Maxaa baraha bulshada looga hadal hayaa haweenka Sucuudiga ee loo ogolaaday ku biiridda militeriga?

Ciidamada Sucuudiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Sucuudiga

Wasaaradda Gaashandhigga ee Sucuudiga ayaa shaaca ka qaadday in haweenka dalkaas ay ku biiri karaan militeriga, tallaabadaas oo hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Sida laga soo xigtay wargeyska dowladda, wasaaradda gaashaandhigga waxay shaacisay taariikhda la qaabilayo haweenka iyo ragga doonaya inay kusoo biiraan militeriga Sucuudiga.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada ay ku biiri karaan haweenka

  • Ciidamada lugta
  • Ciidamada cirka
  • Ciidamada badda
  • Ciidamada boqortooyada u qaabilsan gantaallada
  • Ciidamada militeriga u qaabilsan arrimaha caafimaadka
Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Shuruuradaha laga doonayo iney buuxiyaan dumarka ku biirayo militeriga Sucuudiga

  • Waa in haweeneyda ay tahay muwaadin u dhashay Sucuudiga.
  • Waa in dhaqan wanaagsan ay leedahay oo aanay wax dambi ah gelin.
  • Waa in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay.
  • Wa in aysan ahayn marwo uu dhaxda qof aan Sucuudiga u dhalan.

Ka shaqeynta horumarka haweenka

Go'aanka kasoo baxaay Sucuudiga ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan.

Dadka qaar waxay sheegayaan in go'aanka ay dan ugu jirto haweenka maadama uu horumarkooda ka shaqeynayo.

Haween badan oo ku sugan Sucuudiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku biiraan militeriga.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Halka dadka qaar ee isticmaala barta Twitter-ka ay ku tilmaameen dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan "in uu u ololeynayo xuquuqda haweenka"

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Ibraahim Al Muniif oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in arrinta ku saabsan in haweenka ay ku biiraan militeriga aysan ku cusbeyn Sucuudiga iyo taariikhda Islaamka.

Halka qaarkood ay sheegayaan "in difaacidda dhulka hooyo uu waajib ka saaran yahay qof kasta"

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas hiigsiga sannadka 2030-ka, kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka ee Sacuudi Carabiya.