aaminsanaan jiray oo inay tahay habka ugu fiican ee loola dhaqmo carruurta oyneysa, oo ahayd in la saaro dhabta hooyada oo fadhisa.

Seynisyahannada ayaa sidoo kale ogaaday in haddii cunug oynaya la soc-socdo muddo shan daqiiqo ah ay u badan tahay inuu hurdo daqiiqadahaas gudahooda.

Boqolkiiba 46 ka mid ah carruurtii tijaabadaas la mariyay ayaa seexday, markii hal daqiiqo oo lixaad lagu sii darayna, boqolkiiba 18 ka mid ah oo kale ayaa seexday.

Sidaas awgeed habkan [in la xanbaaro oo lala socdo cunugga] uusan joojineyn oo keliya oohinta base uu sidoo kale billow u yahay hannaanka hurdada.