You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waxa dalabka xarigga ICC uu uga dhigan yahay Israa'iil iyo Xamaas
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si adag u difaacay Israa’iil, saacado kadib markiii Maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC, ay soo saartay waaran lagu soo xirayo raysal wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca oo loo haysto in ay Qasa ka gaysteen dambiyo ka dhan ah bini’aadatinimada.
Biden ayaa meesha ka saaray in dammbiyo isku mid ah ama iska agdhowba ay galeen Israa’iil iyo Xamaas.
"Waa iska cadahay in Israa'iil ay rabto inay sameyso wax walba oo ay ku xaqiijin karto ilaalinta rayidka," ayuu hadalkiisa ku dara Mr Biden.
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa ceeb ku tilmaamay tillaabada ay maxkamaddu qaadday.
Wuxuu ka digay in waaranka ay maxkamaddu soo saartay ee lagu soo xirayo Netanyahu uu carqalad ku noqon karo dedaallada nabadda lagu raadinayo ee laga dhex wado Israa’iil iyo Xamaas.
Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa qudhiisu si caro leh u cambaareeyay dacwad oogaha maxkamadda ICC-da, waxaana uu meesha ka saaray in "Israa'iil oo dimuqraadi ah" lala barbar dhigo waxa uu ugu yeeray "dilayaal".
Dacwad oogaha Maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka, Karim Khan, ayaa sheegay in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamini karo in Mr Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant ay mas'uul ka yihiin dembiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bini'aadantinimada ee Qasa ka dhacay.
Israa'iil iyo Maraykanka, oo ah saaxiibbo aad isugu dhow, ayaan xubin ka ahayn maxkamadda caalamiga ah ee ICC-da.
Hoggaamiyaasha Xamaas ee la doon-doonayo
Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.
Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, afduub, kufsi, xadgudub galmo iyo jirdil.
Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil.
Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay "in la baabi'iyo dhammaan amarrada lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha iska caabinta Falastiiniyiinta".
"Xamas waxay si adag u cambaaraynaysaa isku dayga dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee uu ku doonayo in dhibbanaha iyo dembiilaha la simo," ayay tiri kooxdu.
Kooxdu ayaa sidoo kale waxay ka cawdeen in codsiga waaranka ee ka dhanka ah Netanyahu iyo Gallant uu yimid “toddobo bilood ka dib colaadda”, iyo in hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadda iyo militariga Israa’iil aan la soo hadal qaadin kuwaas oo ay Xamaas aaminsantahay in ay qayb ka yihiin dambiyada ka dhacaya Qasa.
Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa Xamaas u aqoonsan in ay yihiin urur argagixiso.
Suurtagal ma tahay in la soo qabto madaxda Israa'iil maadaama aaney xubin ka aheyn maxkamadda?
Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC-da Kariim Khan, haddii ay ku raacaan garsoorayaasha kale ee maxkamadda, waxaa arrintaasi cadaadis saaraysaa dalalka reer galbeedka oo sida muuqata keeni karta in ay gacan ka qaystaan soo qabashada shantaan xubnood ee la eedeynayo.
Balse waxaan la iska idha tiri karin in dalalkaan reer galbeedku ay saaxiib dhow la yihiin Israa'iil taasoo sababeysa in aaney ku dhicin soo qabashada iyo xitaa ku lug-yeelashada arrintaan. Sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka arrimahan taxliiliya.
Haddii aaney taa dhici karina dadka arrimaha falanqeeya waxaa ay leeyihiin waxaa halkaa ka cad in dalalkan oo ku ololeyn jiray ha la soo qabto madax kale sida Putin-ka Ruushka oo weliba maxkamadda culeys ku saari jiray in warkoodaasi uu ahaa "afka-baarkiisa."
Arrinta kale ee maxkamadda hortaalla ayaa ah in Israa'iil aaney qayb ka aheyn heshiiskii Rome ee maxkamaddan lagu aasaasay.
Guuleed Dafac waa sharci yaqaan arrimahaan u dhuun daloola, waxaa uu qabaa in haddii codsiga dacwada oogaha uu isku badelo go'aan ay u dhanyihiin garsoorayaasha maxkamadda uu bidhaamin doono dhab iyo iska dheh middey ahayd wixii ay horey u dhihi jireen madaxda reer galbeedka oo durba qaarkood ka gilgishay warka Kariim Khan.
"Xeer ilaaliyuhu wuxuu codsaday in amarka loo jaro laakin weli amarka lama jarin, haddiise waaranka qabashada maxkamaddu ku raacdo, waxaa culeys badan fuuli doonaa waddamada reer galbeedka oo muddo badan ku ololeyn jiray Putin iyo dadka la midka ah in la qabto," ayuu yiri Dafac.
Falanqeeyaasha qaarkood ayaa aaminsan in maxkamaddu aaney ku firfircooneyn fulinta amarrada ay soo saarto taas oo mugdi galineyso in la isla gaaro mararka qaar gunta hoose si loo ogaado caqabadda iyo cidda sababtaba.
"Maxkamaddani waxay ku liidataa fulinta go'aamada ay soo saarto, sababtoo ah waxay u baahantahay in dalalka aduunyadu ay si iskood ah u fuliyaan maadaama maxkamaddu aaney laheyn boolis u fuliya amarka," ayuu yiri Guuleed Dafac oo BBC-da u warramayay.
ICC ayaa horey waaran codsi ah oo kan la mid ah uga soo saartay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.
Amarkaas ma fulin hase-yeeshee wuxuu xadiday isla markaana cadaadis saaray Putin iyo Bashiir gaarahaan meelaha ay tagi karaan iyo dhaqdhaqaaqooda guud.
Aas-aaskii Maxkamadda ICC
Maxkamadda caalamiga ah ee ICC-da waxaa la aas-aasay bishii July sanadkii 2002-dii, sababta loo unkayna waxay ahayd sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka ay waxyeellada ka soo gaarto dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Sanooyin badan kadib waxaa su'aal la galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkii loo aasaasay.
Kiisaska ugu badan ee horyaalla maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad.
Qaar ka mid ah dalalka Afrika ee saxiixay heshiiskii Rome ee maxkamaddan lagu aasaasay ayaa horey ugu gooddiyay inay isaga baxayaan haddii aanan wax laga badelin qaabka ay u shaqeyso.
Tillaabadaan ay hadda u dalbaneyso in lagu soo xiro raysal wasaare Netanyahu ayaa loo arkaa mid ka mid ah hababka ay isaga weecineyso eedeymaha dul hoganaya ee ah in ay dhinacyo gaar ah u janjeerto.