Calawiyiin: Maxay yihiin bulshada uu kasoo jeedo Bashar al-Assad ee ciidankooda lagu eedeeyay dilka Muslimiin Sunni ah?

Calawi

Xigashada Sawirka, Reuters

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa codsaday isku duubni, xilli rabshado iyo dilal aargoosi ah ay shalay kasii socdeen deegaanno ay ku nool yihiin bulsho daacad u ah hoggaamiyihii xukunka laga tuuray Bashar al-Assad.

Boqollaal qof ayaa la sheegay inay ka qaxeen guryahooda ku yaalla gobollada xeebta ee Latakia iyo Tartus - oo ay ku xooggan yihiin dadka taageera Assad.

Dadka deegaanka soo tebiyay xatooyo iyo dilal wadareed, dadka loo geystay ay ku jiraan carruur.

Deegaanka Hai Al Kusour, oo ay ku badan yihiin Calawiyiinta, ayay dadka deegaanku sheegeen in waddooyinka ay dhooban yihiin meydad googo'an, oo dhiig uu daboolay. Rag da'aad kala duwan ku jira ayaa halkaasi lagu toogtay sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Dadka ayaa Jimcihii aad uga baqayay inay xitaan daaqadahooda ka eegaan waxa dhacaya. Internet-ka ayaa ahaa mid aan degganeyn, balse markii uu soo laabtay geerida dadka deriskooda waxay ka arkeen Facebook.

Sharac

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharac

Sunniyiinta ugu tirada badan Suuriya ayaa 13-kii sano ee lasoo dhaafay wajahayay dilal markii uu xilka hayay Assad, kuwaas oo ay u geysteen ciidamada dalkaas. Tan ayaa sababtay in naceyb baahsan loo qaado qowmiyadda Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay, kuwaasoo xubnaha bulshadooda ka tirsan lala xiriiriyo dembiyo dagaal.

Sida ay sheegayaan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, waxaa jira caddeyn ku aaddan in saraakiisha ammaanka ee Calawiyiinta ay ku lug lahaayeen dilka iyo jirdilka kumannaan Suuriyaan ah, oo badankood Sunni Muslimiin ah, xilligii uu xukunka hayay Assad.

Kuwa xubnaha ka ah ciidamada iyo xoogagga ammaanka ee la dilay ayaa intooda badan kasoo jeeda bulshada Sunniyiinta haatanna qaar ka mid ah bulshada Sunni ayaa iyaga u dilaya aargoosi ahaan, balse madaxweynaha ayaa ku baaqay in xaalka la dejiyo.

Sharaa, oo ciidankiisa Islaamiyiinta ay xukunka ka tuureen Assad saddex bilood kahor, ayaa waxaa haatan u taalla inuu isku dheellitiro in dalkaasi uu amni kusoo dabbaalo iyo in caddaalad la horgeeyo dembiyadii uu galay maamulkii Assad.

Iyadoo uu amar ku leeyahay qaar ka mid ah ciidankiisa ka caawiyay inuu xukunka qabsado, firqooyin a mid ah ayuusan shaqo ku lahayn. Firqooyinkaas waxaa sidoo kale ku jira dagaal-yahanno ajaanib ah oo leh ajande Islaami xagjir ah.

Inuu Suuriya ku hoggaamiyo mustaqbal ammaan oo dimuqraaddi ah, ayay qaar badan ku doodayaan in Sharac uu u baahan yahay inuu soo afjaro joogitaanka dagaal-yahannada ajaanibta uuna sameeyo dastuur dhowraya xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah, iyadoo aan loo eegeyn isirkooda ama diintooda.

Inkastoo loo arko inuu ka shaqeynayo habraaca dastuur noocaas ah, xakameynta kooxaha rabshadda wada iyo cayrinta dagaal-yahannada ajaanibta ah ayaa ku noqon doona caqabad adag.

Calawi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay yihiin Calawiyiinta?

Tiro-koob sax ah lagama hayo tirada Calawiyiinta ee Suuriya, balse qiyaasaha la sameeyay ayaa tilmaamaya in ay yihiin 12% dadka dalkaas oo ah 23 milyan oo qof.

Kadib afgambigii 1970-kii ee uu hogaaminayay Hafez al-Assad, oo ahaa aabaha madaxweyne Bashaar Al-asad, Calawiyiintu waxay awoodooda xoogga ku saareen hay'adaha muhiimka ah iyo hay'adaha amniga Suuriya.

Calawiyiintu waa ay haystaan mad-habta Shiicada. Erayga Calawi waxa uu macnihiisu yahay "raacii Cali.

Calawiyiinta Suuriya waxay inta badan ku badan yihiin xeebta Mediterranean-ka ee dalka, gaar ahaan magaalooyinka Latakia iyo Tartus.

Marka la eego meelaha ka baxsan Suuriya ee ay ku noolyihiin Calawiyiinta, waxaa ka mid ah Turkiga oo ay ku nool yihiin bulshooyin yaryar oo Calawiyiin ah (gaar ahaan Gobolka Hatay), waqooyiga Lubnaan, iyo qaybo kale oo Bariga Dhexe ah.