Dalka Afrikaanka ah ee laga yaabo inuu doorto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne u noqota

Xigashada Sawirka, AFP
Codbixinta ayaa ka socota Namibia taasoo ah doorashada aadka loogu tartamayo tan iyo markii dalkaas xornimada qaatay laga soo bilaabo xilligii Koofur Afrika uu caddaanku xukumayay 34 sano kahor.
Netumbo Nandi-Ndaitwah ayaa dooneysa inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalkaas.
Haddii xaaladdu u dhacdo sida uu rajeynayo xisbiga muddada dheer heystay Namibia, dalku wuxuu dooran doonaa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ah.
Balse niyad-jab ay muujinayaan dhaqdhaqaaq xornimo oo ka jira koofurta Afrika, oo lagu daray dareenka kasoo horjeeda axsaabta xilka heysa oo ka jira qeybo badan oo dunida ah, ayaa laga yaabaa inay khatra ku noqdaan waxa noqon kara guul taariikhi ah.
Madaxweyne ku xigeenka haatan Netumbo Nandi-Ndaitwah, oo 72 jir ah, waxay ku taagan tahay xisbiga Swapo, oo dalka xukumayay tan iyo xornimadii laga soo bilaabo xilligii uu Koofur Afrika xukumayay caddaanka sanadkii 1990.
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan haatan waa haweeneyda keliya ee Afrika ee dal madaxweyne ka ah, marka Nandi-Ndaitwah ayaa kusoo biiri doonta naadigan gaarka ah haddii la doorto.
Xisbigeeda, oo muddo 30 sano ah talada hayay, ayaa la kulmay hoos u dhac weyn oo taageero doorashadii guud ee ugu dambeysay. Maanta ayay doorasho ka qabsoontay iyadoo heerka shaqo la'aanta ay mareyso 19% - oo ku dhowaad ah isla sidii ay ahayd 30 sano kahor - ay saameysay dhaqaalaha dowladda, su'aalo ka jira musuqmaasuqa iyo xaddi sare oo sinnaan la'aan ah.
Nandi-Ndaitwah qofka ugu weyn ee la tartamaya oo ka mid ah 14-ka musharrax waa Panduleni Itula oo ka socda Xisbiga Independent Patriots for Change (IPC).
Waxay sidoo kale ka hor imaaneysaa dhaqanka iyo siyaasadda ay raggu hareeyeen ee dalkaasi.
Balse waa hoggaamiye ay aaminsan yihiin dalkan aadka u bulshada badan ee nabadda ah maaddaama ay kasoo shaqeysay xafiis sare oo dowladda ah muddo rubuc qarni ah.
“Waxaan mar walba rumeysnaa wada-shaqeyn, taasi waa waxa iga dhigay inaan guuleysto,” ayay tiri.
Haweeneydan oo lagu yaqaanno wax-qabadkeeda dhabta ah ee hoggaankeeda fiican, ayaa sidoo kale daacad aan gabban u ah xisbiga, oo ay ku biirtay iyadoo da'yar.
Markii ay 14 jir ahayd waxay qeyb ka noqotay dhaqdhaqaaqa kasoo horjeeday xukunkii Koofur Afrika, oo xukumayay dalka – oo markaas loo yaqaannay Afrikada Koofur Galbeed – tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa lagu yaqaannay adkeysigeeda iyo aqoonta ay ururka u lahayd markii ay ahayd madaxa Naadiga Dhalinyarada ee Swapo, taasoo udub-dhexaad u noqotay xirfaddeeda siyaasadda, oo ay ku jiraan xilal wasiirro oo ay kasoo qabatay arrimaha dibadda, dalxiiska, daryeeka carruurta iyo warfaafinta.
Waxay kororsatay aqoon iyo khibrad caawin doona haddii ay kursiga ku guuleysato.
“Waxay u muuqataa qof xikmad leh oo macaan naxariisna badan, xitaa sida ay isugu daydo inay wax walba u tiraahdo qaab aan aniga xitaa fahmayo,” ayay tiri Laimi, oo ah codbixiye.
Saaxiibteed Maria ayaa tiri: “Itula waa sida shey cusub oo dahab ah isagoo xiran ookiyaalihiisa, suudkiisa fiican iyo socodkiida kalsoonidu ka muuqato, balse waxaa laga yaabaa inuu kugu indha saabayo dhaldhalaakiisa.”
Labadooduba waa da'yar awoodi waayay inay shaqo helaan.
Itula oo 67 jir ah, ahna dhaqtar tababaran oo ilkaha ah, wuxuu qudhiisa mar ka tirsanaa Swapo balse xisbiga ayaa laga cayriyay sanadkii 2020 kadib markii uu musharrax madax bannaan ahaan ula tartamay madaxweynihii xilligaas Hage Geingob codbixintii sanadkii 2019.
Wuxuu sidoo kale ahaa hoggaamiye dhalinyaro wuxuuna waqti ku qaatay xabsiga kahor inta uusan dibad-joog ku noqon UK horraantii 1980meeyadii. Wuxuu Namibia ku soo laabtay sanadkii 2013.
Lix sano kadib, wuxuu safka hore ka galay siyaasadda Namibia, isagoo Geingob kula loollamay doorashada kadib markii uu sheegay in hannaanka Swapo ee musharraxiisa uu ku doorto uu yahay mid aan hagaagsaneyn.

Xigashada Sawirka, AFP
Ku lug lahaanshaha Itula ee doorashada ayaa u horseeday Swapo hoos u dhaca.
Ninkan oo ah mid leh xirfad nololeed oo ka baxsan siyaasadda, wuxuu soo jiidasho u leeyahay 50% codbixiyeyaasha 1.5 milyan ah ee da'doodu ka yar tahay 35, oo qaar badan ay doonayaan isbeddel dhaqaale, shaqo amaba kor u kac muuqda in lagu sameeyo dakhligooda.
Ninkan ayaa waxaa taageersan ganacsatada iyo dadka ilbaxa ah ee magaalooyinka. Balse sidoo kale madaxweyne ku xigeenka waa qof erayadeeda u doorata si xikmad ku dheehan tahay, waxayna u hadashaa si tartiib ah oo aan gabbasho lahayn.
Nandi-Ndaitwah waxay dooneysaa isu naxariisasho iyo isla shaqeyn, xoojinta bulshada, ka go'naansho iyo daryeel.
Iyadoo ah haweeneydii ugu horreysay ee fursad u heysata inay noqoto madaxweynaha dalkaas, waxay rajo u tahay qaar ka mid ah haweenka doonaya isbeddel.
Si kastaba, Nandi-Ndaitwah waxay matalaysaa hannaankii hore ee "isku dayay oo la aaminay" ee halganka xoraynta Namibia, halka Itula uu matalayo "dabaysha isbeddelka" iyagoo ku matalaya sagxadda siyaasadeed ee u baahan kor u qaadis.













