Pakistan iyo Hindiya: Suuraggal ma tahay in labadan dal ee nukliyeerka haystaa ay is fara-saaraan?

Wasiirka warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in dalkiisu helayo "xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo" oo muujinaysa in India ay damacsan tahay in ay ku soo qaaddo weerar ciidan 24 ilaa 36 saacadood ee soo aaddan.

Hadalkan uu jeediyay Attaullah Tarar ayaa yimid kadib markii India ay ku eedeysay Pakistan inay taageerto maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Kashmir-ta ay India maamusho, kaas oo lagu dilay 26 dalxiisayaal ah toddobaadkii hore. Islamabad waxay beenisay eedeymahaas.

Tarar wuxuu sheegay in India ay rabto inay weerarkaasi u adeegsato "marmarsiiyo been ah" si ay u qaaddo weerar, wuxuuna intaa ku daray: "Haddii India ay isku daydo wax dagaal ah, waxaannu uga jawaabi doonnaa si hubaal ah oo go'aan leh."

BBC-da ayaa la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda India si ay uga hesho faallo arrintan la xidhiidha.

Weerarka ka dhacay agagaarka magaalada dalxiiska ee Pahalgam ayaa noqday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagula kaco dadka rayidka ah muddo labaatan sano ah gudahood dhulkan lagu muransan yahay.

Labada dal ee India iyo Pakistan ayaa mid kastaa sheeganaya gobolkaas, waxayna horey u galeen laba dagaal oo la xidhiidha lahaanshihiisa.

Ciidamada labada dhinac ayaa maalmahan is dhaafsanayay rasaas yar yar oo ka dhacaysa xadka u dhexeeya labada dal.

Waxaa jiray tuhun ah in India ay qaadi karto weerarro milatari oo ay ku beegsaneyso Pakistan, sida ay samaysay kadib weerarradii dhimashada watay ee dhacay sannadihii 2016 iyo 2019.

Mas'uuliyiinta ayaa toddobaadkii hore sheegay in baadhitaanno ballaaran laga sameeyay Kashmir-ta ay India maamusho, waxaana la qabtay in ka badan 1,500 oo qof si su'aalo loo weydiiyo. Dad dheeraad ah ayaa tan iyo markaas la xidhay, inkastoo aan la caddeyn tiradooda.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale dumiyay guryaha ugu yaraan 10 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen maleeshiyaad.

Mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu xidhiidh la lahaa eedeysane lagu magacaabay weerarkii.

Kashmir, oo ay India iyo Pakistan mid waliba sheegato balse qayb ahaan u kala maamusho, ayaa noqotay meel khilaaf ka dhaxeeya sii hurisa labada dal ee hubka nukliyeerka haysta tan iyo markii la kala qaybiyay 1947.

Kashmir-ta ay India maamusho waxay wajahday kacdoon hubeysan oo ka dhan ah xukunka Hindiya tan iyo 1989-kii, iyadoo kooxaha hubeysan ay beegsadeen ciidamada ammaanka iyo shacabka intaba.

'Sida taariikhda lagu yaqaan marka xog sidan oo kale soo baxo badanaa way dhacdaa, arrintaasina waxa ay dhali doontaa in Pakistan ay weerar jawaab ah ay geysato, kaddibna ay diblomaasiyad uun noqoto in lagu soo celiyo" ayuu qabaa Dr Axmed Saki Faarax Iidle, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka

India ma aysan magacaabin koox ay tuhmayaan inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Pahalgam, waxana wali aan la ogayn cidda geysatay.

Koox aan si weyn loo aqoon oo lagu magacaabo Resistance Front, oo markii hore la sheegay inay sheegatay mas'uuliyadda weerarka, ayaa war kasoo saartay oo ku sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn weerarka. Kooxdaas ayaa lagu waramayaa inay xiriir la leedahay Lashkar-e-Taiba, oo ah koox maleeshiyaad ah oo saldhigeedu yahay Pakistan.

Booliiska India ayaa magacaabay saddex ka mid ah afarta eedeysane ee weerarka lala xidhiidhinayo. Waxay sheegeen in laba ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah, midna uu ahaa nin deegaanka u dhashay oo ka yimid Kashmir-ta ay India maamusho. Waxaana weli aan la haynin wax xog ah oo ku saabsan ninka afraad.

Dad badan oo ka badbaaday weerarkaas ayaa sheegay in ragga hubeysan ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen dadka Hinduuga ah.

Weerarkaas ayaa cadho ballaadhan ka dhaliyay India, iyadoo Ra'iisul Wasaare Narendra Modi uu si cad u sheegay in dalka uu "raadin doono eedeysanayaasha ilaa dhulka geesihiisa" isla markaana kuwii weerarka fuliyay iyo kuwii qorsheeyayba "la ciqaabi doono si ka baxsan wax kasta oo ay filan karaan."

"Hindiyana waxaad moddaa in ay ka faaiidaysanayso xiisadda dhaqaale ee dalkaa ka ataagan tan markii Imran Khan laga qaaday xilka, sida oo kalena ciidanka oo la jeclaa gudaha Pakistan ay kalsoonidii dadkooda lumiyeen" ayuu yidhi Dr Axmed.

Colaaddan ayaa na laga baqayaa in sii baahdo, maadaama labada dal nukliyeer haystaan, balse falanqeeyayaasha ayaa u arka in khilaafkani aannu sii cuslayn ee keliya u muuqda siyaasadaysan.

"Haddii ay sidan kusii socoto waa ay gaadhi kartaa in colaaddu adkaato oo gaadho heer nukliyeer la isu isticmaalo, balse tan waay iska mid siyaasadeed" ayuu BBC-da u sheegay Dr Axmed