You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iiraan: Tirada dadka ku dhintay bannaanbaxyada oo sii kordheysa
- Author, Ghoncheh Habibiazad
- Role, BBC News Persian
- Author, Jessica Rawnsley
Garsoore iyo arday ayaa ka mid ah boqolaal qof oo la sheegay in lagu dilay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah dowladda Iiraan.
Garsoore Amiin Maxamed Koohkan, oo 26 jir ahaa lagu dilay rasaas toos ah oo lagu furay, 3-dii bishii Janaayo, xilli uu banaan bax ka socday Tuulada Neyriz, sida uu saaxiibkiis u sheegay BBC-d.
Saxaabkiis waxa uu dhahay "Qof walba waa uu yaqaanay naxariistiisa darteed", isaga oo intaas daray in qoyskiisu ay murugaysan yihiin, ayna u xanaaqsan yihiin sababtoo ah waxaa dishay dowladda".
Shan maalin uun kadib, waxaa sidoo kale magaalada Dahraan lagu toogtay Rubina Aminian oo ahayd ardayad 23 jir ah, sida ay sheegayaan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha. "Waa ay garaneesay waxa ay u dagaalameesay, waa ayna saxneed", ayuu adeerkeed u sheegay CNN.
In ku dhaw 500 banaan-baxayaal ah iyo 48 ciidamada ammaanka ah ayaa ku geeriyooday illaa iyo hadda oo uu banaan-baxa socdo laba todobaad, sida sheegayaan hay'ado u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo fadhigeedu Maraykanka
Ilo wareedyo ay BBC-da ka heleyso gudaha Iiraan waxa ay sheegayaan in dhimashadu ka badan tahay inta la tebinayo.
Dibad-baxyadaan ayaa bilowday 28 bishii hore ee Diseember, isaga oo salka ku hayey sicir barar dhanka dhaqaalaha ah, waxa uuna ka bilowday caasimadda Iraan ee Dahraan, waxa uuna ku fiday illaa 186 magaalo guud ahaan 31 gobol ee dalka, sida ay hay'adda wararka xuquuqda aadanaha sheegtay.
Dibadbaxyada ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa sannado badan, iyadoo lagu baaqayo in la soo afjaro Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo xukunka Hoggaamiyaha Sare Aayatullaahi Ali Khameyni. Dibadbaxyada ayaa sidoo kale, horseeday olole ay dowladdu waddo, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 10,600 oo qof la xiray, 496 dibadbaxayaal ahna la dilay, sida laga soo xigtay HRANA.
Shaqaalaha Cafimaadka Iraan ayaan sheegaya in isbtaalladu ka buuxaan meydad iyo dhaawacyo. BBC-da qeybta Persian ayaa xaqiijisay in 70 meyd la keenay Isbitaalka Poursina ee magaalada Rasht 9-kii Janaayo, BBC-duna waxay tirisay 180 bac oo bacaha lagu guro meydadka ah, xabaale u dhow Dahhraan.
BBC-da iyo xarumaha kale ee wararka midkoodka ma xaqiijin karo waxa ka dhex socda gudaha Iiraan, iyada oo dowladdu ay khamiistii jartay internet-ka dalkaasi.
Garsooraha geeriyooday, saaxiibkiis oo BBC-da la hadlay ayaa u sheegay inuusan ahayn goobjooge balse xogta uu ka helay dadka taagnaa marka uu falka dhacayey.
"degdeg ayey ku ahayd, run ahaantii. qof aad u da' yar ayuu ahaa", ayuu yiri Saaxiibkiis.
Waxa uu sheegay in ay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhaw, ilaa muddo 10 sano ahna ay isyaqaaneen, ciyaarista kubadda cagtana ay iskala soo bilaabeeyn ilaa yaraantoodii. Waxa uu marxuumka ku qeexay sida walaalkiis oo kale.
Dhimashada Aminian
Sidoo kale waxaa la dilay Aminian, oo ahayd arday Kurdi ah oo laga toogtay gadaasha iyadoo ka qayb qaadanaysa dibadbax Khamiistii, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda.
Laba kooxood oo udooda xuquuqda aadanaha ayaa si kala duwan u sheegay dilka Aminian, Iran Human Rights (IHRNGO) oo fadhigeedu yahay Norway iyo Kurdish-ka Hengaw - ayaa sheegayn in madaxa laga toogtay, halka Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Kurdistan ay sheegtay in dhabarka laga toogtay. Labada kooxood ee Kurdish-ka ah ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay toogteen. Inkasta xogtaan aysan BBC-du si madax banaan u xaqiijin karin.
Xubno katirsan Qoyska Aminian ayaa hay'adda INRNGO u sheegay in ay kasoo safreen deegaanka Kermanshah ee ku yaalla galbeedka Iiraan, si ay u raadiyaan meydka gabadhooda.
Waxa ay sheegeyn in meydka gabadhooda ay noqotay in ay ka dhex baaraan boqolaal meydad ah oo u badnaa dad dhalinyaro ah oo yaallay jaamacaddii ay dhiganeesay Aminian.
"Kaliya ma ahayn gabdheyda waxa aan arkay boqolaal meydad ah, indhahayga ayana ku arkay", ayey ku tiri hooyadeed hadalkeeda oo ku jiray qoraalka INRNGO.
Maamulka Iiraan waa uu diiday in Meydka Aminian lagu wareejiyo qoyskeeda si ay ugu aasaan deegaankooda, tacsina loogu dhigo halkaa. Qoyska ayaa la sheegay in lagu qasbay in ay ku aasaan wadada isku xirta Kermanshah iyo Kamyaran.
Hogaamiyaha Iiraan Aayatullaah Khumeyni ayaa dadka banaan-baxaya ugu yeeray qas-wadayaal, iyada oo Donald Trump uu ku hanjabay inuu soo faragelin doono, wuxuuna sheegay in militariga Mareykanka ay ka fiirsanayaan "tallaabada xoogan ee ay qaadayaan".
Banaan-baxyadaan ayaa ah kuwii ugu ballaarnaa tan iyo 2022-kii, waqtigaas oo ka dhashay, kadib markii ay xabsiga ku djhimatay Mahsa Amini, oo ahayd haweeney da'yar oo Kurdish ah oo ay xireen booliiska, kadib markii lagu eedeeyay in aysan xijaab sax ah xirneyn.