You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israa'iil oo ka feejigan faragelin uu Mareykanku ku sameeyo Iiraan

Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa wajahaya mudaaharaadyadii ugu weynaa ee dowladda looga soo horjeedo muddo sanado ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ra'iiusl wasaaraha Israa'iil oo sheegay hadal xaaladda Iiraan uga sii dari kara

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa rajo ka muujiyay in Iiraan dhawaan laga xorayn doono wax uu ugu yeeray"dulmiga kalitalisnimada."

    Netanyahu ayaa shirkii toddobaadlaha ahaa ee golihiisa wasiirada ka sheegay: "Dhammaanteen waxaan rajeyneynaa in qaranka Iiraan dhawaan laga xorayn doono dulmiga kalitalisnimada, marka maalintaas la gaaro, Israa'iil iyo Iiraan mar kale waxay noqon doonaan saaxiibbo daacad ah oo dhisa mustaqbal barwaaqo iyo nabad ah oo labada qaranba ah."

    15-kii maalmood ee dalkaas ay dibad-baxyadu ka socdaan, mas'uuliyiinta Mareykanka iyo Israa'iil ayaa taageeray bannaabaxayaasha.Mas'uuliyiinta Iiraan waxay dibadbaxyada u tiirinayaan shaqsiyaad ay Israa'iil ay ku tababartay, gudaha ama dibadda, waxayna ugu yeeraan sii socoshada Dagaalkii 12-ka Maalmood ahaa.

    Maanta, Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Baqer Qalibaf ayaa sheegay in haddii weerar milatari dhaco, Israa'iil iyo "xarumaha militariga iyo maraakiibta Mareykanka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah."

  2. Trump oo digniin u diray Cuba

    Donald Trump ayaa ku boorriyay Cuba inay "heshiis qaataan" haddii kale ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan, isagoo ka digay in qulqulka saliidda iyo lacagta Venezuela ay hadda joogsan doonaan.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa u digniin jeedinayay Cuba tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay qabteen hoggaamiyaha Venezuela Nicolás Maduro, kadib weerar ay ku qaadeen 3-dii Janaayo.

    Venezuela, oo xulafo soo jireen ah la Cuba, ayaa la rumeysan yahay inay jasiiradda u soo dirto ku dhawaad ​​35,000 oo fuusto oo saliid ah maalintii, balse Trump ayaa sheegay inay taasi dhammaan doonto.

    "Kuuba waxay ku noolayd, sanado badan, saliid iyo LACAG aad u badan oo ka timid Venezuela. Taa baddalkeeda, Cuba waxay bixisay 'Adeegyada Amniga' ee labadii kali-talis ee Venezuela ee ugu dambeeyay, laakiin mar kale ma dhacayso !"

    Waxa uu soo dhigay maanta bartiisa Truhth Social. " Saliid ama lacag dambe ma heli doonto Cuba - EBER! Waxaan si adag u soo jeedinayaa inay heshiis qaataan, INTA AYSAN GOOR DAMBE NOQON."

    Trump ma uusan qeexin qodobada heshiiska iyo cawaaqib-xumada ay Cuba la kulmi karto.

  3. Maxay Itoobiya uga aamusan tahay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland?

    Mar kasta oo ay adkaato xaaladdu Geeska Afrika, waddanka ugu weyn gobolka oo ah Itoobiya waxa uu inta badan door bidaa aamusnaanta.

    Dhawaan, Israa'iil oo ah waddan ku yaalla Bariga Dhexe oo leh awood millatari oo ballaadhan islamarkaana ah xulafo dhow oo Maraykanka ah ayaa aqoonsi siiyay Somaliland..

    Israa'iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, oo ay Soomaaliya u aragto qayb ka mid ah dalkeeda.

    Dalal iyo ururro caalami ah oo kala duwan ayaa si adag uga hor yimid oo cambaareeyay go'aanka Israa'iil.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrintani ay halis iyo walaac ku tahay Geeska Afrika.

  4. Doon sidday muhaajiriin oo ku qallibmatay Turkiga

    Hal qof ayaa dhintay shalay toddobo kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay badda Aegean ee xeebaha Turkiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalkaas.

