Maxay tallaabo ah oo ay qaadayaan xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyada baarlamanka?

Xildhibaanada golaha shacabka

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka

Qoraalka sawirka, Xildhibaanada golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golahaasi.

Sababta fadhiyada looga joojiyay xildhibaannadaan ayaa lagu sheegay arrimo amni dartood, iyadoo sidoo kale guddiga xeerhoosaadka ee Golaha uu ka codsaday guddoomiyuhu in ay talo bixin ka soo sameeyaan talaabooyin ku haboon xubnahaan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Qoraalka Codka, Xildhibaan Xidig oo ka mid ahaa xildhibanadii laga mamnuucay baarlamaanka ayaa ka falceliyay go'aankaas.

Hase-yeeshee xildhibaannadaan laga mamnuucay in ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka oo qaarkood BBC-da la hadlay ayaa ku eedeyay guddoomiye Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) in uu ku tumanayo sharciga isla markaana uu eedeysane u yahay iyaga.

Kulankii shalay ee golaha shacabka ayaa buuq iyo gacan ka hadal ku dhamaaday.

Haddaba tallaabo noocee ah ayay qaadayaan xildhibaanadaas? Halkan ka dhageyso.