Donald Trump oo meel fagaare ah ka sheegay xog cusub oo ku saabsan dagaalkii Pakistan iyo Hindiya ee dhawaan dhacay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay inuu joojiyey dagaal ka dhex qarxay Pakistan iyo Hindiya, isagoo sheegay in siddeed diyaaradood la soo riday intii uu dagaalku socday bishii May.

Isagoo khudbad ka jeedinayay American Business Forum oo ka dhacay magaalada Miami ee dalka Maraykanka Arbacadii, Trump wuxuu sheegay in siddeedii ilaa sagaalkii bilood ee ugu horreeyay muddadiisa labaad ee xilka uu kaliya samayn waayay heshiisyo dhaqaale oo badan, balse uu sidoo kale joojiyay siddeed dagaal.

Wuxuu yiri:

"Usbuucii hore waxaan heshiis la saxiixanay Shiinaha, sidoo kale waxaan heshiis la galnay Japan, iyo Malaysia oo naga caawisay arrimo badan. Dhamaan waa heshiisyo dhaqaale oo aad u wanaagsan, waana kuwo faa'iido u leh dhammaan dhinacyada."

Donald Trump ayaa sheegay in "siddeeddaas bilood gudahood uu joojiyay siddeed dagaal."

Isagoo ka hadlayay iska horimaadyadii ciidan ee u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya bishii May, Trump wuxuu sheegay in markii dagaalku bilowday uu ku dhowaa inuu saxiixo heshiis ganacsi oo ay labada dal la galaan.

"Markaasaan akhriyey warqad saxaafadeed oo uu qoray wargeys aanan rabin inaan magacaabo sababtoo ah marar badan been buu qoraa, balse waxaan maqlay in dagaal uu bilowday, siddeed diyaaradood la soo riday — toddobo la burburiyey, midna si daran ayuu u dhaawacmay. Laakiin siddeed diyaaradood baa la soo riday," ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma sheegin diyaaradahaas labada dal cidda si gaar ah u leh iyo n ay wada leeyihiin.

Wuxuu sii raaciyay:

"Markaasaan iri, 'tani waa dagaal dhab ah,' waana laba quwadood oo nukliyeer haysta."

Trump wuxuu sheegay inuu labada dal u sheegay:

"Anigu heshiis ganacsi idin lama galayo ilaa aad nabad sameysaan. Waxay dhaheen, 'maya, arrintaas wax shaqo ah kuma laha.' Waxaan iri, 'maya, waxay si buuxda ula xiriirtaa — idinku waad tihiin quwado nukliyeer ah, heshiis idin lama galayo haddii aad dagaalka sii waddaan.'"

Trump wuxuu ku faanay in maalin kaddib uu wacay qof u sheegay, "Nabaddii waa diyaar, dagaalkii waa istaagay."

Wuxuu yiri: "Markaasaan iri, waad mahadsan tihiin, aan ganacsi samayno hadda. Canshuuraha (tariffs) ayaa arrintan suurta geliyay, iyagoon jirin ma dhici lahayn."

Donald Trump ayaa horey dhowr jeer u sheegay inuu ka hortagay dagaal buuxa oo Pakistan iyo Hindiya u dhexeeyay.

Pakistan waxay aqoonsatay kaalintiisa dhexdhexaadinta, waxayna xitaa soo jeedisay in Trump loo magacaabo abaalmarinta Nobel Peace Prize. Laakiin Hindiya ayaa si joogto ah u diidday sheegashadaas, iyadoo ku andacoonaysa in nabadda lagu gaaray wadahadal toos ah oo dhex maray labada dal, aysanna jirin cid saddexaad oo ku lug lahayd.

Pakistan iyo Hindiya

Xiisad u dhaxeysa labada dal ee hubka nukliyeerka haysta ayaa jirtay sanado badan, balse bishii May dagaal ayaa qarxay kadib weerar ka dhacay Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.

Kadib afar maalmood oo duqeymo ah, Trump ayaa soo qoray in Hindiya iyo Pakistan ay ku heshiiyeen "XABAD JOOJIN DHAMMEYSTIRAN OO DEGDEG AH."

Wuxuuna sheegay in tani ay ka dhalatay "habeen dheer oo wadahadallo ahaa oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Mareykanka."