    Soddon iyo toddobo qof oo rakaab ah oo saarnaa doon caag ah oo mareysay biyaha magaalada galbeedka Turkiga ku taal ee Dikili, ee waqooyiga Izmir, ayaa la badbaadiyay iyagoo nool, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

    Dikili, oo ah meel yar oo loo dalxiis tago, ayaa u dhow jasiiradda Giriiga ee Lesbos, oo u jirta ilaa 20 kiiloomitir (12 mayl).

    "Howlgallada baadigoobka ah...waxa ay sii wadaan raadinta toddobada qof ee la la'yahay ee muhaajiriinta ah," ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha.

    Doomaha qlalibma ayaa ku badan marinnada halista ah ee loo maro jasiiradaha Giriiga, kuwaas oo ah marin laga galo Yurub.

    Ku dhawaad ​​1,900 oo muhaajiriin ah ayaa la waayay ama laga helay badda Mediterranean-ka sanadkii 2025-kii, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah.

  5. Abiy Axmed oo lagu soo dhoweeyay Jabuuti

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri "Saaka waxa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha. Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go'an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac.

    Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland. Jabuuti ayaa si adag u cambaareysay tallaabadaas, waxayna u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Somaliland, iyadoo Itoobiya ay ka aamustay arrintaas.

  6. Itoobiya oo dhisaneysa garoonka diyaaradaha ee ugu casrisan Afrika

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu.

    Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dhagax dhigay garoonka ayaa sheegay in dhismaha garoonka looga gol leeyahay in Itoobiya ay noqoto marinka laga doorbido gaadiidka cirka.

    Sida uu ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada, garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dhismihiisa ayaa ah mashruuca ugu wayn ee horumarinta gaadiidka cirka ee Afrika.

    Garoonka caalamiga ah waxaa laga dhisi doonaa magaalada Bishoftu oo 40 km u jirta magaalada Addis Ababa. Marka wejiga koowaad ee dhismaha uu dhammaado, waxa uu garoonku qaadi doonaa 60 milyan oo rakaab ah sanadkii.

    Marka la dhammeeyo dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bishoftu, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah garoomada la doorbido, kaliya maahan Itoobiya laakiin sidoo kale Afrika, ayuu yiri Abiy Axmed.

  7. Mareykanka oo weerar ku ekeeyay Daacish

    Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga ah ayaa qaaday weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish (IS) ee Suuriya, sida uu shaaciyay taliska dhexe ee Mareykanka ee Centcom.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hagayay duqaymaha Sabtidii shalay ahayd dhacay, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Hawkeye Strike, isagoo uga aargoosanaya weerarkii dhimashada badnaa ee IS ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya 13-kii December, Centcom ayaa sidaa ku qortay X.

    Duqeymaha ayaa looga gol lahaa "dadaal lagu doonayay in lagula dagaallamo argagixisada laguna ilaaliyo ciidamada Mareykanka iyo kuwa saaxiibka ah ee gobolka, sida ay sheegtay Centcom."

    "Fariintayadu waa ay adag tahay: haddii aad dhaawacdo dagaalyahannadeenna, waan ku qaban doonnaa waanan kugu dili doonnaa meel kasta oo adduunka ah, si kasta oo aad isugu daydo inaad caddaaladda ka fogaato," ayay tiri Centcom.

  8. Israa’iil oo heegan gashay iyadoo ka cabsi qabtay inuu Mareykanku farageliyo Iiraan

    Israa'iil ayaa ka feejigan suurtagalnimada faragelin kasta oo Mareykanka uu ku sameeyo Iran iyadoo mas'uuliyiinta dalkaas ay wajahayaan mudaaharaadyadii ugu weynaa ee dowladda looga soo horjeedo muddo sanado ah, sida laga soo xigtay saddex ilo oo Israa'iil ah oo arrintan wax ka og.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu faragelin doono Iiraan wuxuuna uga digay taliyayaasha dalkaas inay awood u adeegsadaan dibadbaxayaasha. Sabtidii shalay ahayd, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu "diyaar u yahay inuu caawiyo dibadbaxayaasha".

    Ilaha, kuwaas oo goobjoog ka ahaa la-tashiyada amniga ee Israa'iil dhammaadkii toddobaadka, ma aysan faahfaahin waxa feejignaanta sare ee Israa'iil loola jeedo ficil ahaan. Israa’iil iyo Iran ayaa bishii June waxaa dhex maray dagaal socday 12 maalmood, kaas oo Maraykanku la saftay Israa’iil isla markaana qaaday duqaymo cirka ah.

