Arrinta ku saabsan labadii ilbiqirsi ee u dhaxaysay xabaddii lala waayay Shinzo Abe iyo tii ku dhacday

Xigashada Sawirka, Reuters
Ilaalada Shinzo Abe ayaa lagu eedeeyay inay dayaceen 2 ilbiriqsi iyo bar oo ay ku badbaadin kareen raysul wasaarihii hore ee Jabaan.
Khubarro dhanka amniga ah oo gaaraya 8 qof ayaa sheegay in ay ilaaladu isku gadaami kartay, difaac u sameyn kartay ama ay ka wareejin kartay rasaasta ku beegnayd.
Fursadda ayay xuseen inay jirtay inta u dhaxaysay rasaastii hore ee lala waayay iyo tii labaad oo si xun u dhaawacday.
Khubarradu waxay dib-u-eegis ku sameeyeen muuqaal laga duubay dilkii raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan.
Dilka Abe oo 8-dii Luulyo ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Nara, waxaa geystay nin adeegsaday hub gacan ku sameys ah.
Falkaas ayaa naxdin ku abuuray dalkaas oo ay naadir ka yihiin dambiyada ama rabshadaha hubka loo adeegsado.
Maamulka Japan – oo uu ku jiro raysul wasaare Fumio Kishida – ayaa qirtay habacsanaan dhanka ammaanka ah, booliskuna wuxuu sheegay inay baarayaan dhacdadaas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Marka laga soo tago khubarrada dhinaca ammaanka, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goobta kula hadashay lix qof oo goobjoogeyaal ahaa, waxayna baartay muuqaallo badan oo laga heli karo online-ka, kuwaas oo laga duubay xagallo kala duwan, si ay u soo ururiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan tallaabooyinka ammaanka ka hor toogashadiisa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ninka toogashada gaystay oo boolisku uu magaciisa ku sheegay Tetsuya Yamagami, oo 41 jir ah, wuxuu fursad ku helay Abe, isagoo u soo jirsaday dhowr mitir.
Muuqaalku wuxuu tusayaa in aanay cidi ka war hayn halista ka soo socotay ninka hubeysan.
"Waxay ahayd inay arkaan qofka weerarka geystay oo si bareer ah ugu sii socda xagga dambe ee raysul wasaaraha oo ay soo dhexgalaan," ayuu yiri Kenneth Bombace, madaxa Global Threat Solutions, kaasoo ilaalinayay ammaanka Joe Biden markii uu ahaa murashaxa madaxweyne.
Yamagami wuxuu yimid meel u jirta 7 mitir Abe ka hor inta uusan ridin rasaastiisii ugu horreysay, taasoo uu la waayay, wargeyska Yomiuri oo soo xiganaya ilo-wareedyada baarista ayaa sidaas qoray. Wuxuu rasaasta labaad ee haleeshay Abe oo 67 jir ahaa ka soo riday meel u jirta 5 mitir, sida la sheegay.
“Ilaalada Abe uma muuqan kuwa isku hareereynaya,” ayuu yiri John Soltys, oo horay u ahaan jiray ciidanka badda iyo sarkaal CIA ah, balse hadda ah ku-xigeenka madaxa shirkadda amniga Prosegur. "Ilaalo kuma aysan dhex lahayn dadka."

Xigashada Sawirka, Reuters
Booliska Nara Prefectural, oo mas'uul ka ah amniga joojinta ololaha Abe ayaa mar wax laga weydiiyay falanqaynta khubarrada, wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay bayaan uu soo saaray waaxda "waxaa ka go'an inay si dhab ah u ogaato waxa ka qaldamay amniga" iyo ilaalinta Abe, isagoo diiday inuu faallo dheeraad ah bixiyo.
Muuqaalka fiidiyowga ayaa muujiyay in, kaddib markii lagu riday xabbadda koowaad in Abe uu jeestay oo uu eegay garabkiisa bidix. Laba askari oo ilaalo ah ayaa isku dayay in ay kala dhex galaan isaga iyo ninka toogashada geystay, midna wuxuu kor u qaadayaa bac madow oo qafiif ah. Labo kale ayaa u jihaystay dhanka ay ka soo dhaceysay rasasata, iyagoo u soo dhowaaday qiiqa.
Inkastoo ilaalada Abe ay daqiiqado kaddib la tacaalayeen ninka toogashada gaystay oo ay xireen, haddana Mitsuru Fukuda, oo ah barafasoor wax ka dhiga jaamacadda Nihon, isla markaana ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka iyo argagixisada wuxuu sheegay in ay ahayd “jawaab qaldan” in qaar ka tirsan askarta ay daba galaan ninka toogashada sameeyay halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen ilaalinta Abe.
Waxaa meesha ku sugnaa ciidan ku filan sugidda ammaanka, "laakiin ma jirin dareen loo hayay halista," ayuu yiri Yasuhiro Sasaki, oo ah sarkaal booliis oo howlgab ah oo ku sugan ismaamulka Saitama ee u dhow Tokyo.
Booliska Tokyo, oo mas'uul ka ah ilaalada siyaasiyiinta muhiimka ah ayaa su'aalo u gudbiyay booliska Nara.
Wakaaladda wararka ee Reuters uma suurtagelin inay hesho Yamagami, oo weli ku jira gacanta booliska, si uu wax uga yiraahdo arrinta, mana aysan ogaan karin inuu leeyahay qareen iyo in kale.
Markii uu raysul wasaarihii hore u istaagay inuu hadlo, Yamagami waxaa laga arki karaa muuqaal gadaal ah, isagoo sacab tumaya.
Markii Yamagami uu daba socday Abe, ciidanka ammaanku uma muuqan inuu tallaabo qaadayo, sida laga arki karay muuqaalka.











