Colaadda Tigray: Shiinaha miyuu Mareykanka kaga guuleystay dagaalka Itoobiya?

Tigray

Mareykanka ayaa beddelaya ergaygii gaarka ahaa ee Geeska Afrika, sanad kaddib markii dagaallo qaraar oo uu dhiig ku daatay ay ka dhaceen dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Jeffrey Feltman ayaa xilka ka degi doona "maalmaha soo socda". Feltman ayaa qorsheynaya inuu banneeyo xilka wax yar kaddib markii uu booqasho ku tegay Itoobiya, oo muddo sanad ah oo uu dagaal ka socday gobolka Tigray ay ku dhinteen tobnaan kun oo qof.

Diblomaasigan Mareykanka ka socda ayaa shalay la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

David Satterfield, oo ah safiirka Mareykanka ee Turkiga ayaa xilkaasi la wareegi doona, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in waaxdu ay qorsheyneysay in Feltman uu ergayga gaarka ah ee dalalkaas sii ahaado wax ka yar sanad, isagoo intaas ku daray inuu sii wadi doono doorkiisa la talineed.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa muddo 40 sano ah ka shaqeynayay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa wuxuu ahaa safiirka Mareykanka ee Turkiga, halkaas oo uu dhexdhexaadiye ka ahaa xiriirka xumaaday ee labada dal ee xulafada la ah NATO.

Tigray

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Beijingay deg deg u soo magacaabi doonto ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika si uu gacan uga geysto xallinta dagaallada uuna "u taageero ammaanka iyo baraaraha".

Arrintan ayuu kaga dhawaaqay xilli uu 6-dii bisha booqasho rasmi ah ku joogay Kenya.

Wasiirka ayaa dalalka Geeska Afrika ugu baaqay inay mustaqbalkooda iyaga ka fekeraan.

Wang ayaa booqasho ku joogay Eritrea iyo Kenya tan iyo 4-tii bisha, maanta ayuuna jasiiradda Comoros ku soo gabagabeyn doonaa booqashadiisa Afrika.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa ee Shiinaha "uu yahay iskaashi saaxiibbo wada shaqeynaya si loo gaaro koboc dhaqaale".

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa ku cadaadinaya muwaaddiniinta Mareykanka ee Itoobiya inay isaga tagaan dalkaas isla markaana maamulkiisa uu caawinaad dib u dejin ah u sameynayo dadka aan awoodin tikidhka diyaaradda.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi aya amarkii uu booqashada ku joogay Addis Ababa wuuxu caddeeyay in Shiinuhu uu si buuxda u taageerayo dowladda Itoobiya. Tan ayaa ka duwan hannaanka Mareykanka oo cunaqabateyno ku soo rogay Itoobiya, balse kuma uusan so rogin dagaal-yahannada Tigray.

Labada dal ayaa u muuqda kuwo si weyn isugu haya siyaasadda Itoobiya, iyadoo midna uu cunaqabateyn ku soo rogay, midna uu taageero u fidinayo dowladda Itoobiya.

Yaa kale oo ku hardamaya Itoobiya?

Tigray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Labada dhinac ayaa khasaaro kala kulmay dagaalka

Iyadoo xiriirka dowladda Itoobiya ee Mareykanka iyo Midowga Yurub uu sii xumaanayay, ayaa waxay dowladdu bilowday inay raadiso xulafo kale si ay cagta u mariso dagaal-yahannada TPLF.

Mareykanka ayaa dhowaan cunaqabateyn saaray Itoobiya, isagoo ku eedeynaya "meel ka dhac baahsan oo xuquuqda aadanaha ah".

Kjetil Tronvoll, oo ah professor daraasaadka dagaalka ka dhiga jaamacad ku taalla Norway ayaa sheegay in tani ay horseedday in Itoobiya ay diiradda meel kale saarto.

"Dowladda Itoobiya waxay dareemeysaa inay ka maarmi karto Galbeedka - ayna hub ka heli karto Iiraan, Turkiga iyo Shiinaha, sidoo kalena deymo ka qaadan karto Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, ayna garab difaac ka helo karto Ruushka iyo Shiinaha," ayuu yiri, isagoo farta ku fiiqay in labadan dal ee ugu dambeeya ay diideen soo jeedinta Golaha Ammaanka ee QM ee ah in qaraar laga gaaro dagaalka sokeeye.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Shiinaha uu hub u qeybinayo Ciidamada Itoobiya ee ENDF, waxaana ka mid ah hub isugu jira kuwa dhexe iyo kuwa riddada dheer.

Iiraan ayaa sidoo kale la sheegay inay diyaaradaha dagaalka ee Muhajer-6 ay siisay dowladda Itoobiya,, waana isla hubka uu ururka Iiraan taageerto ee Xisbullaah u adeegsaday Suuriya.

Imaaraatka Carabta ayaa iyaduna hore diyaaradaha dagaalka iyo qaar ka mid ah hub Israa'iil lagu sameeyay siisay Itoobiya, waxaaa hubkaas ka mid ah nooca Wing Loong ee Shiinaha lagu sameeyay.

Shiinaha ayaa u muuqda mid doonaya inuu meesha ka saaro Imaaraatka Carabta - oo loo arko inuu Mareykanka taageero - isagoo kaashanaya Iiraan.

Dagaalka Itoobiya ayaa waxaa dhowaan ku gacan sarreeyay ciidamada dowladda, oo toddobaadyo kahor u muuqday kuwo laga adkaaday, markii ciidamada TPLF ay qiyaastii 209 kilomitir u jirsadeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Dhanka kale, kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool Mareykanka, ayaa qaar ku hor banaan baxayay bannaanka Aqalka Cad, iyagoo ka careysan in Mareykanku uu la saftay TPLF.

Tigray

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Munaasabad dareen leh oo lagu xusayay sanad-guurada koowaad ee dagaalka

Mareykanka ayaa sheegay inuu gacan ka geystay dhexdhexaadinta labada dhinac, isagoo u maraya dalalka Afrika.

Balse dhexdhexaadintaasi ma ahayn mid miro dhashay, sababtoo ah Itoobiya ayaa la sheegay inay wada hadalladaas u arkeysay mid loogu qasbayo inay faraha ka qaaddo gobolka Tigray, iyadoo ku beddelaneysa in dagaalka la soo afjaro.

Mareykanka ayaa sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay arinta Itoobiya, balse maamulka Biden ayaa 17-kii September cunaqabateyn saaray xubno Itoobiyaan ah, isagoo sidoo kalena 12-kii November cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Eritrean ah.

Haddii Itoobiya ay ku guuleysato amaba ay si buuxda gacanta ugu qabato Tigray, waxaa loo arki doonaa dalka ugu awoodda badan Geeska Afrika.

Kahor dagaalkii Tigray, Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka ugu kobaca dhaqaalaha badan, iyadoo maalgashan jirtay dhismaha iyo waxbarashada. Haatan dhaqaalaha Itoobiya ayaa ka soo guuraya dhanka beeraha una weecanaya warshadaha.

Haddii ay Itoobiya Masar kaga guuleysato biyo-xireenka ay ka dhiseyso Webiga Nile, waxay noqon doontaa isha ugu weyn Afrika ee tamarta biyaha laga dhaliyo. Tna iyo sanadkii 2000, Shiinaha ayaa mashaariicda Itoobiya ku maalgashanayay 12 bilyan oo doollar.