Daawo: Sanad ka dib markii dumarka Sucuudiga ay codeeyeen

Qoraalka Muuqaalka, Sanad ka dib markii dumarka Sucuudiga ay codeeyeen

Maanta hal sano ayaa laga joogaa markii dumarka Sucuudiga loo ogolaaday inay codeyn karaan xilliga doorashada iyo inay u tartami karaan xilalka doorashada golayaasha deegaanka.

Inkastoo golayaashaasi aysan awood badan lahayn, hadana dad badan oo boqortooyada ka mid ah waxay filayaan inay isbedel keento.