You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hoggaamiyeyaasha ku jira liiska dadka ay raadinayso maxkamadda caalamiga ah ee adduunka
Dacwad oogaha maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii codsaday in la soo xidho ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, madaxii difaaca iyo saddex ka mid ah hogaamiyayaasha Xamaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Haddii codsiyadaas la aqbalo madaxda Israa'iil iyo Xamaas waxay ku biirayaan liiska dadka looga shakisan yahay dambiyada dagaalka ee weli ka maqan maxkamadda Hague.
Halkan waxaa ah dulmar ku saabsan magacyada ugu caansan ee maxkamaddaas u eedaysan:
Madaxweyne VLADIMIR PUTIN
Maxkamadda ICC ayaa soo saaray amar lagu soo xidhayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin bishii Maarso 2023, iyadoo ku eedeysay dambiga dagaal ee uu boqolaal carruur ah uga soo tarxiilay Ukraine.
Kremlin-ka ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid aan macno lahayn, waxayna dhowr jeer beenisay eedeymaha ah in ciidamadoodu ay geysteen gabood-fallo, xilligii ay duullaanka ku qaadeen deriskooda.
Putin ayaa ahaa madaxweynihii 3-aad ee xukunka haya ee loo gudbiyo waaran lagu soo xidhayo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, kaddib madaxweynihii Suudaan Cumar Al-Bashiir iyo madaxweynihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.
Madaxweynihii hore ee Sudan, OMAR AL-BASHIR
Maxkamadda ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo Cumar Al-Bashiir sannadkii 2009-kii, iyadoo ku eedeysay inuu ka dambeeyay xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee dalka Suudaan, halkaas oo lagu dilay dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof, in ka badan 2 milyan oo kalena ay ku barakaceen.
Bashiir iyo qaar ka mid ah xulafadiisa ayaa lagu xidhay Suudaan ka dib kacdoon dadweyne oo dhacay 2019, laakiin waligood looma dirin Hague.
Ciidanka ayaa sheegay in kaligii-taliyihii hore laga raray xabsiga oo loo wareejiyay isbitaal milatari bishii April ee sanadkii hore.
Uganda, dagaal ooge JOSEPH KONY
Kony, aasaasihii iyo hoggaamiyaha Ururka Iska caabinta ee Lord's Resistance Army (LRA), waa baxsadkii ugu muddada dheeraa ee ICC-da.
Waaran qabasho ayaa loo soo saaray sannadkii 2005-tii.
Garsoorayaasha ICC ayaa horraantii sanadkan qaatay go’aan aan horay loo arag oo ay ugu ogolaadeen dacwad oogayaasha in ay keenaan dhageysiga eedeymaha ka dhanka ah isaga oo maqan.
Xeer ilaalinta ayaa doonaysa in ay Kony ku soo oogto 36 dacwadood oo ah dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan dil, kufsi, adeegsi carruureed, addoonsi galmo, guur qasab ah iyo waxyaale kale oo la halmaala.
SAIF AL-ISLAM GADDAFI
Maxkamada ICC ayaa sanadkii 2011 soo saartay warqad lagu soo xidhayo wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi isaga iyo aabihiis, kaas oo la qabtay lana toogtay bishii October ee sanadkaas.
Maalmo ka dib markii la dilay aabihiis, Saif al-Islam Gaddafi waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahano ka tirsan Zintan, halkaas oo ay u haysteen afduub ilaa lagu soo daayey sharciga cafiska ee AMNESTY 2017-kii.
Sanadihii la soo dhaafay, waxa uu isku dayay in uu ka qeyb galo doorashada madaxtinimo ee dalka Libya, taasi oo dib loo dhigay 2021-ka, welina aan la qaban tan iyo xilligaas.
Waxa la yaabka leh, dhanka kalena xiisaha leh ayaa ah , dacwad oogaha ICC ee hadda Karim Khan waxa uu ahaa qareenka da'da yaraa ee Qadaafi ka difaacyey kiiskiisa ICC wax ka badan hal sano oo gaadhsiisnayd ilaa uu ka baxay kiiskaas 2018-kii. Khan waxa uu noqday madaxa dacwad oogaha ICC 2021kii.