You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu yahay heshiiska xakameynta tubaakada ee ay meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka BFS
Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Heshiiska Caalamiga ah ee Xakamaynta Tubaakada oo loogu talagalay in lagu yareeyo iibinta tubaakada, isticmaalkeeda iyo waxyeellada aadanaha kasoo gaara. Xubno gaaraya 139-Xildhibaan ayaa ogolaatay meel marinta heshiiskan, halka ay ka aamuseen seddax Xildhibaan.
Cahdigaan ayaa bilowgiisii hore lagu ansixiyay shirkii 56-aad ee Golaha Caafimaadka Aduunka ee ka dhacay Geneva 2003-dii, badi waddamada Afrika ayaa hore u saxiixay heeshiiskan, Soomaaliya oo kamid ahayd dalalka aan weli saxiixin ayaa wadda in ay ku biirto, kadib marka uu Madaxweynaha saxiixo.
Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay waddanka 45aad ee qaaradda Afrika ku yaalla ee ansixinaya heshiiskan.
"Waa heshiis caalami ah oo ay saxiixeyn 90% dolwadaha addunka, in ka badan 183 dal ayaa ansixiyey caalam ahaan. waddamada Afrika 44 dal ayaa ansxiyey, mandiqataan 'eastern Mediterranean region' oo ay ka tirsannahay waxaa ansixiyey ilaa iyo 19 dal, sidaa darteed waa heshiis ballaaran oo dunida inteeda badan isku raacday", ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya.
Soomaaliya, isticmaalka Tubaakada ayaa ah mid caadi ah, waxa ayna dadku si caadi ah u isticmaalaan noocyadeeda kala duwan, iyaga oo aan la kulmin wax xannibaad oo kaga timaada dowladda, mar aan weydiinnay Dr Cali Xaaji waxa loola jeedo xakamayen ayuu waxa uu ku jawaabay, "waxaa loola jeedaa wax kasta oo tubaako ka sameeysan oo maadooyin kiimiko ah oo caafimaadka dhibaya ay ku jiraan in la xakameeyo, waxaa kamid ah shiishada ay dadku dhuuqaan, sigaarka, taabuugga iyo tubaakada la calaliyo, waxaa kamid ah tan la jiido ee sanka la saarto, maadada ay ka sameesan yihiin oo tubaakada ah ayaa keeneysa halis cafimaad. Sidaa darteed dowladaha adduunka oo dhan ayaa lagu bararujinayaa, in laga mamnuuco goobaha dadweynaha".
Isticmaalka Tubaakada Soomaaliya gudaheeda.
Gudaha Soomaaliya lagama helo badi noocyada Tubaakada, balse dalka waxa ay kasoo galaan dibadda, warbixin ay BBC-du hore u daabacday ayaa lagu sheegay in dalalka uu berigii hore ka imaan jiray ay kamid ahaayeen Kenya, iyada oo la soo raacin jiray diyaaradaha qaadka, balse dhaqtarka la wareystay ayaa sheegay in haatan si toos ah looga keeno dalka Hindiya, isaga ka soo gala dekadaha waaweyn ee uu leeyahy dalka.
Waxa uu dhaqtarku sheegay in meesha ugu badan ee uu ka soo dego ay tahay dekadda Muqdisho, marka Soomaaliya la eegana, halka ugu badan ee laga isticmaalo ay tahay magaalada Muqdisho.
Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo taabuuga. "Cilmi baaris laga sameeyay dalka Hindiya ayaa sheegaysa in 40kii ilbiriqsiba uu qof u geeriyoodo dhibaatada taabuuga, sidaasi waxaa ku socda dadka ku nool magaalada muqdisho haddii and wax laga qabanin oo ay dowladda qaadin tallaabo looga hortagayo halista taabuuga." Ayuu Dr Jalaaludiin ku sheegay cilmi baaris uu ka sameeyey.
Muxu yahay Heshiiskaan Caalamiga ah?
Heshiiska Xakameynta Tubaakada waa heshiis caalami ah oo hoos yimaada Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo ujeeddadiisu tahay in la xakameeyo isticmaalka tubaakada iyo waxyeellada ba'an ee ay ku leedahay caafimaadka, dhaqaalaha iyo bulshada.