    Wadahadal taleefoon ah oo ay yeesheen shalay, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio waxay ka wada hadleen suurtagalnimada faragelinta Mareykanka ee Iran, sida laga soo xigtay ilo Israel ah oo goobjoog ka ahaa wada hadalka. Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in labada nin ay wada hadleen balse ma uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

    Israa'iil ma aysan muujin rabitaan ah inay farageliso Iran iyadoo mudaaharaadyadu ay qabsadeen dalkaas, xilli xiisadda u dhexeysa labadan cadowga isku ah muddada dheer uu sare u kiciyay walaaca ay Israa'iil ka qabto barnaamijka Nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iran.

  9. Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiray aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

    Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa shalay oo Sabti ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya.

    Ururka ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrinta haatan taagan ee ah aqoonsiga ay dhowaan Israa'iil aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, iyagoo sheegay inay taasi tahay "xadgudub".

    Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay "in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin."

    Dhanka kale, OIC ayaa sidoo kale isla soo qaaday arrimaha Falastiin iyo xaaladda Qasa, iyagoo isla gartay in lasii guda galo wejiga labaad ee xabbda joojinta.

  10. “Xasan Sheekh Maxamuud awood uma laha inuu idin keeno halkan” Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Turkiga

    Wasiirka madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo goor dhow qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay dowladda Turkiga ee ku aaddanaa aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

    “Waxaa wax lala yaabo ah in 35 sano kadib oo ay iska indha tirayeen dadkeenna iyo qadiyadeenna, in dawlada Turkigu si lama filaan ah u ogaatay muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland. Waxaa ka sii niyad jab badan in garashadani ay isu rogtay cadaawad. Run fudud ayaa ah mid taagnaaneysa: kani waa dhulkeenna. HSM sharci iyo awood midna uma laha inuu halkan idin keeno-laakiin waxaanu leennahay sharci iyo awood aanu ku martiqaadno saaxiibadeenna” ayuu ku yiri qoraalkiisa barta X.

    Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo kala jeeday aqoonsiga ay israa'iil ka heshay.

    Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri: “waxaan u arkaa aqoonsiga Israa'iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaadda bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa'iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” Ayuu yiri.

  11. Hadalka Turkiga ee ka careysiiyay Somaliland

    Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga ay israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeeda madaxbanaanida ugu dhawaaqday.

    Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa'iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa'iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.”

  12. Taliska Booliska Somaliland oo muwaadiniintooda safraya ugu baaqay inay sitaan kaarkooda dhalashada

    Taliska booliska Somaliland oo muwaadiniinta deegaankeeda ku amartay inay qaataan kaarkooda dhalashada, gaar ahaan kuwa u kala safraya gudaha Somaliland

    Sugida amniga ayaa talisku sheegay in loo qaadayo talaabadan, iyaga oo ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan amaanka

  13. Dhakhaatiirta Iiran oo sheegay in isbitaalladu ay aad u buux-dhaafeen, iyada oo mudaaharaadyadu ay galayaan toddobaadkoodii labaad.

    Iyada oo mudaharaadyada ka socda Iiran ay galeen toddobaadkoodii labaad, isla markaana mas’uuliyiinta dowlada ay soo saareen digniino loo diray dibadbaxayaasha, dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya laba isbitaal ayaa BBC-da u sheegay in xarumahooda caafimaad ay ka buux dhaafiyeen dhaawacyo.

    Mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa sheegay in isbitaal indhaha lagu daaweeyo oo ku yaalla Tehran uu galay xaalad degdeg ah, halka BBC-da ay sidoo kale heshay farriin ka timid kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya isbitaal kale, kaas oo sheegay in aysan haysan dhakhaatiir qalliin oo ku filan si ay ula tacaalaan tirada badan ee bukaanada la keenayo isbitaalka.

    Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay ku jirto “dhibaato weyn”, isaga oo yiri “Way fiicnaan lahayd inaadan bilaabin rasaas ridid, sababtoo ah annaguna waan bilaabi doonnaa rasaas ridid.”

    Iiran, warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay Mareykanka ku eedeysay inuu mudaharaadyada u beddelay waxa ay ku tilmaantay “falal rabshado leh oo lagu wiiqayo amniga iyo geysashada burbur ballaaran.”

