You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Pakistan iyo Hindiya: Sidee shacabku ugu falceliyeen weerarradii dhacay?
Maxamed Wahiid waxa uu hurday gurigiisa oo ku yaalla Kashmir-ta ay maamulka hayso Pakistan kolkii qarax weyni toosiyey subaxnimadii hore.
"Ka hor intii aanan xitaa fahmin waxa dhacaya, gantaallo kale ayaa dhacay, taas oo keentay argagax iyo jahawareer ballaadhan," ayuu u sheegay BBC-da, isaga oo intaa ku daray inuu hurdadii ka soo booday oo dibadda isugu soo baxeen isaga, qoyskiisa iyo deriskiisa.
"Carruurta waxay bilaabeen in ay ooyaan, dumarkuna waa ay kala cararayeen iyaga oo raadinaya meel ay ku nabad galaan."
Mr Wahiid waxa uu deggan yahay magaalada Muzaffarabad, oo ah caasimadda Kashmir ee ay Pakistan maamusho — waa mid ka mid ah ugu yaraan saddex goobood oo ay gantaallo ku dhufteen ciidamada Hindiya Arbacadii.
Militariga Hindiya ayaa sheegay in ay weerarradaas ka jawaabayeen weerarkii ay kooxaha hubeysan ka fuliyeen Kashmir-ta ay maamusho Hindiya, kaas oo ay ku dhinteen 26 rayid ah.
Waxay ku eedeeyeen kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Pakistan, iyaga oo xukuumadda Islamabad ku eedeeyay inay si dadban u taageerto kooxahaas — eedeyntaas oo Pakistan si isdaba joog ah u diidday.
BBC-da waxay la hadashay goobjoogayaal ku sugan labada dhinac ee Kashmir, kuwaas oo ka warramay weerarradii gantaallada Hindiya iyo waxa ka dhashay madaafiicda ay riday Pakistan.
Pakistan ayaa sheegtay in siddeed qof oo rayid ah ay ku dhinteen, halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii gantaallada ahaa ee saaka dhacay, sida ay sheegtay dowladda Islamabad.
Milatariga Hindiya ayaa isna sheegay in ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah lagu dilay madaafiicda ay Pakistan ka soo ridday dhinaceeda xadka Line of Control (LoC) — oo ah xadka dhabta ah ee u dhexeeya labada dhinac.
Ruby Kaur, oo ku nooleyd degmada Poonch ee Hindiya, meel ku dhow xadka Line of Control (LoC), ayaa sida la soo weriyey ka mid ahayd dadka reer Hindiya ee lagu dilay weerarkaas.
Adeerkeed, Buava Singh, ayaa u sheegay BBC-da in hoobiye uu ku dhacay meel u dhow guriga Ruby Kaur cabbaarro 1:45 subaxnimo, hoobiyahaas oo sababay geerideeda isla markiiba halka sida oo kalena uu dhaawac soo gaadhay gabadheeda.
"Ninkeeda oo xanuusanayey darted ayay u toostay si ay shaah ugu samayso markaas ayaa hoobiyaha ku dhacay agagaarka gurigeeda," ayuu yidhi Singh.
Wuxuu intaas ku daray in madaafiicdii culusayd ee subaxnimadii Arbacada ahayd ay aheeyeen wax aanayy weligood horey u arkin.
Qof kale oo deggan Poonch ayaa sheegay in ay maqleen "qaraxyo xoog leh muddo saacado ah habeenkii Arbacada."
Cabdiwahaab Muuse Geeddi oo isagu ku nool gobolka Punjab waxa uu BBC Somali u sheegay in xaaladdu cakiran tahay oo goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddaba la fasaxay.
"Gobolka Punjab, waxaa la wada fasaxay iskuulladii, jaamacadihii, goobahii la isugu imanayey iyo goobihii dawladda, xaaladda guud ee soo korodhay awgeed. Waxaana gobolka la geliyey xaalad degdeg, marka xaalku ma deggana illaa hadda" ayuu Cabdiwahaab u sheegay BBC-da.
Dhanka kale, falcelin kala duwan ayaa durba ka dhalatay iyada oo dhinacyadu dhinac ba dhanka kale ku eedaynayo gardarrada falkan.
"Marka aad aragto baraha bulshada waxa la arkayaa Baakistaaniyiinta oo aad uga cadhooday, iyaga oo dawladdooda ugu baaqaya in ay u soo aarguddo dadkooda halkaa kaga dhintay" ayuu sida oo kale sheegay Cabdiwahaab Geeddi.
New Delhi waxay ku adkaysay in weeraradeeda Arbacadii ay si gaar ah ugu wajahnaayeen xarumaha argagixisada, iyadoo sheegtay in meelaha la beegsaday lagu saleynayay "xog sirdoon oo la isku halleyn karo".
Laakiin dadka deegaanka ee ku nool aagga bartilmaameedyadu ahaayeen ee Kashmir ee uu maamulka Pakistan gacanta ku hayo ayaa sheegay in masaajiddadoodii iyo guryahoodii ay ka mid ahaayeen goobaha la duqeeyey.
Mr Waheed ma fahmi karo sababta masaajidka xaafaddiisa loogu dhuftay, taasoo sababtay in "dumar iyo rag badan" ay ku dhaawacmaan xaafaddiisa Muzaffarabad.
"Waa wax adag in la fahmo," ayuu yidhi. "Waa masaajid caadi ah oo aan ku tukanno shan jeer maalintii. Marna maanaan arkin wax dhaqdhaqaaq shaki leh oo ka agdhaca meelahan"