Heshiiskan waxaa la ansixiyay sannadkii 2003, waxa uuna dhaqan galay 2005, isagoo noqday heshiiskii ugu horreeyay ee caalami ah oo si gaar ah diiradda u saara ka-hortagga tubaakada iyo halista ay ku leedahay caafimaadka qofka.
Cahdigaan oo loo FCTC af-Ingiriiris ahaan, waxa uu ku salaysan yahay baahida loo qabo in laga ilaaliyo dhalinta maanta iyo kuwa mustaqbalka khataraha ka dhasha tubaakada, gaar ahaan cudurrada halista ah sida kansarka, cudurrada wadnaha iyo sambabada, iyo dhimashada hore.
Heshiisku waxa uu ku boorinayaa dowladaha saxiixa, inay qaadaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo lagu dhimayo isticmaalka tubaakada iyo in la yareeyo saameynta warshadaha tubaakada ee ku aaddan go'aamada caafimaadka dadweynaha.
Qodobada muhiimka ah ee FCTC waxaa ka mid ah 'kordhinta canshuuraha', si uu u kordho qiiimaha tubaakada, taas oo hoos u dhigta isticmaalkeeda, gaar ahaan dhalinyarada. Waxa kale oo uu heshiisku mamnuucayaa xayeysiinta, buun-buuninta iyo ballanqaadyada loo sameeyo tubaakada, maadaama ay si toos ah u saameeyaan inuu bato isticmaalkeeda. Sidoo kale, FCTC wuxuu dalbanayaa in goobaha dadweynaha laga dhigo kuwo ka caagan qiiqa tubaakada si loo ilaaliyo dadka aan cabbin tubaakada.
Heshiisku waxaa kale oo uu adkeenayaa muhiimadda ay leeyihiin digniinaha caafimaad ee ku yaalla baakadaha tubaakada korkeeda, kuwaas oo si cad u muujinaya halista ay leedahay.
Intaa waxaa dheer, dalalka waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay bixiyaan adeegyo iyo barnaamijyo caawinaya dadka doonaya inay joojiyaan cabista tubaakada, isla markaana ay la dagaallamaan ganacsiga sharci-darrada ah ee tubaakada.
Guud ahaan, heshiiska Caalamiga ah ee Xakamaynta Tubaakada, waa heshiis muhiim ah oo caalami ah oo gacan ka geysan karta badbaadinta nolosha malaayiin qof. Haddii la dhaqangeliyo waxa uu dad badan ka caawin karaa in ay helaan fursado ay ku joojin karaan isticmaalka tubaakada.
Heshiiskaan Muxuu soo kordhinayaa?
Sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee DFS Dr. Cali Xaaji, heshiisku waxa uu dolwadaha farayaa in laga digo halista tubaakada ku leedahay caafimaadka qofka, in aan lagu cabi karin goobaha dadweyna iyo in aan caruurta laga iibin karin, balse maaha mid mamnuucayo isticmaalkeeda, dalka kastana waxa uu u madax banaan yahay tallaabada gaarka ah ee uu qaadayo.
"sidaa ognahay waxyaabo badan oo dhibaato ku ah caafimaadka, dunida ka ganacsigeeda iyo iibinteeda guud ahaan aysan mamnuuc ahayn, dalka walba go'aankiisa gaarka ah waa uu qaadan karaa, laakiin heshiiskaan guud ahaan ma mamnuucayo, dowladu ayuu ganacsigoodu ku tiirsan yahya, marka dunidu heshiis kuma noqoneyso in la mamnuuco ee waxa ay heshiis ku tahay sidii loo yareyn lahaa saaameynta ka dhalaneyso".
Dhalinyaro badan ayaa isticmaalka nooycada Tubaakada, qaarkoodna waxaa usii dheer dawooyinka qaar oo ay u isticmaalaan Tubaako ahaan, kuwaas oo ay ku miir-doorsoomaan , Dr. Cali ayaa rajeynaya in wax badan ay ka qaban doonaan dhaqangelinta heshiiskaan iyo shuruucda kale ee quseeya arrimahaan, kuwaas oo uu sheegay in ay sugayaan meelmarinta aqalka sare iyo Saxiixa Madaxweynaha.
Heshiiskan ayaa noqon doona mid dhaqan gala, marka ay meel mariyaan golaha aqalka sare, kadiba uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.