Dhalinyarada Muqdisho oo helay goob cusub oo ay u dalxiis tagaan

Qoraalka Muuqaalka, Degmadan ayaa leh wabi iyo beero qurxoon iyo beero

Maanta oo ay taariikdu ku beegantahay 27-ka bisha Sep, dunida waxaa laga xusayaa maalinta dalxiiska aduunka.

Magaalada Muqdisho markaan eegno, dadka waxay badanaa u dalxiis tagaan xeebaha ku yaala dalka balse, bilihii u dambeyay waxa ay qaarkood u dalxiis tagayeen degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe, degmadaas oo caan ku ah beeraha ku yaalala hareeraha webiga Shabeele maadama la dhisay wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Wariyaha BBC-da Muqdisho, Maxamuud Cabdicasiis ayaa booqday degmadaas, warbixintaan ayuuna halkaas ka soo diray.