  14. Trump oo ka digay weerar kale uu ku qaado Nigeria haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay inuu amri karo weerarro kale oo cirka oo uu ku qaado Nigeria, haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta ee ka dhacaya dalka dhaca Galbeedka Afrika.

    Wareysi uu siiyay wargeyska New York Times, Trump ayaa la weydiiyay in weerarradii Maalinta Kirismaska ee ka dhacay gobolka Sokoto ee waqooyiga Nigeria ee lagu bartilmaameedsaday kooxaha islaamiyiinta ay ahaayeen qayb ka mid ah olole militari oo ballaaran.

    “Waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo hal mar oo kaliya. Laakiin haddii ay sii wadaan dilka Masiixiyiinta, wuxuu noqon doonaa weerar joogto ah,” ayuu yiri.

    Dowladda Nigeria ayaa horay u diiday eedeymihii Trump ee ahaa in ay ku guul-darreysatay ka ilaalinta weerarrada kooxaha jihaadiga ee ka dhanka ah masiixiyiinta , iyada oo sheegtay in “Muslimiin, Masiixiyiin iyo dadka aan diin lahayn” dhammaantood la beegsanayo.

  15. Dadka reer Greenland oo dareemaya cabsi iyo welwel ay ka qaadeen jaahwareerka ay dhexda u galeen

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin Denmarka toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Greenland — oo ah dhul si iskiis ah u maamula arrimihiisa balse hoos yimaada Denmark — kaas oo Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu u baahan yahay sababo la xiriira amniga qaranka.

    Jasiiraddan baaxadda weyn ayaa isku aragta bartamaha duufaan siyaasadeed oo caalami ah oo magaca Trump ku xardhan yahay, dadka ku noolna si cad ayay u walaacsan yihiin.

    Hase yeeshee dal ahaan mar walba waxa ay u muuqdaan kuwo aad u deggan. Baraf iyo buuro ayaa ku fidsan inta ay ishu gaari karto dalkaasi, mararka qaarkoodna waxaa kala dhex gooya gacan-biyoodyo qurux badan — dhammaantoodna waxay ku yaallaan inta u dhexeysa Badweynta Arctic iyo Badweynta Atlaantik. Waxaa la yiraahdaa Greenland waxay ku taallaa dusha sare ee dunida; inta badan dhulkeeduna wuxuu ka sarreeyaa Wareegga Arctic.

    Greenland waaxa ay sagaal jeer ka weyn tahay Boqortooyada Ingiriiska, balse waxaa ku nool kaliya 57,000 oo qof, badankoodna waa dadka asaliga ah.

    Haweeney sheegtay in ay maalmahan qof walba ka shaki qabto, isla markaana aan magaceeda sheegin, ayaa qiratay in ay “aad uga baqayso dhimasho” suurtagalnimada ah in Trump uu jasiiradda xoog ku qabsado, kaddib markii ay daawatay faragelintii militari ee uu ku sameeyay Venezuela.

    “Dabcan, gumaysigii Denmark wuxuu sababay dhaawac nafsi ah oo weyn oo soo gaaray dad badan, balse annagu waxaan rabnaa oo keliya in nala daayo annagoo nabad ku nool,” ayay tiri.

  16. Maxay tahay faa'iidada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

    Jimcihii ay bisha Disembar 26ka ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.

    Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.

    Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta.

    Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.

  17. Hindiya oo sheegtay inay si xooggan u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya

    Hindiya ayaa Jimcihii (Janaayo 9) si xooggan u taageertay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    “Hindiya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Soomaaliya. Waxaan sii wadeynaa inaan adkeyno muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya Randhir Jaiswal markii wax laga weydiiyay aqoonsiga Somaliland.

    Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Israa’iil ay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland inay tahay dal madax-bannaan 26-kii Diseembar.

  18. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ''Aqoonsiga Israa'iil waa nasiib darada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland''

    Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga ay israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeeda madaxbanaanida ugu dhawaaqday.

    Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa'iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa'iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.”

  19. Magacyada iyo Tirada ururada iyo dalalka kahor yimid aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

    Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hoos horjeestay aqoonsiga Israa'iil u aqoonstay Somaliland "dal madax-bannaan", iyagoo ku adkeysanaya in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Dhammaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markiii Ra'iisul wasaraaha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Cirro ay yeesheen kulan qadka online-ka, kaas oo Netanyahu uu ku sheegay in Somaaliland ay ka mid noqoneyso saaxiibadooda diblomaasiyeed.